Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa wali isku fidinaya goobo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka ku jermaadeen aagag cusub oo aanay horay u joogin, iyadoo iska caabin kala kulamayaan dhalinyaro hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Isgoyska Fagax, Hotelkii Kaah ilaa Hotelka Ramadaan, waxaana hada iska hor imaad uu ka socdaa nawaaxiga Shineemo Puntland ee jidka aada Ex Koontarool Balcad.
Ciidamada Dowladda ayaa labo jiho ugu kala socda xaafadaha degmada Yaaqshiid, waxaana ay ka soo kala dhaqaaqeen dhinaca Xaafadaha ee aada Arjantiin iyo dhanka wadada laamiga ee Hotelka Lafweyn, oo ay ka soo dhaqaaqeen Xaafada SII SII.
Taangiyada ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan Isgoyska Fagax, iyadoo daaraha ku yaala Isgoyska ay koreen Ciidamada.
Koox Wariyeyaal ah oo la geeyay goobihii Ciidamada qabsadeen ayaa soo sheegaya in markii ay gaareen Hotelka ramadaan uu halkaas is qabsaday rasaas iyo madaafiic, kadib markii si lama filaan ah xaafadaha uga soo baxeen dhalinyaro hubeysan.
Mid ka mid ah Wariyeyaashii tagay goobahaas ayaa sheegay inay soo mareen Isgoyska Fagax, Hotelkii Lafweyn, Hotelkii Kaah, Hotelkii Ramadaan iyo Hotel Garguurte, aagagaas ayaa waxaa isku fidinayay Ciidamada Dowladda.
Qaraxyo ayaa la maqlayay iyo madaafiic ku dhacayay goobo fog fog, waxaana dagaalka hada saameyntiisa ay u muuqataa mid gaareysa xaafadaha degmada Huriwaa oo Ciidamada Dowladda ay sii siqayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOm iyo kuwa Dowladda ay qorsheynayaan inay fariisimo ka sameystaan Warshadii Baastada iyo Xeradii Xeyle Bariise.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe














































