Diiuuaank | Dhacdooyin

Ciidamada Ammaanka Uganda oo 20-ruux oo Soomaali ku jiraan ka qab qabtay Kampala

Ciidamada Ammaanka dalka Uganda ayaa wali ka wada Caasimada Kampala howl galo ay ku qab qabanayaan dadka soomaalida iyo kuwo ay la xiriirinayaan inay ku lug lahaayeen qaraxyadii gil gilay todobaadkii hore magaaladaas, kaasoo dad fara badan ku dhinteen.

Maalintii shalay ayaa howl galo ay ka sameeyeen magaalada waxay ku qab qabteen labaatan ruux oo isugu jira, Soomaali, Itoobiyaan, Ugandes iyo wadaado u dhashay dalka Pakistaan.

Howl galada Ciidamada ayaa ka dambeeyay markii Saraakiisha Booliska ay ku dhawaaqeen in ay jiraan kooxo ku soo dhuuntay Kampala oo ku lug lahaa qaraxyada.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska oo la yiraahdo Kale Kaihula ayaa sheegay in baaritaanada socda ay yihiin kuwo ay kaga hortagayaan falal kale oo qaraxyo ah, kadib markii Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane uu ugu hanjabay inay sii wadayaan qaraxyada ay ka geysanayaan Kampala.

Si kastaba ha ahaatee soomaalida ku nool magaalada Kampala ayaa saameyn weyn ay ku yeelatay qaraxyadii todobaadkii tagay ka dhacay, kaasoo ay sheegteen Xarakada Alshabaabka Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul Islaam oo dagaal ku qaaday Haweenka sita Indha Shareerka

Maleyshiyada Xisbul Islaam  ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay haweenka  ka furaan Niqaabka ama indha shareerka kuwaasi oo ay horay ugu amreen.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Maleeshiyada kooxda  Xisbul Islaam  ee ku sugan Degmada Afgooye iyo deegaanka loo barakcay ee ceelasha biyaha ayaa maal mihii  ugu danbeeyay waxa ay wadeen falal ay kula dagaalamayaan haweenka ku labista idhashareerka.

Maleeshiyadan ayaa billaawday in ay haweenka kala degaan gawaarida ay ku safrayaan ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye, waxaana sida ay goobjoogayaashu ku soo waramayaan ay  haweenka ay  ku amrayeen in ayan mar kale  qaadan karin indhashareerka hadii kale ay ciqaabta kooxdaas la kulmi doonaan.

Ma cadda sababta ka dambaysa in kooxdaani ay sameeyaan falalkaas ay  kula dagaalamayaan qaadashada indhashareerka hayeeshee dadka qaar ayaa ku macneeynaya cabsi ay ka qabaan kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta kooxdaas.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Museveni: Waan baabi’ineynaa kuwii ka danbeeyay

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa balanqaaday inuu baabi’in doono kooxihii ka danbeeyay weeraradii bam ee lagu qaaday caasimadda Kampala ee waddanka Uganda.

Madaxweyne Museveni, waxa uu sheegay in kuwii geystay dembigaasi ay dabageli doonaan meel kasta oo ay joogaan gudaha Uganda ama Soomaaliyaba.

Kooxda Islaamiga ah ee Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyadu qaaday weeraradaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo daawanayay cayaartii ugu danbeysay ee koobka adduunka.

Mr Museveni waxa uu ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun, si ay ula dagaallamaan kooxaha mucaaradka, oo uu sheegay inay taageero ka helaan Bariga Dhexe.

Museveni waxa uu sheegay inuu doonayo in la beddelo qorshaha ay ku hawlgalaan ciidamada. Waxa uu yiri “Waxaan Muqdisho u joognaa inaan ilaalino garoonka dayaaradaha iyo xarunta madaxtooyada – intaas ayay ahayd,”

Waxa uu intaa sii raaciyay in markan ay doonayaan inay weerar tagaan oo ay soo qabtaan cidii ka dambeysay weerarka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo fariin kale u diray Madaxda dalalka Uganda iyo Brundi

Amiirka maleeshiyada  Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr ayaa fariin cod ah oo uu soo marsiiyay warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu ku bogaadiyay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qarxiyay magaalada Kampala ee caasimadda uganda  habeenkii Isniinta.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay ka geysteen dalka Soomaaliya Ciidamadii Itoobiya iyo Mareykanka sida uu yiri.

“Waxa loogu yeero AMISOM waxay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay Itoobiya iyo Mareykanka geysteen, waxay dadka ku laayeen Madaafiic, dhismayaashii waxay dhulka la simeen Taangiyo”ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay bilow u ahaayeen weeraro hor leh oo uu qeexay in ay la beegsan doonaan magaalooyinka Bujumbura iyo Kampala, waxaana uu ugu hambalyeeyay weerarkaas kuwii fuliyay inay ahaayeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii hore Mareykanka ku dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe.

5-tii bishan ayay ahayd markii Amiirka Alshabaab uu fariin uu soo marsiiyay warbaahinta uu ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Brundi in ay beegsan doonaan, iyadoo hanjabaadiisa 6-maalmood kadiba si ficil ahaan u fushay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Tarsan oo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho loogu Magacaabay Maxamed Axmed Tarsan iyadoo Munaasabad Balaaran oo uu xilka kula wareegayay ay maanta ka dhacday Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimamay ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sh.C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisoow,Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.

Gudoomiyihii  hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Eng C/risaaq Maxamed Nuur ayaa si kalsooni leh xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Tarsan ayaa ugu horeeyn u mahadceliyay Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir, waxa uuna ku amaanay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, waxa uuna Gudoomiyaha cusub balanqaaday in uu dardar gelin doono howlaha maamulka Gobolka Banaadir

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo sheegtay Qaraxyadii ka dhacay Kambala

Maleeshiyada Al Shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii habeen hore ka dhacay Magaalada Kampala ee ay dadka badan ku dhinteen, iyagoo ku tilmamaya mid ay ugu aargudayeen Soomaali ay ciidamada AMISOM u geysteen xasuuq.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay inay ahaayeen qaraxyadaas kuwo ay horay uga digeen shacabka Uganda inay la kulmi karaan, haddii ay ciidamadooda joojin waayaan xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka dhageyso shirka Jaraa’id ee uu qabtay Sheekh Cali Dheere

“Waxaan marar badan ku cel-celinnay haddii wiilashiinna aad naga ceshan waydaan oo xasuuqa ay dadkeena ku wadaan ka joojin waayaan idinkuna markiina ayaad ooyi doonaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Ma sheegin Afhayeenka Shabaab dadkii geystay qaraxyadaas jinsigooda iyo tiradooda, wuxuuse sheegay inay ku guuleysteen howshaas, isagoo sheegay inay muddo dheer ka shaqeynayeen hadafkuna uu ahaa in la dareensiiyo xanuunka dadka Uganda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Al shabaab Oo Sheegtay Inay faraxsan Yihiin Qaraxii Uganda Balse Ka Gaabsaday Inay Iyagu Ka Danbeeyeen

Ururka Al shabaab ee ka dagalama gudaha dalka Somaaliya ee lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen qaraxii ka dhacay Uganda habeenkii xalay ahaa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaraxaasi balse waxa ay ka gaabsadeen inay beeniyaan ama sheegtaan inay ka danbeeyeen.

Sarkaal Al shabaab ka tirsan oo la yiraahdo Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise oo u waramayay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in aad u farxad gelineyso qasaaraha soo gaaray Uganda balse waxa uu ka gaabsaday inuu cadeeyo inay iyagu lug ku lahaayeen.

“Uganda waxa ay ka mid yihiin cadowyadeena, wax kasta oo ka oohiya anagu waa ku farxeenaa” ayuu yiri sarkaal kaasi isagoo ka aamusay inuu xuso inay qaraxaasi lug ku lahaayeen iyo in kale.

Maalintii jimacaha ayay aheyd markii Sheekh Muktaar Robow uu ku baaqay in weeraro lagu qaado Uganda iyo Burundi, hadii ay cadaato in Al shabaab ay ka danbeysay qaraxyadii xalay ruxay Uganda waxa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyay ee Al shabaab ay ka fuliso meel ka baxsan gudaha dalka Somaaliya.

Qaraxyadii xalay dhacay ayaa sidoo kale waxa ay sameyn weyn ku yeelan karaan soomalida wax ku barata ama ka ganacasata dalka Uganda kuwasoo laga yaabo in caqabado soo wajahaan hadii qaraxyadaasi ay fuliyeen kooxda Al shabaab ee dalka Somaaliya ka dagaalanta

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo nin rayid ah ku toogtay Beydhabo

Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa shalay gilinkii dambe nin rayid ah ku toogtay degmada Beydhabo, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu u basaasayay Dowladda Itoobiya.

Dilka Ninkan rayidka ah oo  Lagu magacaabayey Ibraahin C/qaadir Maxamed oo 37 jir ah ayaa waxaa uu ka danbeeyey kaddib markii Kooxda Alshabaab soo qabteen xilli uu ku sugnaa Beydhabo, waxayna sheegeen in ninkaani uu horay Basaas ugu ahaa Dowladda KMG ee Soomaaliya haddana u basaasayay  Itoobiya.

Shabaab ayaa  Ibraahim C/qaadir   ku tuugtey garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si qasab ah ay isugu Soo aruuriyey Haween, Caruur iyo dhalinyaro Si ay u daawadaan sida Maleeshiyadu ay ugu dhiiran tahay dilka dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

Arrintan dilka ah ee gelinkii danbe ee shaley ka dhacdey Magaalada Baydhabo ayaan ahayn tii ugu horeysey oo maleeshiyada Alshabaab aya fuliyaan  waxayna  hore dil ceynkan oo kale ah  ugu geystaan dad badan oo rayid ah, kuwaas oo ku noolaa   goobaha ay maamulaan Maleeshiyadaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay in ay banaan tahay in la farageliyo Xaaladda soomaaliya

Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Soomaaliyeed kuna sugan magaalada Jiddah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka madaxda Afrika ka soo saareen Soomaaliya, keenista ciidamo shisheeye iyo baahida keentay in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

Hadalka Sheekh Cumar Faaruuq oo intiisa badan u daliishanayay diinta Islaamka iyo shareecada inay ku bannaan tahay maanta faragelin caalami iyo mid goboleedba lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay sabab u tahay Soomaalida qolo qolo iyo koox koox u qeybsan oo iyagu ku heshiin waayay inay dalkooda ku heshiiyaan.

“IGAD ama dalalka deriska ah inay farageliyaan Soomaalida is maqli weysay way bannaan tahay” ayuu yiri Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inuu isagu soo dhoweynayo go’aanka dalalka Afrika ay ka soo saareen dalka Soomaaliya, waayo buu yiri Sheekha dabka ka holcaya Soomaaliya haddii ay Afrika ku fiirsato waa hubaal inuu iyaga gaarayo.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu sheegay dhinaca kale inay sii kordhayaan dagaalada dalka ka socda haddii ay yimaadaan ciidamo shisheeye ama la soo kordhiyo kuwa AMISOM, hase yeeshee dagaalladaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo baahan yahay bacdamaa uu yahay mid lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambeyntii Soomaalida ka luntay 20-sano ka badan.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan inay ka heshiiyaan wixii dhexdooda ka dhacay, wuxuuna si gaar ah baaq ugu jeediyay Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka inay hubka dhigaan oo ay xabbadda joojiyaan iyagoo u turaya dadka rayidka ah ee dhibaatada inta badan ka soo gaareyso, wuxuuna intaasi raaciyay Sheekh Cumar Faaruuq in Shareecada Islaamka dembi ahayn tallaabo kasta oo horseedeysa xal ka gaaridda iyo masaalixda dadka iyo dalka Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wakiilkii Shirkadda Xawaalada Iftiin ee Magaalada Athenis ee dalka Greeca oo Lacago fara badan la goostay

Dad fara badan oo Tahriibayaal ahaa ayaa dhibaato ku qabsatay Magaalada Athenis ee dalka Greeca kadib markii Wakiilkii Shirkadda Xawaaladda Iftiin ee Greeca la goostay Lacago fara badan.

Sheekh Khaalid, oo ahaa Wakiilka Xawaalada Iftiin ee Magaalada Atenis ayaa la waayay maalintii shalay ahaa isagoo la baxsaday lacago dad tahriibayaal ah laahayen, iyagoo doonayya dadkaas in ay ku iibsadan boosas ama leyman ay ku tagaan dalalka Yurub.

Habeenkii xalay ahaa ayaa Ciidamada Booliska ee Greeca waxay tageen daarta ay deganayd Xawaaladaas Iftiin,waxayna gudaha u galeen xafiiskii Maamulka iyagoo qabqabtay dad halkaas ka shaqeyn jiray iyo dad kale oo lacago ka maqnayd oo halkaas ka sameynayay fowdo iyo rabsho.

Waxaa la waayay Sheekh Khaalid oo madax ka ahaa Xafiiskaas, waxaase markii dambe laga war helay in Sheekh Khaalid ka dhoofay Athenis.

Maanta ayaa dad lagu qiyaasay ilaa iyo 40 meeyo waxay isugu yimaaden xarunta Xawaaladaas ee Magaalada Athenis.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in ay ka maqan tahay lacag dhan 3500 Euro, sidoo kale Haweenay soomaaliyed ayaa halkaas ku suuxday ooyan darteed, waayo wixii lacag ah oo ay haysatay waxaa la goostay Sheekh Khaalid.

Dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan magaalada Athenis ayaa welwel ka qaba xawaaladaha ka furan Athenis, maadama aysan lahayn xawaaladaha sharci ku saleysan jiritaankooda ayna dhici karaan wax walba.

Nuuradiin Macalin Mukhtaar

magaalada Athenis

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ajanabi Al qaacida ka tirsan oo lagu dilay agagaarka Buuloburde

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dagaalyahanno Ajnabi ah ku dileen howl gal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan.

Axmed Cismaan C/lle   taliyaha ciidamada dowladda  Soomaaliya  ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen   degmada Buulo Burto ee gobolka Hiiraan ay ku dileen laba nin oo ka mid ah ajanaibta duullaanka ah ee maleeshiyada Shabaab ay dalka ku soo hogaamiyeen.

Waxa uu sheegay taliyuhu in howl galkaasi oo si xeeladaysan u dhacay ay  ku dileen ajaanibtaasi xilli ay ku sugnaayeen meel duleedka ka ah magaalada ayagoo tababar u fidinayo maleeshiyaad Soomaali ah.

Taliye Axmed Cismaan C/lle ayaa tilmaamay in raggaasi ay dileen ee shisheeyaha    ah ay u kala dhasheen wadamada Ghana iyo Masar,  kuwaa   oo uu xusay in ay haayaan Baasabooradoodii ay ka qaadeen kaddib makrii ay dileen.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo qarax la beegsaday Saldhig Xisbul Islaam ku sugnaayan

Qarax ayaa xalay lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada  Xisbul-Islaam ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelllaha hoose.

Qaraxaani oo ahaa Bamm gacmeed islamarkaana waxaana lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhigga degmada Afgooye waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Dad ka agdhaw saldhiga dagmada afgooye ayaa sheegay in ay arkayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Xisbul Islaam oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo laga daad gureynayay halka qaraxa lala beegsaday.

Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay weeraro joogta ah oo kooxda shabaab la beegsato dablayda uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Qaraxan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Xisbil Islaam ay jir dil u geysteen sadex dhallinyaro ah oo Al shabab ka tirsan, islamarkaana ay xabsiga dagmada Afgooye ku xireen.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islaam oo cadeeyay inuu ku biirayo Dowladda, xilli Shabaab hal baxsi ku hayaan Saraakiisha Xizbiga

Iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada iyo is ugaarsiga ka dhex bilaabatay maleeshiyada Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa haatan waxaa soo muuqanaya saan saan dagaal oo ay labada dhinac si xoogan u wadaan, kadib markii shalay oo kaliya iska dileen ilaa 8-ruux oo labada dhinac ah.

Maxamed Macalin oo ka mid ah Saraakiisha gacanta midig u ah Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir ayaa iftiimiyay warar maalmihii la soo dhaafay humaag ku jiray, kaas oo ahaa inuu socdo wada hadalo u dhaxeeya Xubno ka tirsan Dowladda iyo Saraakiisha Xisbul Islaam.

Wareysi si sir looga qaaday Sarkaalkan ayaa muujinayay u dhowaanshihiisa dhinaca Dowladda, kadib markii xubno ka tirsan Dowladda ay ku qanciyeen inuu ku soo biiro.

Maxamed Macalin oo horay ugu magacaabnaa Xoghayaha Warfaafinta, balse haatan laga dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibada ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin dad mowqifkooda fog yahay, oo aad u qalafsan, waxaana uu rajo ka muujiyay inuu guul ku dhow yahay wada hadalka u socda Dowladda.

Shabaabka ayaa horay u galay Xisbiga sidii dabigii cadaa iyo kii gaduudnaa ee Libaaxa qayaanay, taasoo markii hore ka soo bilaabatay Jubooyinka, markii ay bur buriyeen Maamulkii Jubooyinka Xisbul Islaam uu hogaaminayay Axmed Madoobe.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Jaaliyadda Beesha Absame ee North America oo taageertay Magacabista Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya

Beesha Absame ee North America ( Canada and USA)and Europe oo soo dhaweysay Magacabista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya Wasiirka Maliyada Hussein Abdi Halane oo ah Sarkaal ku xeeldheer siyaasada Somalia in muddo ah ka soo Shaqeyey Ha,aydaha NGO,sida CARE USA,oo madaxna soo noqday CARE USA Khartoum,Addis Abeba,Ethiopia,

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Aqoon ahaan wuxuu sita Shahadada Masters,ahna nin kaso bixi kara hawlaha cakirin isla markaasna isku xira kara Dowlada iyo Hay’adaha Lacagaha Adduunka.

Waxgaradka Beesha Absame waxay yiraahdeen waa siyaasi ku xeeldheer arrimaha Somalia wax badana ka qaban kara arrimaha Jubooyinka ahna nin isu keena kara dadka kuwada nool meesha,Duqoowda waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha Absame ayaa waxa ay si isku mid ah u ayideen ama ay u taagereen Magacaabista Husein Abdi Halane iyagoona sheegay inuu Yahay shaqsi kasoo bixi kara Xilka loomagacabay.

Beesha Absame oo tageero weyn u haysa Dowlada,dibeda iyo gudahaba,Beesha Absame waxay ka codsaneysa xildhibanada beesha Absame in ay gacan ka siiyaan shaqada qaran ee ku soo fool leh wasiirka Maaliyada,iyo «nabadeynta «jubbooyinka iyo sidi ay gacanta Dowlada dib logu soo celin laha,Dowladu Xiligaan ay u bahantahay tageero ay ka hesho shacbiga Somaliyeed
ugu dambeyn waxaan leenahay Ilahay ha u fududeyo hawlahan ku soo fool leh

Nuuradiin Macalin

Posted in DhacdooyinComments (0)

10-ruux oo maanta Shabaab iyo Xisbul Islaam isaga kala dileen Muqdisho

Iska hor imaad hubeysan ayaa galabta casir liiqii ka dhacay Xaafada Laba Dhagax ee degmada Wardhiigley ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dablay ka tirsan Shabaab ay tacshiirad ku fureen Gaari ay la socdeen maleeshiyo ka tirsnam Xisbul Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ku dhinteen lix ruux oo uu ku jiray Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Cabdi Samad, kaasoo Xisbiga u qaabilsanaa dhinaca howl galada.

Daqiiqado kadib ayaa Maleeshiyo ka tirsan Xisbul Islaam oo ka careysan weerarka lagaga dilay sarkaalkooda ayaa waxay iyana weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax, halkaasoo ay ku dileen ilaa labo ruux.

Xiisad u dhaxeysa labada dhinac ayaa waxaa la soo sheegayaa in caawa ka taagan tahay Xaafad u dhow dhow Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay soo buuxiyeen maleeshiyaad ka kala tirsan labada dhinac.

Shabaab ayaa horay si gaadmo ah u qaarijiyay saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam, taasoo aanay Xisbiga wax ficil ah ka bixin, hase ahaatee tallaabada galabta ayaa noqoneysa tii u horeysay ee ay ka jawaabaan, waxayna sii horseedeysaa khilaafka u kala dhaxeeya labada dhinac

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xaaladda caafimaad ee mid ka mid ah laba dhallinyaro oo xukun gacmo goyn ah ku fulisay Al-Shabaab oo laga deyrinayo

Maleeshiyada Al-Shabaab ee Degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay ayaa shalay fuliyay xukun gacmo goyn ah oo lagu fuliyay laba dhallinyarada degaanka ka mid ah, iyadoo fulinta xukunkaasina ay ka soo qeyb galeen dadweynaha magaalada Buurhakaba, kuwaasi oo daawanayay qaabka loo fulinayo xukunkaasi.

Sheekh Haajir oo Al-Shabaab u qaabilsan Buurhakaba ayaa ka hadlay fulinta xukunka gacmo goynta ah ee lagu fuliyay labada wiil, waxa uuna sheegay inay geysteen falal tuuganimo, hase yeeshee ma sheegin hantida ay dhaceen waxa ay tahay.

Labada wiil ee Al-Shabaab ay gacmaha ka gooyeen ayaa lagu kala magacaabaa Xuseen Aadan iyo Muqtaar da’dooduna ka hooseyso 30-sano jir, hase yeeshee labada wiil midkood ayaa loola cararay Isbitaal, kaddib markii uu dhiigiisa inta badan dhulka ku daatay xilligii gacanta laga goynayay, taasi oo la sheegay in muddo dheer lagu hayay bannaanka markii gacanta laga gooyay isla markaasina aan laga xirin dhiigga gacantii la gooyay.

Inta badan xukunada qisaasta iyo rajmiga ay fuliyaan Al-Shabaab ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, oo sheegay inay khilaafsan tahay diinta Islaamka, mar haddii aysan ahayn maamul si buuxda uga talin dalka iyo inaysan dadku dooran raallina ka ahayn

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo fariin fulinimo ah soo diray markii Labaad muddo bil ka yar

Hogaamiyaha maleeshiyada Alshabaab ayaa fariin maqal ah oo uu saacadihii la soo dhaafay soo diray ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladaha dagaalada ee ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo dagaaladaas ku tilmaamay kuwo heer gabo gabo maraya.

Fariinta Axmed Godane *Abuu Zubeyr*  oo aheyd cajalad maqal ah ayaa waxaa uu ku soo beegay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku sii xoojiyay in la sii wado dagaalka.

Fariinta oo aheyd mid dar daaran iyo guubaabo isugu jiray ayaa sida looga bartay Hogaamiyaha Shabaab waxaa uu inta badan ku cabiray suugaan gabayo ah, oo badankood ahaa guubaabo uu u jeedinayay dablaydiisa Shabaab.

“Mujaahidiinta waa inay sabraan, dagaalkana ay sii joogteeyaan”ayuu yiri Abuu Zubeyr oo shacabka Muqdisho ugu baaqay in dagaalka jihaadka ka qeyb qaataan, ayna garab siiyaan Mujaahidiinta sida uu yiri.

Abuu Zubeyr ayaa xusay in Dowladda KMG ay isugu darsantay khilaafaad iyo guluf maalmihii u dambeeyay ay ku qaadeen, kaasoo uu tilmaamay in jab xoogan ay ku gaarsiiyeen, isla markaana ay AMISOM ka gubeen Taangi.

Waxaa uu ugu baaqay Shucuubta dalalka Uganda iyo Brundi in aysan ka qoomameyn dhibaatada gaartay, oo uu tibaaxay in horay si la mid ah ay u gaarsiiyeen Mareykanka iyo Itoobiya.

Fariintan ayaa noqoneysa fariintii labaad oo muddo labo todobaad gudahood soo diro Hogaamiyaha Alshabaab, kaasoo farimihiisa yihiin kuwo maqal ah oo uu soo dhigo Warbaahinta Muqdisho

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ahlu sunna oo diiday Wasiirada la magacabay

Afhayeenka Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo warbaahinta la hadllayay ayaa si kulul u weeraray Liiska Golaha Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay Xafiiska R/iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Al Qaadi waxaa uu sheegay in qaabka hadda wax loo dhigay ay ciriri galin doonto geedi socodkii nabada iyo howlihii dib u heshiisiinta ee la waday, waxaana uu intaa ku darray in Ahlu Sunna Waljameeca waxba ku laheyn Golaha Wasirrada cusub ee la magacaabay.

”Runtii waxaan u aragnaa in Ahlu Sunna Waljameeca loola dhaqmay qaab Jees Jees ah oo kale, waxaana muuqta in dhismahan cusub loogu talagalay in lagu bur buriyo heshiiiskii horay u dhaxmaray Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya’ ayuu yiri Al Qaadi oo dhinaca kale sheegay in Culima’udiinka Ahlu Sunna aheyn Jago doono laakiin Ujeedadoodu aheyn in ay isbadal cusub ku oo biiriyaan Dowladda hadda jirta.

Afhayeenku waxaa kaloo uu sheegay in xitaa aan wax wada tashi ah lagala sameyn dhinacooda magacaabista isaga oo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya in uu dhagaha ka fureystay baaqyo is daba jooga ah oo ka soo baxayay Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasoo looga digay R/iisal Wasaarruhu in uu magacaabo shaqsiyaad aan ka tirsaneyn Ahlu Sunna Waljameeca.

”Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca go’aan dhab ah ayeey ka qaadan doonaan dhismaha Xukuumada cusub mana u dul qaadan doonaan Culimadu in magacooda kuraas lagu siiyo shaqsiyaad aan wax raad ah ku laheyn Culimada, maadaama dadka wax hogaamiyaha yihiin kuwo Diinta iyo Shareecada Islaamka wax ka yaaqaana ayuu yiri Al Qaadi.

Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay ayaa waxaa ka dhax muuda Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ay horay uga qeyliyeen Saraakiisha Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo Dowladda ku wargaliyay in aysan matalin, waxaana ka mid ah Shaqsiyaadka ay tilmaameen Saraakiishu Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo hadda laga dhigay Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalo ka socda Magaalada Muqdisho

 Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ka jeeda iyo Maleeshiyada Shabaab oo ay ka barbar dagaalamaya dagaalyahano al qaacida ah ayaa saakay dib uga bilowday degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Shibis ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid toos u dhexmaraya labada dhinac, ayna dhacayaan madaafiic culus oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah sababay.

“Duqeymo culus ayaa ka socda waqooyiga Muqdisho, madfac ku dhacay Isgoyska Maanaboolyo aya sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca in ka badan shan qof oo kale, kuwaasoo ahaa rayid doonayay inay dagaalka ka cararaan” ayuu yiri goobjooge.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu yahay mid aad uga culus dagaallo shantii casho ee lasoo dhaafay ka socday degmooyinkaas, uuna dagaalku qarxay markii ciidamada Dowladda ay weerarka qaadeen, iyadoo dagaalladan ay kusoo beegmeen hal maalin oo laga nastay dagaallo degmooyinkaas ka socday.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Amniga Qaranka

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Guddiga Amniga Qaranka

Shariif Madaxweynaha Dowladda KMG ah isagoo xiran dharka Ciidamada oo maalmahan ku gaaf wareegayay xarumaha Ciidamada iyo jiida hore ee dagaalka ayaa kala hadlay xubnaha Guddiga Amniga.

Xubnihii shirkan  ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa  Wasiiraka Arimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar , Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi maxamed cali , Taliyaha Ciidamada XDS jen:Maxamed Geelle kaahiye, Taliyaha Cidanka Boliska Somaliyeed Gen: Cali maxamed xasan Cali Madoobe. Taliye Kuxigeenka Nabad Sugidda Qaranka Gen Nuur shirbow.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay Xaaladaha Dagaal ee ka jira dalka, sida looga mira dhallin karo Amni ku soo celidda dalka Soomaliya iyo sidii Loo dar dar galin lahaa Howlaha Ciidamada Qaranka.

Ujeedada ugu weyn kulankan laga lahaa ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argigixisada oo Shabaab ka mid tahay.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Liiska Golaha Wasiirada cusub

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Walaayo ayaa warbaahinta u aqriyay liiska wasiirada oo u qornaa sidatan:-

  1. R/wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe).
  2. R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).
  3. R/wasaare ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka. C/waaxid Cilmi Goonjeex.
  4. Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda. C/kariim Axmed Cali.
  5. Wasaaradda arrimaha dibadda Yuusuf Xsan Ibraahin dheeg.
  6. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir cali Cumar.
  7. Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi.
  8. Wasaaradda Amniga Qaranka Axmed C/salaam xaaji Aadan.
  9. Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mustaf Sh Cali dhuxuloow.
  10. Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
  11. Wasaaradda Haweenka iyo aerr. Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh.
  12. Wasaaradda xanaanada Xoolaha C/casiis Lafta Gareen.
  13. Wasaaradda dastuurka iyo arr. Federaalka Madoobe Nuunoow.
  14. Wasaaradda beeraha beeraha. Maxamed Ibrqaahin xaabsade.
  15. Wasaaradda hantida qaranka iyo qalabeynta maxamed Mursal.
  16. Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cali Axmed (Jingili).
  17. Wasaaradda dhaqancelinta iyo arrimaha bulshada. Prof. maxamed cumar Dalxa.
  18. Wasaaradda gargaarka aadamiga. Maxamud Cabdi Ibraahin (Garweyne).
  19. Wasaaradda warfaafinta. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).
  20. Wasaaradda Cilmi barista iyo technology-yada Maxamed cali Xagaa.
  21. Wasaaradda macdanta iyo biyaha  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
  22. Wasaaradda dib-u-dhiska  Xuseen Ceelaabe faahiye.
  23. Wasaaradda dalxiiska iyo duur joogta C/laahi Yuusuf Cigaal.
  24. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maxamed cabdi Xayir Maareeye.
  25. Wasaaradda Caafimaadka. Maxamuud Jirde Xuseen.
  26. Wasaaradda tamarta iyo shidaalka C/raxmaan Jaamac.
  27. Wasaaradda Boostda iyo isgaarsiinta C/risaaq jurille.
  28. Wasaaradda jaaliydaha C/laahi Axmed c/lle Azhari.
  29. Wasaaradda ganacsiga C/rashiid Maxamed Cirro.
  30. Wasaaradda howlaha guud iyo griyeynta Yuusuf Geelle Ugaas.
  31. Wasaaradda warshadaha C/lla Boos Axmed.
  32. Wasaaradda Bay’ada iyo dhirta Burci maxamed xamza.
  33. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ispoortiga Qadiijo maxamed diiriye.
  34. Wasaaradda Hormarinta reer Miyiga. Maxamed Cabdi Yuusuf.
  35. Wasaaradda waxbarashda iyo barbaarinta  C/nuur Macalin Maxamuud.
  36. Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Sh Nuur Cali Aadan.
  37. Wasaaradda dib-u-heshiisiinta Xuseen Warsame samatar.
  38. Wasaaradda Lacagta C/laahi Maxamed cali (sanbaloolshe).
  39. Wasaaradda hub ka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar cali Rooble.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maalintii 3 aad ayaa dagaal culus ka socda Magaalada muqdisho

Dagaal culus, ayaa wali ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo lagu jiro sanad guuradii 50 aad markii Soomaaliya xoriyadda heshay

Ugu yaraan 25 qof, ayaa ku dhintay dagaal maalintii 3-aad ka socda Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya kooxaha mucaaradka ee Al-Shabaab ay ugu horayso iyo ciidamada dowladda oo ay la socdaan kuwa AMISOM.

Shalay madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, isagoo raacay mid ka mid ah taangiyada ciidamada AMISOM, waxaana u gashanaa qalabka xabadda laga xirto.

Dadka dhintay ayaa u badan dad rayid ah oo ay ku dhaceen madaafiic ku dhacay isbitaalka Kaysaneey, Suuq-Bacaad iyo deegaano kale oo dad rayid ah degan yihiin. 7 ka mid ah saakay ayay ku dhinteen dagaalada dhacay.

Dagaalka xoogiisa, ayaa ka socda degmada Cabdulcasiis, hase yeeshee, madaafiicdu waxay ku dhacayaan meelo ka fog fog goobaha lagu dagaalamayo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Siilaanyo iyo Nololshiisa

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936.

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare wuxuu ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan ee Shiikh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946 ilaa iyo 1960.

1960-kii ilaa iyo 1965-tii wuxuu Axmed-Siilaanyo ku jiray Jaamacad ku taal Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaas oo uu ku qaatay shahaaddada koowaad iyo tan labaad ee cilmiga Dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965 ilaa Oktoober 1969, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu talada afgambi kula wareegay 21kii Oktoober 1969, waxaa Axmed-Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.

Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ilaa 1982 oo uu ka baxsaday dowladdii kacaanka.

1982, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM.

18 May 1991 shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen gooni isutaagga Somaliland wuxuu Axmed-Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993 wuxuuna ka tirsanaa ilaa 1997.

1997 ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta, isaga oo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu guddoomiye ka noqday.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed-Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 cod oo keliya, waanay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isaga oo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Axmed-Siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirdde, oo ah qof aqoon yahan ah

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Dowladda oo guulo ka gaaray dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho

Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM oo is kaashanaya iyadoo Madaxda sare ee Dowladda ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka.

Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global halkaas oo maalmahan ay ku dagaalamayeen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradka.

Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.

Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.

Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka cul culus oo ay adeegsanayaan kooxaha dagaalamaya.

Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay mid sababi kara haddii uu sii socda in Dowladda gacanteedu ku hanato degaano badan oo Magaalada muqdisho ka mid ah.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shariif Sh Axmed oo Ciidamada la socda Sawirada

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sh Shariif Sh Axmed oo tagay jiida hore ee dagaalka ayaa deeq loogu talagalay ciidamada xoogga ka gudoomay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yuusuf Cali Ceynte,Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale,Xildhibaanad Aamino Saciid,Xildhibaanad Maryan Sh.Cusmaan iyo Xildhibaano kale ayaa jiida hore  ee dagaalka deeq ay ugu talagaleen ciidamada Xoogga ee howlgalada ka wada qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho,  ku gudoonsiyay Madaxweeyne Shariif oo tagay Jiida hore ee dagaalka isagoo xiran dharka Ciidamada iyo qalabka la isaga difaaco rasaasta.

Deeqda ay xildhibaanadu gudoonsiiyeen Madaxweeyne Shariif ayaa waxa ay ka koobneyd 100-kartoon oo biyo ah, 80-Kartoon oo Timir ah, 40-Kartoon oo Malaay ah, waxaana qaar ka mid ah  Xildhibaanada oo halkaasi ka hadlay ay sheegeen in ay garab taaganyihiin howlgalada Ciidamada Xoogga dalka ay ku xoreeynayaan guud ahaan wadanka,  Isla markaana ay sii wadi doonaan taakuleeynta ciidamada,  iyagoo intaa ku daray in xildhibaanadu ay naftooda u horayaan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ujeedada Madaxweynaha u xirtay dharka Ciidamada isla markaana uu tagay jiida hore ee Ciidamada fadhiyaan ayaa waxay qeyb ka tahay dhiirigelinta ciidamada.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Tahriibayaal ku geeriyooday wabi u dhaxeeya Turki iyo Giriiga

Ku dhawaad 21- ruux oo ay ku jiraan Soomali ayaa geeriyootay kadib markii ay la qalibmatay Dooni ay Saarnaayeen taasi oo mareysay wabi u dhexeeya Dalalka Giriiga iyo Turkiga.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Greeca , 21 ruux oo muhaajiriin Africaan ah ayaa ku geeriyootay webi ku yaala inta u dhaxaysa  wadamada Turkiga iyo Giriiga kadib markii ay la rogmatay Dooni ay ku safrayeeen.

Dadkaas dhintay ayaa waxay doonayeen in ay u soo gudbaan dhinaca dalka Greeca, waxayna ka yimaadeen dhinaca dalka Turkiga.

11-ka mid ah dadkaasi ay ku geeriyooday dhinaca wadanka Giriiga halka 5 kalana ay nafwaayeen  gudaha wadanka Turkiga, sida ciidamada boolisku laga soo xigtay.

Doonidan ay saarnaayeen  muhaajiriinta ka socota qaaradda Africa ayaa lagu soo waramay in ay ciladd soo wajahaday xilli ay ku sii jeedeen wadanka Giriiga, taa oo ku  qalibantay goobta lagu magacaabo Dela Foos oo u  dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriiga .

Mana ahan markii ugu horaysay oo muwaadiniin Soomaaliyeed   ay ku geeriyoodaan amma  dhibaato ay ka soo gaarto safarada ay ugu tillaabayaan wadamada shisheeyee, maadaama wadankooda hooyo ay  dagaalo ka ooganyihiin

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul-Islaam ” Idaacaduhu ma tabin karaan musaabadda 1da Luuliyo”.

 Maleeshiyada kooxda Xisbul-Islaam la baxday ayaa maanta warbaahinta Muqdisho ku ammartay in aysan tebin Karin munaasabadda maalinta xornimada Soomaaliya.

Xaashi Maxamed Faarax oo kamid ah  kooxda Xisbul Islaam ayaa maanta shir jaraa’id qabtay ayaa  ugu hanjabay wariyeyaasha iyo milkiilayaasha idaacadaha in aysan tebin Karin   wararka iyo barnaamijyada la xiriira xuska Munaasabadda 1da Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed, isagoona sheegay in maalintaasi ay tahay xuskeeda mid aan  waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida uu horjooge Xaashi hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale tibaaxay horjooge Xaashi Maxamed Faarax in aanay idaacaduhu gebi ahaanba ka hadli Karin oo aanay warar ka samayn Karin munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada Nabi Muxamad NNKH, isagoo sidoo kalena si gaar ah ugu hanjabay wariyihii ka qayb gala Munaasabadahaasi ay ciqaab uusan sheegin marsiin doonaan.

Hadalka Xaashi Maxamed Faarax ayaa ah mid daba socda hadal uu dhowaan jeediyey afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere kaasi oo isna uu ugu gefay Sharafta Calanka islamarkaana meel ka dhac uu ugu sameeyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee dhiigooda u huray xurnimada ay umadda Soomaaliyeed  maanta ku naaloonayaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ilaa iyo 10-wariye oo ku dhaawacmay w/Muqdisho

Koox Wariyayaal ah ayaa maanta ku dhaawacmay degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaldeen in ay geynayaan fariisino ay ciidamada Dowlada KMG ah uga qabsadeen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Wariyayaasha ku dhaawacmay halkaasi ayaa waxa ay gaarayaan ilaa iyo Taban Wariye kuwaas oo isugu jira wariyayaal ka howlgala warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwo dibada, waxaana warayayaashani ku dhaawacmeen Madfac ku soo dhacay agagaarka Global xilli Maleeshiyada Shabaab ay doonayeen in Wariyayaashan ay geeyaan fariisimo ay sheegteen in ay ka qabsadeen ciidamada Dowlada KMG ah.

Wariyayaasha ku dhaawacmay halkaasi ayaa ka mid ah Muuse Jiisoow oo ah Milkiilaha Websidka Soomaali san, C/risaaq jaamac Cilmi Black oo u shaqeeynayay TV-ga Somali Chanal, mid ka mid ah Camero manada TV-ga Aljasiira iyo wariyayaal kale oo ka howlgala Warbaahinta Maxaliga ah.

Muuse Jiisow ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ay kaxeeyeen Wariyayaashaasi iyagoo ugu sheekeeyay in soo arkayaan fariisimo ay ciidamada dowlada ka qabsadeen, hase yeeshee ayuu yiri markii aanu soo gaarnay Hotelki Global aya xabadi nagu bilaabatay kadibna waxa soo dhacay ayuu yiri madfac kaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa iyo Toban Wariye, kuwaas oo uu dhawacoodu yahay mid fudud

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo boobay xarunta Hey’ad qaabilsan Miino saarida deg-Afgooye

Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa bililiqo iyo boob u geeystay xarunta Hey’ad qaabilsan miino saarida oo lagu magacaabo Main Action.

Maleeshiyada Xisbiga ayaa xoog ku gashaygalay Xarunta Hey’adaasi oo ku taala xaafada Xaawo taako ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana la maqlayay rasaas ay gudaha xaruntaasi ku ridayeen Maleeshiyaadkaasi.

Maleshiyaadka ayaa qaatay dhamaan wixii qalab ah oo yaalay xarunta Hey’adaasi oo ay ku jiraan Cumputaradii Hey’adaasi, waxeeyna burburiyeen inta badan dhismaha xaruntaasi.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa uga mamnuucay Hey’adaasi qaabilsan Miino saarida in ay ka howlgasho gudaha Soomaaliya, maadaama ay maleeshiyaadkaasi ku caan baxeen Miino dhigista isla markaana hey’adu ka shaqeeyso saarida Miinada.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Xarunta Shacabka ku yeeshay kulan looga hadlaayay Dhamaystirka iyo Dib u eegida Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Kulankaan ay Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan oo uu garab fadhiyay Guddooomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane C/wali Ibraahim Sh. Muudeey ayaa waxaa soo xaadiray 290 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Kulankan oo looga hadlaayay Ajande ku saabsan Dhamaystirka iyo Dib u eegista Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa waxaa madasha Shirka Talooyin ka soo jeediyay Mudanayal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo soo jeediyay in Dib u eegis lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu doodaasi Xildhibaanada u qeybinayay Xildhibaan Maxamuud Barre Xuseen oo ka mid ah Xoghaynada Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa u saaray Guddiyada Anshaxa iyo Kan Dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xubno Sharci-yaqaano ah si ay Talooyin uga soo bixiyaan, islamarkaana ay Dib u eegis ku soo sameeyaan Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay Magacyada Sharci-yaqaanada  uu ku soo biiriyay in ay la shaqeeyaan Guddiyada Anshaxa iyo kan Dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo marka hore ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka in ay u ogalaadaan waxaana magacyadaas qaarkood ay ahaayeen sidatan:

-Ceydiid Ilka Xanaf

-Cali Muudeey.

-Sh. C/laahi Sh. Fanax.

-Maxamuud Xeyd iyo xubno kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu in ay ku kordhiyeen Guddiga Dib u eegida Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna Mudanayaasha u sheegay in wixii wax ku kordhin ah iyo wax ka badalid ah ay iyagu u madax banana yihiin, balse ay iyagu Talo kadib sidaas isla garteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Maalinta Sabtida ah laga doonayo Labada Guddi in ay Talooyinka ka soo bixiyaan Qodobada laga badalayo ama lagu kordhinayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya soo jiray mudo 6 Sano ah, waxaana Xeer hoosaadka lagu soo sameeyay sanadkii 2004-tii magaalada Imbagaati ee dalka Kenya, iyadoo sanadkii 2006-dii laga badalay Xeer hoosaadka Qodobo kooban xiligaas oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ogalaadeen iyagoo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood ku macneeyay Sababta keentay in Dib u eegis lagu sameeyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka in ay tahay Qodobo ku xusan Xeer hoosaadka ay dhigayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka tiradoodu tahay oo kaliya 275 Xildhibaan, sidaasi darteedna ay ka horimaanayaan tiradda Xildhibaanada Baarlamaanku ka kooban yahay xiligan oo ah 550 Xildhibaan, taasina ay u baahan tahay in la saxo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Munaasabad lagu dalacsiinayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Sawiro

Munaasabad lagu dalacsiinayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada MuqdishoMunaasabadan lagu dalacsiinayay Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Geelle Kaahiye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Askartan loo dalacsiiyay Jagada Sargaalnimo ee Ciidamada Xooga dalka oo intooda badan gudaha wadanka tababar ku soo qaatay, islamarkaana gaarayay 35 Askari ayaa Jagada la guddoonsiiyay waxaa ugu sareeyay Gaashaanle.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General. Maxamed Geelle Kaahiye oo Munaasabadaasi ugu horayn ka hadlay ayaa  sheegay in Ciidankan lagu soo xulay Karti iyo Hufnaan Shaqo, wuxuuna sheegay in Ciidankan laga sugayo in ay dalka ka difaacaan Cadowga ku soo duulay, wuxuuna sheegay in Ciidankan la dalacsiiyay ay isugu jiraan kuwo horay Ciidanka ugu tirsanaa iyo kuwo soo biiray oo mutaystay in la dalacsiiyo, wuxuuna sheegay in ay ku jiraan kuwo aan tababar hore u soo qaadan balse ka Qibrad badan kuwii Tababarada la soo siin jiray qaarkood.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed oo Munaasabada ka hadlay ayaa Ciidamada la dalacsiiyay u jeediyay hadalo Guubaabo u badan, wuxuuna kula dardaarmay in ay si Daacad ah u gutaan Masuuliyada saarran, maadaama ay dhibaatada dalka ka jirta aas-aas u tahay Burburkii ku yimid Hay’addihii Amaanka dalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada duulaanka ah iyo in laga fogaado ku dhaqanka Qabyaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada loo dalacsiinayo Ciidamada ay tahay in aysan ka daalin Halkanka lagu xoreynayo dalka, islamarkaana lagu soo celinayo Amniga, wuxuuna sheegay in laga wada warqabo in baahi weyn loo qabo Sarakiil hogaamisa Ciidanka oo awood u leh in ay gutaan Waajibkooda Qaranka si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan Nabad iyo Horumar, wuxuuna sheegay in wadanka uu xiligan u baahan yahay Saraakiil Naftooda u hurta sidii ay u difaaci lahaayeen Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda, islamarkaana uu hubo in Saraakiishani ay qeyb ka yihiin arrintaas.

Munaasabadan lagu dalacsiinayay Askar ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa Ciidamada lagu dhaariyay Kitaabka Quraanka Kariimka ah si ay u gutaan Waajibka saarran, waxayna balanqaadeen in ay daacad u noqonayaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda, islamarkaana ay ilaalin doonaan Sharafta, Sirta iyo Hantida dalku leeyahay, waxayna Munaasabadaasi ku soo gabagabowday Jawi aad u Qurux badan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowlada Mareykanka oo Sheegatay Wadamo ay Somalia ay ka mid tahay inay ku sii qulqulayaan Hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Ururweynaha Al-Qaacida

Agaasimaha Guud ee CIA da Dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo wareysi siinaayay Wargeyska Newyorka Times ayaa Shaaca ka qaaday in dalal ay Somalia ay ka mid tahay ay ku sii qul qulayaan Saraakiil sarsare oo Xariir la leh Shabakada Al-Qaacida ,waxana uu sheegay inay ugu wacan tahay Ammaan darida ka jirto dalka Somalia

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay il-gaar ah ku haayan Wadanka Somalia waa sida u hadalka u dhigay Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo sheegay  inay Taageersan yihiin Dowlada KMG ah ee Somaliya ee uu Madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed.

“Dowlada Mareykanka wey taageersan tahay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  ee lagu soo dhisay  Magaalada Jabouti ee Xaruunta Jamhuuriyada Jabouti horaantii January Sanadii hore 2009-ka” ayuu yiri Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka oo sheegay in dalalaka Pakistan iyo Afghanistan ay la mid yihiin Dalka Somalia.

Somaliya ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ajanabi ah oo ka barbar dagaalamaya kooxda mayalka adag ee Shabaab.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xiisad u dhaxeysa Shabaabka iyo Xisbul Islaam oo ka taagan deegaano ka tirsan Wanlaweyn

Kadib markii shalay iska hor imaad u dhaxeeya Alshabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ka dhaceen deegaano ka tirsan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa wararka saaka halkaas ka heleyno ay sheegayaan in wali ay taagan tahay xiisada labada dhinac.

Xiisada labada dhinac ayaa salka ku heysa gacan ku heynta Tuulo lagu magacaabo Hakawa oo ka tirsan Wanlaweyn, iyadoo shalay ay tuuladaas weerareen Xoogaga Alshabaab.

Iska hor imaadkii shalay ayaa la xaqiijiyay inuu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah kala gaartay.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in mar kale iska hor imaadyo ka dhacaan deegaankaas, iyagoo bilaabay in ay ka barakacaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka dhex jiray Shabaab iyo Xisbiga loolan ku aadan deegaanada Xisbul Islaam gacanta ku hayeen oo ay Shabaab kala wareegeen qaarkood, waxaana Shabaab wali doonayaan in ay meesha ka saaraan Xisbiga

Posted in DhacdooyinComments (0)

Muran iyo is qab qabsi ka taagan magacaabida Golaha Wasiirada

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu waday in Golaha Wasiirada lagu sameeyo isku shaandheyn ballaaran, ayaa waxaa hada soo baxaya is qab qabsi ku aadan qaabka loo xulay Wasiirada qaar.

Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in is qab qabsiga ugu weyn uu ka jiro dhinaca Ahlu Sunah Waljamaacah, kuwaasoo diiday qaar ka mid ah ragga loo xulay ee lagu soo biiriyay.

Dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista is badalka Golaha Wasiirada ayaa ka dambeysay markii ay soo shaac baxeen in Wasiiro Ahlu Sunah kaga soo biiraya dhinaca Dowladda ay noqdeen kuwo ay ku qanci waayeen Saraakiisha Ahlu Sunah.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Fulinta Ahlu Sunah oo la yiraahdo Rooble ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in shanta Wasiir ay ku leeyihiin Golaha Wasiirada hal wasiir laga reebo, waxaana uu tibaaxay in heshiiskii Addis Ababa ee Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah uu qeyb ka ahaa in Ahlu Sunah 5-wasiir ku lahaato Dowladda.

Ahlu Sunah oo goor hore gudbisay liiska magacyada uga mid noqonaya Golaha Wasiirada ayaa warar la helayo ay sheegayaan in qaarkood lagu badalay shaqsiyaad kale.

Inkastoo ay haatan suuqa soo galeen magacyada Wasiiro dhowr ah oo lagu soo daray Golaha Wasiirada, ayaa hadana waxaa la ogeyn in dib looga noqon doono, si loo xaliyo is qab qabsiga ka taagan is badalka Golaha Wasiirada.

Murankan iyo si qab qabsigan ayaa noqon kara caqabad cusub oo ku soo korortay Dowladda KMG, iyadoo horay ay madaxdeeda u hareeyeen khilaafaadyo aan dhamaad laheyn

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wadamada G.8-ka oo isku raacay in lala dagaalamo argagixisada

Wadamada warshadaha hore ugu maray ee loo yaqaano G.8-ka ayaa isku raacay in la taageero Dowladaha Soomaaliya.Pakistan iyo Yaman si loola dagaalamo Argagixisada.

Kulan madaxeedka  hoggaamiyaasha wadamada G_8-ka ee ka soconaya magaalada Toronto ee xarunta dalka Canada ayaa waxa ay si wayn uga hadleen xaaladaha argagaxisada ee aduunka dhibaatada ka wada gaar ahaan wadamada Soomaaliya,Afgaanistaan.Pakistaan iyo Yamen ayagoo balanqaaday in ay iska kaashanayaan ladagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Hadal ay ka soo saaren kulankooda ayaa lagu sheegay in  kooxaha argagaxisada ah iyo kuwa kale ee denbiilayaasha caalamaka ah in ay doonayaan in ay kobciyaan howlahooda argargaxisanimo  taasna ay khatar ku tahay jiritaanka caalamka oo dhan.

Waxa ay wacad ku mareen in ay taageerayaan dowladaha dalalkaasi ka jira si ay u fududaato soo afjaridda kooxahaasi u jeedkoodu yahay in ay dagaalo ka huriyaan aduunka oo dhan.

Ururka ayaa  adkeeyay baahida loo qabo in si wada jir ah looga soo horjeedo  kooxaha Alqaacidda.

Hadalka  Ururka wadamada G.8-ka ayaa imaanaya xilli wadanka Soomaaliya ay ka dagaalamaan kooxo Arga gaxiso ah oo ay gacan ka helaya maleeshiyaad Soomaali ah oo qandaraas kooxahaasi kula soo galay hurinta colaadaha dhiigu ku daadanayo ee saamaynta ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo kala danbeynta u ooman.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabaya todobaadkan xukuuumad cusub oo ay ka dhexmuuqato Ahlusunna Waljamaaca

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in maalmahan uu magacaabo gole wasaaradeed oo cusub, kaasoo ay ka dhex muuqdaan xubno ka tirsan Culummaa’udiinka Ahlusunna Walajamaaca.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in isbadalka lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya uu gun dhig u yahay sidii lagu meelmarin lahaa heshiiskii awood-qaybisga ahaa ee ay horay u kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Ahusunna Waljamaaca.

Magacaabidda Golahan wasaaradeed ee cusub oo aan si dhab ah loo ogeyn tiradooda ayaa waxaa lagu waday inuu Ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo shalay, balse waxaa la sheegay inay dib ugu dhacday sababo farsamo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda hadda ayaa waynaya xilalka ay hayaan, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janaqoow.

Golaha xusub ee Xukuumadda lagu dhawaaqyo ayaa waxaa ku jira Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo xil Wasiirnimo kasoo qabtay Dowladdii Nuur Cadde iyo Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isaguna ka socda dhinaca Ahlusunna.

Warar hoose ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqidda golaha wasiirrada ee cusub ay sababtay iyadoo qaar ka mid ah Madaxda Ahlusunna ay codsadeen inay ka qaybgalaan xafladda magacaabidda golaha wasiirro ee cusub.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Damaca Ahlu Shiiq ee Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Dhibaatada dabada dheeraatay ee Soomaaliya ka jirtay labaatankii sanno  ee aan soo dhaafnay iyo guul darrooyinkii lagala kulmay hannaankii dib u heshiisiinta ee ay horseedka u ahaayeen dagaal oogayaashu, waxay fursad weyn siiyeen  kooxo diineedyada ka jiray Soomaaliya kuwaas oo ka faa’ideystay burburka nidaamkii dalka ka jiray, waxayna bilaabeen in ay faraha la soo galaan Siyaasadda dalka.

Kooxaha Magaca Islaamiyiinta huwan waxay ku jiraan Dowladda KMG ah ee Somaliya ee uu Madaxda u yahay Shariif Sh Axmed, waana kooxda lagu magacabo AHLU SHEEKH waxaana ugu sareeya madaxweynaha Dowladda KMG ah, ilaa iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Xasan Macalin iyo xubno kale.

Kooxdan Ahlu sheeg waxa damaca kaga jira in ay helaan xubnaha muhiimka ah ee Dowladda KMG ah ilaa iyo xilalka Safaaradaha Dibadda.

Xog hoose oo hadda la helay ayaa sheegaya in kooxdan qorsheysteen in ay helaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Labadan xil ee muhiimka ah ayaa la doonayaa in loo magacabo Labo xubnood oo Ahlu sheeg ah.

Wasiirka Maaliyadda waxaa la doonayaa in loo magacabo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, sidoo kalena waxay kooxdan doonayaan in ay la wareegan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Safiirkeedu yahay Maxamed Cali America.

Shaki kuma jiro in maanta aayaha Soomaaliya uu u gacan galay Islaamiyiinta, oo iyana ula dhaqaaqay jiho khaldan oo burbur iyo baaba’uun laga macaasho, haseyeeshe bal waynu dhawri  waxa xiga iyo meesha ay geeddiga ku furaan.

WAXQABADKA SAFAARADDA SOOMAALIYA EE KENYA

Safiirka soomaaliya kenaya Maxamed Cali America , wuxuu dadaal fara badan geliyay sidii loo soo nooleyn lahaa hanaankii diblomaasiye ee ka dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo kenya, Safiirka markii xilka loo magacabay wuxuu shaqada ka bilaabay meel cidlo ah isagoo, waayo Safaaraddii Soomaaliya ee kenya mar hore ayaa la iibsaday sidaas darteed Safiirku wuxuu dhaqan geliyay xarun Safaaradda leedahay taas oo ay ka howlgalayaan ku dhawaad 26 ruux oo shaqaalo ah, waxaana ka dhex taagan Calaankii Soomaaliya Dowladda kenyana si xishmad leh ayay ula shaqeysaa Safaaradda.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya Kenya Maxamed Cali America, wuxuu dib u soo celiyay in Dowladda Kenya tixgeliso diblomaasiyiinta Soomaaliya ka jooga Nairobi.

Safiirka Waxaa uu ku dadaalay in dad fara badan oo soomaali ah ka soo daayo Xabsiyada dalka kenya, wuxuu is faham dhex dhigay soomaalida degan kenya iyo Dowladda dalkaas.

Safiirka wuxuu booqasho ku tagay xerooyinka qaxootiga ee dalka kenya halkaas oo ay ku nool yihiin kumanaan soomaali ah oo ka soo qaxay dagaalada dalkooda ka socda, booqashada Safiirka xerooyinkaasna waxay noqotay taariikh cusub maadama Mas’uulkii ugu horeeyay ee soomaaliya ka socda ee xerooyinkaas booqday noqday.

Safiir Maxamed Cali America isagoo ka shidaal qaadanayay xaalada dalka ka jirta iyo baahida loo qabo waxbarasho ayuu dugsi waxbarasho iyo ceel biyaha laga caba ka sameeyay degaanka Carfiid oo ku yaala duleedka suuqa xoolaha ee Magaalada muqdisho, wuxuuna halkaas ka dhisay dugsi hoose iyo dhexe oo ay wax ka dhigtaan ilaa iyo 1500 oo arday ah.

Safiir America oo hadda dadaal ugu jira in mar kale gacanta soomaaliya lagu soo celiyo dhulkii Safaaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi wuxuu maalin walba u taagan yahay maxkamadaha dalka kenya in soomaaliya loo soo celiyo dhulkeeda ahaa xarunta Safaaradda.

Sidoo kale Safaaradda kenya ee soomaaliya waxay dadka soomaalida ee dalkaas ku nool u fududeysay in si dhib la’aan ah qofka soomaaliya ugu laaban karo dalka iyo inuu gudaha dalka kenya ku qaadan karo baasaboorka soomaaliga iyo helista fiisaha dalka kenya.

Qoraal laguma soo koobi karo waxqabadka Safiirka soomaaliya ee kenya

 

Nuuradiin M Macalin

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo ceelasha biyaha ku dilay rag ka tirsan Xibul-Islaam

Maleeshiyada Shabaab ayaa maanta ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha 2 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Xisbul-Islaam ayadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen xiisad u dhaxeysa labada koox.

Warar  xog-ogaal oo laga  helay deegaanka Ceelasha Biyaaha ee duleedka magaalada Muqdsiho ayaa sheegaya in halkaasi ay maleyshiyaadka Shbabaab ay ku dileen 2 ruux oo hubeysnaa, kuwaas oo wararku  sheegayaan in maleyshiyada kooxda Xisbul  Islaam ay ka tirsanaayeen.

Labada ruux ee lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin wiil iyo aabihiis  oo labadu ka tirsanaa maleyshiyada kooxda Xisbul Islaam,  iyadoo dilkoodu uu ku soo aadayo xilli maleeshiyada kooxda Shabaab ay wadday qorshe ay gebi ahaanba deeganada ay joogaan uga sifeynayaan   kooxda uu hogaamiyo Xasan Daahir.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu dhex maro kooxaha Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo muddooyinkii dambe ku dagaallamay meelo kala duwan oo dalka ah, waxaana hadda ka taagan deegaanka dhaqdhaqaa ay sameynayaan maleeshiyaadka Xisbiga oo ka cabsi qaba in la soo weeraro.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Cod bixinta Somaliland Daawo sawirada

Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta ee Somaliland, Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen.

Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro.

Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe.

Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga doorashada oo kaashanaya ciidanka ammaanka.

Waxaa la diyaariyay sanaadiiq fara badan oo loogu tala galay in ay ku fillaadaan tirada gobol walba laga diiwaan geliyay.

Dadka is diiwaan geliyay

Tirada dadka is diiwaan geliyay

Maroodi-Jeex (Hargeysa) 361,498
Togdheer (Burco) 243,221
Awdal (Borame)  
Sanaag (Ceeri-Gaabo) 146,371
Sool (Laas-Caanood) 98,314
Saaxil (Berbera) 43,097

Gobolka Maroodi-jeex, ee Hargeysa, waxaa iska diiwaan gelisay 361,498 qof.

Togdheer oo ah Burco, waxaa is qoray 243,221 ruux.

Awdal waxaa kaadhadha qaatay 176,912 ruux.

Sanaag waxaa diyaar ah 146,371 qof.

Sool ayaa laga sugayaa 98,314 codbixiye.

Saaxiil waxaa la dhigayaa sanaadiiq ku filan 43,097 is diiwaan gelisay.

Isu socod ma jiro

Waxaa amar lagu bixiyay in aanuu socon karin gaadiid aan la siin ruqsad khaas ah.

Waxaa looga jeedaa in sidaa ammaanka lagu sugo.

Isla markaana aanay u sahlanaan cid kasta oo laga yaabo in ay dooneyso in ay wax carqaladeyso.

Guddiga doorashada ayaa maamulka gacanta ku haya.

Ciidamada ammaanku nabadda iyo habsami u socodka ayay ilaalinayaan.

Waxaa goob kasta oo cod lagu bixinayo xubno ka wakiil ah murashixiinta Madaxa is daray.

Dusha ayaa waxaa ka eegaya korjoogto caalami ah.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo lagu arkay Suuqa Bakaaraha isagoo xiran dharka Haweenka

 Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inuu arkay Axmed Cabdi Godane oo madax u ah Maleeshiyada Shabaab isagoo xiran dharka haweenka isla markaana indho shareer wejiga ku soo xirtay.

Ganacsadahan ayaa sheegay in xataa Godane aan loo ogoleyn maleeshiyada shabaab in ay arkaan micnaha qaar ka mid ah maleeshiyadaas ayaa loo diidaa in ay la kulmaan Godane.

Waxaa uu sheegay in muuqaalkiisu u ekaa mid caato ah oo aad u liita, sidoo kalena waxaa uu sheegay in xanuun dhinaca indhaha ah soo wajahay loona raadinayay dhaqtar ku wanaagsan caafimaadka indhaha.

Godane oo mas’uul ka ah dhibaatooyinka shabaab ka wadaan soomaaliya ayaa dhawaan soo diray fariin cod ah midaas oo loogu hanjabayay maleeshiyada xisbul islaam ee Xasan Dahir Madax u yahay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==