la galiyey
14 March 2011.
Wararka laga hellayo Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Afrika ayaa la filayaa in ay shir ku yeehshaan magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaliya.
Kulankan ayaa la filayaa in dabayaaqada todobaadkan uu ka furmo Magaalada Adis ababa, waxaana soo qabanqaabiyay gudiga nabadgelyada ee Midowga Africa, iyadoo si gaar ah kulankaasi uga qeybgalayaan Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Ciidamada u soo diray Soomaaliya iyo kuwa qorsheeynaya in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.
C/kariin Fiqi oo ah Wasiirka Gaaashan dhigga Somalia ayaa ka qeyb galaya kulankaasi, isagoo warbixin ka siindoona ka qeyb galayaasha kulanka, xaalada dalka Somalia, iyo halka ay marayaan howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom.
Shirkaan ay yeelanayaan wasiirada Difaaca Afrika ayaa imaanaya xilli dowladda kmg Somalia ay dagaallo culus kula jirto mucaaradka AL Shabab iyadoo ciidamada Dowladda u muuqda kuwo horumar ka sameeyay dagaalada.
Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
13 March 2011.
Kadib dagaallo xoogan ay dowladda kmg Somalia ay kula jirto kooxda Al shabab ayaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu mar kale beesha Caalamka iyo dowladda Maraykanka ka codsaday in dowladda KMG laga garabsiiyo dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.
Ra’iisul Wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaaj ayaa isagoo ku sugan wadanka Maraykanka waxaa uu sheegay in dowladda ay taageero ugu baahantahay dowladda Maraykanka iyo beesha caalamka si ciidamada dowladda ay ugu guulaystaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.
“Waxaan jeclaan lahayn in dowladda Maraykanka ay nagu taakulayso qarashaad iyo qalab Milatari oo lagu xoojiyo ciidamada dowladda KMG” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo u waramayay Talefeshinka CNN-ka oo laga leeyahay dalka Maraykanka.
Mr Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ay kaga guulaysteen Al Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta looga baahanyahay inay is garab tagaan dowladda KMG Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay dagaalo kula jiraan Al Shabaab oo gacan ka helaysa sida uu sheegay Al-qaacidda iyo burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in halmeel looga soo horjeesto dhibaatooyinkaasi.
Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
13 March 2011.
Ciidamada DFKG Ayaa Sheegay In Ay Qabteen Malayshiyaad Ka Tirsan al-Shabaab
Raggaan la qabtay ee ka tirsanaa kooxda al-Shabaab ayaa ka dambeysay kadib markii Al Shabab saakay goor hore weerar ku qaadey fariisin ciidanka DFKG Soomaaliya, kaas oo ku yaala degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Cali Maxamed Axmed oo u hadley ciidanka Dawladda ayaa sheegay in saakey ay weerar ku soo qaadeen caruur yar-yar oo ka tirsan al-Shabaab kuwaas oo la soo qaldey, waxaana ciidanka Dawladdu ay qabteen 6 kamid ah caruurtaas.
Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalku aanu ahayn mid weyn, waxaana uu baaq u direy dhalinyarada aadka u yar-yar ee dagaalada loo isticmaalayo.
Sarkaalka ayaa balanqaadey in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan, malayshiyaadka ay ka qabteen Xarakada al-Shabaab.
Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
13 March 2011.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa ka soconaya duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoona dagaalkan uu bilowday fiidkii caawa, islamarkaana ay soo qaadeen maleeshiyada Shabaab ayaa ka soconaya deegaanka Ceel-gaal oo ay fariisin ku lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah.
Iska hor imaadkan Wararka ka imaanaya deegaankaas ayaa sheegay in dagaalka uu haatan ka soo durqay deegaanka Ceel-gaal, iyadoona uu ku socdo deegaanada Dhagax -Qowlda iyo Sabad-Caano oo 4 km u jirta magaalada Baledwene.
Mas’uul u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu kaga dhaawacmay 1 askari, islamarkaana ay u dhaw yihiin in magaalada Baledwene ay gacanta ku dhigaan.
Daryanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baledweyne, wallow dadka deegaanka baqdin xoogan ku beertay.
Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
25 February 2011.
Sida ay baahinayso idaaacadda Qaranka Radio Muqdisho dhalinyaro ka tirsan kooxda caadaysatay laysmada dadka somaliyeed ee Al shabab ayaa waxay dowladda ka codsadeen inay magan galyo siiyaan.
Xukuumadda ayaa sheegtay inay jiraan Dhallinyaro ay soo qaldeen kooxda Shabaab kuwaas oo ka dalbaday inay isu soo dhiibaan Dowladda kaddib markii awoodda kooxdooda ay ku wiiqantay dagaalladii ay la galeen ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane c/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan xiriirro kala duwan oo ay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shabab la soo sameeyeen masuuliyiinta Dowladda si ay u helaan badbaado kadib markii Kooxda Shabaab ay awooddoodii ku luntay dagaalladii ugu dambeeyay oo xarumo badan looga qabsaday.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay maskaxda ka xadeen Kooxda Shabaab inay isaga soo baxaan oo ay isu soo dhiibaan Ciidamada wada howlgalka magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan looga sifeynayo kooxdaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay dowladdu damaanad qaadeyso inay dhallinayradaasi helaan Mustaqbal aad u wanaagsan oo ay ku farxaan.
Hadalkaan kasoo baxay R/was are ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca ayaa imaanaya xilli ay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad aad u faro badan oo ay ku jiraaan Horjoogeyaal ajaaniib dambiileyaal ah oo barbartaagan kooxda Shabaab kaga halaagmeen dagaalladii ugu dambeeyay oo ay la galeern ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
Waxaana horay kooxda shababa uga soo baxsaday dhallinyaro badan kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay Dowladda, waxayna Dowladda ka heleen xanaaneyn wanagasan ayadoo u sameysay xarun lagu dhaqan celiyo dhallinyaradii ay fikirkooda bedeleen Kooxda Alshabaab.
Posted in Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Islaam, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaad
la galiyey
25 February 2011.
WARAR lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee kooxda Al shabab looga saari lahaa magaalada Muqdisho.
saraakiil ka tirsan dowladda somalia aya waxay cawa oo dhan shir ku lahaayeen xarunta saraakiisha ciidamada ee Villa Baydhabo oo ay dajinayeen istaraatiijiyadda loga saari lagaa dalka kooxda caadaysatay laysmada dadka somaliyeed.
si kastaba wixi warar ah ee kusoo kordha kala soco halkan.
Posted in Dhacdooyin, Ganacsi, Islaam, Siyaasada, Tilmaaman, Wararka koowaad
la galiyey
25 February 2011.

Inka badan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal u dhaxeeyay ciidaada Ahlu sunna iyo Al shabab oo ka dhacay deegaanka Waradhuuma leh ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dhinacyada isku hor fadhiya halkaasi waxaa ay is weedaarsadeen Madafiic cul culus sida ay ay kusoo waraayaan ilo wareedyo ku sugan deegaanada ay isku hayaan ciidamada Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna.
Afhayeenka dhinaca ciidamada u qaabilsan Al Shabaab ee NINKA lagu magacaabo C/casii Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa guulo ka sheegtay dagaaladaasi, isagoo sheegay inay dileen dhowr askari oo ka tirsan ciiamada Ahlu Sunna.
Dhinaca Ahlu Sunna Majjiro ayaa sheegtay inay qasaro xoogan u geysteen kooxda al shabab oo tiro ciidamo ah ay kaga dileen kuwaas oo bahalada ay cuneen hilibkooda.
Si kastaba dagaalada ka jira deegaanka Waradhuumo leh ayaa waxaa uu noqday dagaal soo noqnoqda.
Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Islaam, Wararka koowaad
la galiyey
17 February 2011.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabab ay xabsiga dhigeen wadaad caan ka ahaa magaaladaas iyo labo wadaad oo kale oo la joogay.
Wadaadkaan ay xereen kooxda Al SHabab ayaa lagu magacaabaa Sheekh Max’ed Xasan oo ahaa wadaad muddo ku noolaa magalada Ceeldheer isagoo dadka reer Ceeldheer ay si weyn u ixtiraami jireen.
Ciidamo ka tirsan Al Shabab ayaa saakay waxay u dhaceen guriga uu ka deganaa Magaalada Ceeldheer wadadkan lagu magacaabo Shekh Max’ed Xasan kadibna halkaas ay ka wateen Wadaadka iyo labo wadaad kale oo la joogay Sheekha.
Raga lala xiray Sheekhaan oo lagu kala magacaabo C/laahi Sheekh Daa’uud iyo Ibraahin Sheekh Axmed Yare ayaa la ogayn sababta ka dambeysa xariga loo gaystay Sheekhan iyo ragas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaadkan SHeekh Max’ed Xasan uu muddo ku noolaa magaalada Ceeldheer isagoo magaalada bartamaheeda ka daganaa wuxuuna ahaa wadad aan dadka la hadlin marka laga reebo labadaan nin ee lala xeray.
Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Farsamooyin, Ganacsi, Islaam, Music, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaad
la galiyey
17 February 2011.
Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Kooxda AL SHabab ay xilka ka qaaday Horjoogihii ugu sareeyay Kooxdaas Gobolka Galgaduud ninka lagu Magacaabo Yuusuf Sheekh Ciise oo ku magac dheeraa KABO KU DUKADE.
Xil ka qaadista Yuusuf Kabo ku dukade ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii xurguf iyo qilaaf uu soo kala dhexgalay kooxda Al Shabab oo labo qeybood u kala jabay.
Kooxda Al Shabab ayaa shalay xilkii ka qaaday Horjoogihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale xilka ka qaaday Yuusuf Kabo Ku dukade Xalay.
Al Shabab ayaa ilaa haatan si rasmi ah u Shaacinin xil ka qaadista Kabo Ku Dukade iyadoo dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan.
Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
17 February 2011.
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xasuuq shacab ka dhacay Muqdisho, muddo kordhinta Dowladda iyo qodobo kale
Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha hawlwadeenada xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyed uuna shir gudoominayey kusimaha M/weyne C/nuur Darman ahna gudoomiye ku xigenka XMJS/USRP Md. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa gabi aanba waxaa looga hadley xasuuqa soo noq noqda ee shacabka ku dhaca meelaha TFGdu ka taliso ayna geysanayaan isla ciidamadeeda waxa sababa ama soo celceliya eedeeda cidda iska leh iyo sida looga gudbi karo ama looga gaashaaman karo.
Dood iyo falaqeyn kadib waxaa shirka kasoo baxey Qodobadaan:
A) Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyed ee ehelkoodu ku dhintey ama hantidooda khasaare kasoo gaarey xasuuqa ay caadeysteen ciidamo ku sheega cadawgu ku dhexbeerey umadda soomaaliyed isla markaana oogada uga eg ciidan soomaaliyed balse ciidan u ah cadawga ku shaqeysta.
B)xmjs/usrp wuxuu cambaareynayaa cidda ka danbeysa ficiladaas foosha xun ee beryahan soo noqnoqdey anagoo leh kama baxsan doontaan cadaaladda waadna hor iman doontaan mar uun insha allah.
C)xmjs/usrp wuxuu shacbiga waydiinayaa yaa ka danbeeya dhacdadii 15/02/2011 ka dhacdey deg x/weyne? yaase xaq u leh in ay banaanbaxaan oo ra’yigooda muujiyaan? Ma koox kaliya ayuu banaanbax u banaanyahey? mise waa arin muwaadin kastaa xaq u leeyahey hadii uusan ku xadgudbeyn nabadgelyada guud iyo sharciga islaamka?.
Su’aalahan oo dhan waa kuwo mudan in qof kastaa isweydiiyo ayaa hadana aragtida xmjs/usrp ay sidan tahey ugu horeyn cidda arinkaas ka danbeysa waxaa ugu horeeya ninka m/weynaha sheegta waxaa ku xiga kuwa baarlamaan sheegta waxaa ku xiga kuwa wasiirada sheegta waxaa ku xiga kuwa m/gobolka sheegta, waxaana ugu danbeeya kuwa abaabuley ficilkas guracan iyo intii fulisey kuligood waa danbiilayaal aan danaha shacabka metelin ee tooda wata mid kastaa siduu doonuu shacabkii ka yeelay cadeyn kale looma baahna mudo isu kordhin hore u dhacdey iyo mida hada soo socota waa ku tagri fal masiir shacabku leeyahey iyagaa bilaabey in aan sharci iyo xeer midna la ilaalin iyagaana lagu dayanayaa sida hadaba socota.
Marka koowad hadaan kuwa aan soo sheegney wax qabtaa jirin tacsi kama yeeleyno waxaa sidoo kale mudan in la xuso banaan baxa ma koox kaliyaa xaq u leh mise cid kasta waxaa lala wada socdaa in dhawaan TFG-du iska qabqabatey iyagoo guryahoodi jooga laguna eedeeyey banaanbax tfgda looga soo horjeedo in ay abaabul ugu jireen dadka uma ogoli in ay ra’yigooda cabiraan anna wey ii banaantahey ma soconeyso waana mida maanta taagan ugu danbeyntiina sida looga siraad kori karaa waa midnimo iyo in aan danbiilaha soo qabano isagu isma qabanayee!.
XAFIISKA DALKA24.COM
MUQDISHO=SOMALIA.
Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Ganacsi, Islaam, Music, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaad
la galiyey
07 October 2010.
Qaar ka tirsan macalimiinta dugsiyada quraanka kariim ah ayaa lagu amray ineey qotaan godod aad u dhaadheer ee kadibna ay carrurta halkaa wax ku baraan.
Dhowr ka mid ah macalimiinta dugsiyada ayaa sheegay in aanay qaadi Karin masuuliyada ah in carrur Islaamed lagu rido god hoose madaama ay dhici karto in halka ay ku naf waayaan.
Waxaa idaacada ka hadlay 3 macallin iyo 6 shabaab ah oo sheegatay macalinimo been abbur ah.
Macalimiinta ayaa sheegay sidoo kalehan in lagu qasbay ineey ka hadlaan idaacada ku raad lamaan beenta shabaab ee la baxday magaca al furqaan ee diinteena suuban
Waxaa lagu amray macalimiinta ineey shabaab ka codsadaan in meel ay madaafiicda kaga dhuuntaan loo sameeyo si loogu gogol xaaro in carruta dugsiileeyda ah lagu guro godod ay ku dhiman karaan.
Mid ka mid ah macalimiinta ayaa ka codsaday in waalidiinta ilmahooda ka fogeeyaan goobaha ay shabaab xoog ku heeystaan.
Posted in Dhacdooyin, Islaam