Diiuuaank | Siyaasada

WASIIRADA GAASHANDHIGGA AFRIKA OO ARRIMAHA SOMALIA KA ARINSANAYA.

Wararka laga hellayo Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya  Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Afrika ayaa la filayaa in ay shir ku yeehshaan magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaliya.

Kulankan  ayaa la filayaa in dabayaaqada todobaadkan uu ka furmo Magaalada Adis ababa, waxaana soo qabanqaabiyay gudiga nabadgelyada ee Midowga Africa, iyadoo si gaar ah kulankaasi uga qeybgalayaan Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada Ciidamada u soo diray Soomaaliya iyo kuwa qorsheeynaya in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.

C/kariin Fiqi oo ah Wasiirka Gaaashan dhigga Somalia ayaa ka qeyb galaya kulankaasi, isagoo warbixin ka siindoona ka qeyb galayaasha kulanka, xaalada dalka Somalia, iyo halka ay marayaan howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom.

Shirkaan ay yeelanayaan wasiirada Difaaca Afrika ayaa imaanaya xilli dowladda kmg Somalia ay dagaallo culus kula jirto mucaaradka AL Shabab iyadoo ciidamada Dowladda u muuqda kuwo horumar ka sameeyay dagaalada.

Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

DOWLADDA KMG SOMALIA OO TAAGEERO MILATARI WEYDIISATAY DALKA MARAYKANKA.

Kadib dagaallo xoogan ay dowladda kmg Somalia ay kula jirto kooxda Al shabab ayaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya wuxuu mar kale beesha Caalamka iyo dowladda Maraykanka ka codsaday in dowladda KMG laga garabsiiyo dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.   

Ra’iisul Wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaaj ayaa isagoo ku sugan wadanka Maraykanka waxaa uu sheegay in dowladda ay taageero ugu baahantahay dowladda Maraykanka iyo beesha caalamka si ciidamada dowladda ay ugu guulaystaan dagaalada ay kula jiraan  Al Shabaab.

“Waxaan jeclaan lahayn in dowladda Maraykanka ay nagu taakulayso qarashaad iyo qalab Milatari oo lagu xoojiyo ciidamada dowladda KMG” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo u waramayay Talefeshinka CNN-ka oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Mr Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ay kaga guulaysteen Al Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta looga baahanyahay inay is garab tagaan dowladda KMG Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay dagaalo kula jiraan Al Shabaab oo gacan ka helaysa sida uu sheegay Al-qaacidda iyo burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in halmeel looga soo horjeesto dhibaatooyinkaasi.

Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

DOWLADDA OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU DHIGTAY DAGAAL YAHANNO AL SHABAB.

Ciidamada DFKG Ayaa Sheegay In Ay Qabteen Malayshiyaad Ka Tirsan al-Shabaab

Raggaan la qabtay ee ka tirsanaa kooxda al-Shabaab ayaa ka dambeysay kadib markii Al Shabab saakay goor hore weerar ku qaadey fariisin ciidanka DFKG Soomaaliya, kaas oo ku yaala degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Axmed oo u hadley ciidanka Dawladda ayaa sheegay in saakey ay weerar ku soo qaadeen caruur yar-yar oo ka tirsan al-Shabaab kuwaas oo la soo qaldey, waxaana ciidanka Dawladdu ay qabteen 6 kamid ah caruurtaas.

Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalku aanu ahayn mid weyn, waxaana uu baaq u direy dhalinyarada aadka u yar-yar ee dagaalada loo isticmaalayo.

Sarkaalka ayaa balanqaadey in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan, malayshiyaadka ay ka qabteen Xarakada al-Shabaab.

Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

DAGAAL CULUS OO KA SOCONAYA DULEEDKA BALEDWEYNE.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa ka soconaya duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoona dagaalkan uu bilowday fiidkii caawa, islamarkaana ay soo qaadeen maleeshiyada Shabaab ayaa ka soconaya deegaanka Ceel-gaal oo ay fariisin ku lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah.

Iska hor imaadkan Wararka ka imaanaya deegaankaas ayaa sheegay in dagaalka uu haatan ka soo durqay deegaanka Ceel-gaal, iyadoona uu ku socdo deegaanada Dhagax -Qowlda iyo Sabad-Caano oo 4 km u jirta magaalada Baledwene.

Mas’uul  u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu kaga dhaawacmay 1 askari, islamarkaana ay u dhaw yihiin in magaalada Baledwene ay gacanta ku dhigaan.

Daryanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baledweyne, wallow dadka deegaanka baqdin xoogan ku beertay.

Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

HORJOOGAYAL AL SHABAB OO KU GEERIYOODAY DUQEYMO MAANTA KU DHACAY MUQDISHO.

Wararka laga helayo dadka fara ku tiriska ee ku haray ee degmada Wardhigley ayaa sheegaya in duqeyno xoogan lala beegsaday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magalada Muqdisho

Duqeymahaan ayaa waxaa lala bar tilaameedsanayay goobo fariisin u ah ciidamada AL Shabab iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay arkeen mid kamid ah saraakiisha Al Shabab uu halkaas ku geeriyooday Iyadoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyihii ciidamada Aaga wardhiigley ee kooxda AL Shabab ayaa waxaa isana dhawac xoogan uu kazoo gaaray duqeymahas isagoo ku sugnaa meel ku dhow isgoyska Xararyaale ee degmada Wardhiigley.

Sidoo kale waxaa jira qasaarooyin ka soo gaaray Al Shabab dagaaladii ugu dambeeyay iyo duqeymaha ka soconaya muqdisho.

Dhawaan ayaa idin soo gudbin doonaa magacyada sarakisha Al Shabab ee dhibaatada kazoo gaaray duqeymaha.

Posted in Dhacdooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

Horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo Dowladda Magan galyo weydiistay.

 

Sida ay baahinayso idaaacadda Qaranka Radio Muqdisho dhalinyaro ka tirsan kooxda caadaysatay laysmada dadka somaliyeed ee Al shabab ayaa waxay dowladda ka codsadeen inay magan galyo siiyaan.

Xukuumadda   ayaa sheegtay inay jiraan Dhallinyaro ay soo qaldeen kooxda Shabaab kuwaas oo ka dalbaday inay isu soo dhiibaan Dowladda kaddib markii awoodda kooxdooda ay ku wiiqantay dagaalladii ay la galeen ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.

R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane c/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan xiriirro kala duwan oo ay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shabab la soo sameeyeen masuuliyiinta Dowladda si ay u helaan badbaado kadib markii Kooxda Shabaab ay awooddoodii ku luntay dagaalladii ugu dambeeyay oo xarumo badan looga qabsaday.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay maskaxda ka xadeen Kooxda Shabaab inay isaga soo baxaan oo ay isu soo dhiibaan Ciidamada wada howlgalka magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan looga sifeynayo kooxdaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay dowladdu damaanad qaadeyso inay dhallinayradaasi helaan Mustaqbal aad u wanaagsan oo ay ku farxaan.

Hadalkaan kasoo baxay R/was are ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca ayaa imaanaya xilli ay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad aad u faro badan oo ay ku jiraaan Horjoogeyaal ajaaniib dambiileyaal ah oo barbartaagan kooxda Shabaab kaga  halaagmeen dagaalladii ugu dambeeyay oo ay la galeern ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.

Waxaana horay kooxda shababa uga soo baxsaday dhallinyaro badan kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay Dowladda, waxayna Dowladda ka heleen xanaaneyn wanagasan ayadoo u sameysay xarun lagu dhaqan celiyo dhallinyaradii ay fikirkooda bedeleen Kooxda Alshabaab.

Posted in Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Islaam, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaadComments (0)

CIRIBTIRKA AL SHABAB OO BARI LASOO AF JARAAYO.

WARAR lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee kooxda Al shabab looga saari lahaa magaalada Muqdisho.

saraakiil ka tirsan dowladda somalia aya waxay cawa oo dhan shir ku lahaayeen xarunta saraakiisha ciidamada ee Villa Baydhabo oo ay dajinayeen istaraatiijiyadda loga saari lagaa dalka kooxda caadaysatay laysmada dadka somaliyeed.

si kastaba wixi warar ah ee kusoo kordha kala soco halkan.

Posted in Dhacdooyin, Ganacsi, Islaam, Siyaasada, Tilmaaman, Wararka koowaadComments (0)

DHALINYARADA KU NOOL XAAFADAHA AL SHABAB AY KA TALIYAAN EE MUQDISHO OO KALA CARARAY KADIB AL SHABAB OO QAFAASHAY DHALINYARO.

Kooxda AL shabab ayaa waxay saakay ilaa caawa ka qab qabteen xaafadda suuqa xoola tiro dhalinyaro ah kuwas oo ay u kaxeeyeen dhinac jiida hore ee dagaalka.

Kadib markii dagaal xoogan ciidamada qaranka Somalia iyo Amisom oo dhinac ah ay weerar ku qaadeen fariisimihii Al shabab ay ku lahaayeen wadada Warshadaha isla markaasna halkaas looga laayay dagaal yahano badan ayaa waxay bilaabeen inay qafaal si xoog ah ay ku kaxeystaan dhalinyarada ku nool xaafadaha ay ka taliyaan ee magaalda Muqdisho.

Si kastaba Al shabab ayaa kusoo jeesta dhalinyarada marka ay la kulmaan ciidan yari oo ay kaga la’daan dagaalada.

Posted in Dhacdooyin, Fanka, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

Shaqsiyaad caan ah oo ka soo jeeda beesha Mudulood oo la amray in iyagana la soo xiro (xog muhiim ah).

Warar gaar ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in R/wasaare Farmaajo uu amar ku bixiyey in la soo xiro shaqsiyaad kale oo ku lug yeeshay dhacdadii 15-Febrayo ee lagu laayey banaanbaxayaashi

Raga la amray in la soo xiro oo aan helnay waxaa  ka mid ah .

1-Gudoomiyaha dallada bulshada rayidka Muxu’diin Xasan Afrax

2-Shire Xaaji Dalfac

3-Sharif Jilicow

4-Axmed Cumar Xabeeb (Jandhay)

5-Malaaq Showri Malaaq Colow (Malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye)

Ragaan ayaa la sheegay iney dhamantood si isku mid ah ugu hanjabeen gudoomiyaha G/Banaadir Tarzan iyagoo sidoo kale la kulmay Max’ed Dhacdada kadib.

Ragan ayaa dhamaantood waxaa ay maanta magangalyo ahaan u galeen degmada Madiina ee maamulka Axmed Daaci halkaas oo la sheegay in ciidamo ka tirsan nabadsugida ay ku weerareen.

Ciidama beeled ku heyb ah ragan ayaa caawa ka wada degmada Madiina dhaqdhaqaaq xoogan si ay uga hortagaan ciidamada PS-ta ee uu Farmaajo soo diray.

Dhacdadi 15-Febarayo ayaa u muuqata in shaqsiyaad kale loo heysto , waxaana arinka u muuqdaa inuu xifaaltan beeleed ka dhex bilawday Tarzan iyo Waxgaradka  Mudulood.

Gudoomiye Tarzan ayaa dadka wax saadaaliya waxey sheegayaan inu si ugu lug yeeshay maadama ay mucaaradsanyihiin dhamaan waxgarardka Mudlood.

Dagaalka ayaa hada muuqda mid ku dhamaan doona Tarzan +Amisom VS waxgaradka Mudulood.

Posted in Dhacdooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

AL SHABAB OO KU XERAY CEELDHEER WADAAD CAAN KA AHAA DEGMADAAS.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabab ay xabsiga dhigeen wadaad caan ka ahaa magaaladaas iyo labo wadaad oo kale oo la joogay.

Wadaadkaan ay xereen kooxda Al SHabab ayaa lagu magacaabaa Sheekh Max’ed Xasan oo ahaa wadaad muddo ku noolaa magalada Ceeldheer isagoo dadka reer Ceeldheer ay si weyn u ixtiraami jireen.

Ciidamo ka tirsan Al Shabab ayaa saakay waxay u dhaceen guriga uu ka deganaa Magaalada Ceeldheer wadadkan lagu magacaabo Shekh Max’ed Xasan kadibna halkaas ay ka wateen Wadaadka iyo labo wadaad kale oo la joogay Sheekha.

Raga lala xiray Sheekhaan oo lagu kala magacaabo C/laahi Sheekh Daa’uud iyo Ibraahin Sheekh Axmed Yare ayaa la ogayn sababta ka dambeysa xariga loo gaystay Sheekhan iyo ragas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaadkan SHeekh Max’ed Xasan uu muddo ku noolaa magaalada Ceeldheer isagoo magaalada bartamaheeda ka daganaa wuxuuna ahaa wadad aan dadka la hadlin marka laga reebo labadaan nin ee lala xeray.

Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Farsamooyin, Ganacsi, Islaam, Music, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaadComments (0)

KOOXDA AL SHABAB OO XILKA KA QAADAY HORJOOGE YUUSUF KABO KU DUKADE EE GOBOLKA GALGADUUD.

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Kooxda AL SHabab ay xilka ka qaaday Horjoogihii ugu sareeyay Kooxdaas Gobolka Galgaduud ninka lagu Magacaabo Yuusuf Sheekh Ciise oo ku magac dheeraa KABO KU DUKADE.

Xil ka qaadista Yuusuf Kabo ku dukade ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii xurguf iyo qilaaf uu soo kala dhexgalay kooxda Al Shabab oo labo qeybood u kala jabay.

Kooxda Al Shabab ayaa shalay xilkii ka qaaday Horjoogihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale xilka ka qaaday Yuusuf Kabo Ku dukade Xalay.

Al Shabab ayaa ilaa haatan si rasmi ah u Shaacinin xil ka qaadista Kabo Ku Dukade iyadoo dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan.

Posted in Dhacdooyin, Islaam, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED OO SHIR KA YEESHAY XASUUQA DADWEYNE OO KA DHACAY MUQDISHO IYO QODOBO KALE.

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xasuuq shacab ka dhacay Muqdisho, muddo kordhinta Dowladda iyo qodobo kale

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha hawlwadeenada xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyed uuna shir gudoominayey kusimaha M/weyne C/nuur Darman ahna gudoomiye ku xigenka XMJS/USRP Md. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa gabi aanba waxaa looga hadley xasuuqa soo noq noqda ee shacabka ku dhaca meelaha TFGdu ka taliso ayna geysanayaan isla ciidamadeeda waxa sababa ama soo celceliya eedeeda cidda iska leh iyo sida looga gudbi karo ama looga gaashaaman karo.

Dood iyo falaqeyn kadib waxaa shirka kasoo baxey Qodobadaan:

 

A) Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyed  ee ehelkoodu ku dhintey ama hantidooda khasaare kasoo gaarey xasuuqa ay caadeysteen ciidamo ku sheega cadawgu ku dhexbeerey umadda soomaaliyed isla markaana oogada uga eg ciidan soomaaliyed balse ciidan u ah cadawga ku shaqeysta.

B)xmjs/usrp wuxuu cambaareynayaa cidda ka danbeysa ficiladaas foosha xun ee beryahan soo noqnoqdey anagoo leh kama baxsan doontaan cadaaladda waadna hor iman doontaan mar uun insha allah.

C)xmjs/usrp wuxuu shacbiga waydiinayaa yaa ka danbeeya dhacdadii 15/02/2011 ka dhacdey deg x/weyne? yaase xaq u leh in ay banaanbaxaan oo ra’yigooda muujiyaan? Ma koox kaliya ayuu banaanbax u banaanyahey? mise waa arin muwaadin kastaa xaq u leeyahey hadii uusan ku xadgudbeyn nabadgelyada guud iyo sharciga islaamka?.

Su’aalahan oo dhan waa kuwo mudan in qof kastaa isweydiiyo ayaa hadana aragtida xmjs/usrp ay sidan tahey ugu horeyn cidda arinkaas ka danbeysa waxaa ugu horeeya ninka m/weynaha sheegta waxaa ku xiga kuwa baarlamaan sheegta waxaa ku xiga kuwa wasiirada sheegta waxaa ku xiga kuwa m/gobolka sheegta, waxaana ugu danbeeya kuwa abaabuley ficilkas guracan iyo intii fulisey kuligood waa danbiilayaal aan danaha shacabka metelin ee tooda wata mid kastaa siduu doonuu shacabkii ka yeelay cadeyn kale looma baahna mudo isu kordhin hore u dhacdey iyo mida hada soo socota waa ku tagri fal masiir shacabku leeyahey iyagaa bilaabey in aan sharci iyo xeer midna la ilaalin iyagaana lagu dayanayaa sida hadaba socota.

Marka koowad hadaan kuwa aan soo sheegney wax qabtaa jirin tacsi kama yeeleyno waxaa sidoo kale mudan in la xuso banaan baxa ma koox kaliyaa xaq u leh mise cid kasta waxaa lala wada socdaa in dhawaan  TFG-du iska qabqabatey iyagoo guryahoodi jooga laguna eedeeyey banaanbax tfgda looga soo horjeedo in ay abaabul ugu jireen dadka uma ogoli in ay ra’yigooda cabiraan anna wey ii banaantahey ma soconeyso waana mida maanta taagan ugu danbeyntiina sida looga siraad kori karaa waa midnimo iyo in aan danbiilaha soo qabano isagu isma qabanayee!.

 XAFIISKA DALKA24.COM

MUQDISHO=SOMALIA.

Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Ganacsi, Islaam, Music, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaadComments (0)

CIIDAMADA AMISOM OO XABSIGA DHIGAY GUDDOOMIYIHII HORE EE GOBOLKA BANAADIR SABABTA MAXAY TAHAY.

Dowladda KMG ah ayaa maanta xabsiga dhigtay shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday dadkii bannaanbaxa nabad gelyo ku sameynayay magaalada Muqdisho shalay oo ahayd 15kii bishan.

Galabta ayaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom waxay kazoo wadeen Max’ed Dheere guriga uu daganaa oo ku yaala dhismo ku dhegen Hotel Naasa Hablood 2 ex-Safaaraddii Shiinaha kadibna geeyay Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda ay ka codsadeen Ciidamada Amisom inay soo qabtaan dad uu kamid yahay Max’ed Dheere waxaa kalo jira dad kale oo iyana la tuhun san yahay inay ka dambeeyeen falkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Magacyada dadka la xiray waxay kala yihiin:

 1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (Ma aha Cabdi Xasan Qeybdiid)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Waxaa magacyadan ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli lagu raad-joogo dad kale oo la aaminsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkaas lagu qaaday muwaadiniinta sameynayay bannaanbax nabadeed.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maanta uu Madaxweynaha cambaareeyay weerarkaas, isla markaana ballanqaaday in caddaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dhacdadii dadka lagu laayay. Sidoo kale shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirrada maanta waxaa la faray Hay’adaha Amniga inay tallaabo ka qaadaan dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday shacabkii mudaaharaadayay.

Posted in Dhacdooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

HORJOOGIHII UGU SAREEYAY KOOXDA AL SHABAB CALI JEESTO OO XILKA LAGA QAADAY XOG KU SAABSAN SABABTA KA DAMBEYSAY XIL KA QAADISTIISA.

HORJOOGIHII UGU SAREEYAY KOOXDA AL SHABAB CALI JEESTO OO XILKA LAGA QAADAY XOG KU SAABSAN SABABTA KA DAMBEYSAY XIL KA QAADISTIISA.

Kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay ay jireen qilaaf xoogan oo u dhaxeeyay kooxda Al SHabab ayaa waxaa maanta xilka laga qaaday Cali Maxaa Xuseen oo ku magac dheer Cali Jeesto kaasi oo ahaa horjoogaha ugu sareeyo kooxda Al Shabab ee magaalada muqdisho.

Horjoogihii hore ee gobolka Banadir ee kooxda Al Shabab Cali Maxaa Xuseen Cali Jeesto ayaa waayay ugu dambeyn xilkiisa isagoo looga qaaday xaflad ay soo qaban qaabiyeen horjoogayal ka tirsan Garabka Axmed Godane kuwaasi oo aad u dhaliilsanaa siyaasadda Cali Jeesto.

Cali Jeesto ayaa la sheegay inuu ku siyaasad ahaa garabka uu hogaamiyo Abuu Mansuur ee kooxda Al Shabab kuwaasi oo kazoo hor jeestay kooxda uu hogaamiyo Axmed Godane ee loo yaqaano Shababka Shisheeyaha ah.

Horjoogaha cusub ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xasan Cumar Abuu C/raxman wuxuuna ka tirsan yahay Garabka Axmed Godane kuwaasi oo isku dayaya inay ka takhaluusiyaan kooxda kale ee kazoo horjeedo oo uu hogaamiyo Abuu Mansuur.

Cali Jeesto ayaa horey loogu wargalinin in xilka laga qaadayo waxaana markii hore looga yeeray kulan lagu sheegay wada Tashi dhex maraya kooxda Al Shabab laakin markii uu imaaday ayaa loo sheegay in la doonayo inuu xilka warejiyo kadibna uu wareejiyay xilkaas isagoo ka cabsaday in shirqool lagu dilo.

Horjoogahaan ayaa muddo ahaa u qeybsanaha kooxda Al Shabab gobolka Banadir wuxuuna qeyb weyn ka qaatay leysmada dadka Rayidka ah.

Maxamed Xasan Cumar Abuu C/raxman waa Shaqsiga lagu badalay Cali Jeesto wuxuuna qabiil ahaan kazoo jeeda beesha Abgaal oo uu kazoo jeeday Cali Jeesto laakin fuliya fikirka Axmed Godane iyo kooxdiisa.

Posted in Dhacdooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

Al Shabaab oo sheegay in Takfiirkii lagu xer xeray Wanlaweyn ay wadeen Howlo diinta islaamka ka dhan ah,

Al Shabaab oo sheegay in Takfiirkii lagu xer xeray Wanlaweyn ay wadeen Howlo diinta islaamka ka dhan ah,

 

Maamulka kooxda AL Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamadooda ay ka sameynayeen maalmihii dambe deegaano badan oo ka tirsan gobolkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Sheekh C/qani Abuu Yaxya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Xarakada AL Shabaab ay howlgaladaasi kusoo qab qabteen dad farabadan kuwaasi oo ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah shareecada Islaamka.

Sheekh C/qani Abuu Yaxya ayaa tilmaamay in ciidamada howlgalkaasi fuliyay ay ahaayeen ciidamo si gooni ah u tababaran kuwaasi oo uu tibaaxay in maalmihii dambe tabaro ay soo dhamaysteen.

Mudooyinkii dambe ayaa Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose waxaa ay wadeen howlgalo ay tilmaameen in ay ku cirib tirayaan Ururka Takfiirka, iyagoo sida ay sheegeen howlgaladaasi ku qab qabtay dad badan oo ay carabaabeen inay ka mid ahaayeen Ururka Takfiirka.

Posted in Dhacdooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

QORSHAHA JANTA JOORNO DI PALERMO IYO CIRIBTIRKA AL SHABAB OO LAGU WARGALIYAY CIIDANKA.

JANTA JOORNO DI PALERMO IYO  CIRIBTIRKA AL SHABAB.

Janta joorno di Palermo waa erey Talyaani ah kaasi oo ka hadlaya qorshaha 100 maalmood ee lagu xoreeyay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa qabsaday in xukuumadiisa ay 100 maalmood ku cirib tireyso Canaasiirta AL Shabab ee caadaystay inay baa ba’shaan shacabka Somaliyeeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay weheliyaan Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta oo xarun u ah ciidamo lagu soo tababarayay muddo labo sano ah qeybo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isugu jira, gaar ahaana Tuulada Carmo ee gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi khudbad ugu jeediyay ciidanka Daraawiishta oo ay tiradoodu dhameyd 500 oo Askari isagoo u sheegay in laga sugayo waajib adag kaasoo ah xoreynta dalka iyo amni ku soo celinta “Waqti badan ayaa la idin geliyay, waad soo tababarateen, waajib culus ayaana la idinka sugayaa, dhanka xukuumadeydana wey ku dedaaleysaa sidii aad waajibaadkiina Askarnimo u  heli laheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku adkeeyey ciidankaasi in aysan waxyeeleyn dadka shacabka ah balse ay gacan qabtaan “Qofka dumarka ah ee waayeelka ah haddii aad aragtaan gacan qabta, oday waayeel ah haddii aad aragtaana sidoo kale gacansiiya, balse ha furanina haddii kale waxaad noqoneysaan dambiilayaal aan ku camal falin wixii la soo baray”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Askartan xasuusiyay in dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo Soomaali ah oo Nabad iyo dowlad-diid ah oo uu sheegay inay kaashanayaan dagaalyahano Ajnabi ah oo ka soo hayaamay dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afganistan iyo Jejniya loogana baahan yahay inay ka saaraan dalka.

Saraakiisha hogaamisa ciidankaasi Daraawiishta ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in muddo labo sano aaney wax mushaar ah qaadan ayna xukuumada ka rajeynayaan inay si deg deg ah ugu bilowdo mushaar, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya arrinkaasi uu u balan qaaday inay helayaan wixii xuquuq Askarinimo ah.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidankaasi, isagoona mid mid u gacan qaaday uguna hambalyeeyey dedaalkooda.

Posted in Dhacdooyin, Farsamooyin, Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

Al Shabab oo Dilay Guddoomiyihii Galgala ee gobolka Bari

Al Shabab  oo Dilay Guddoomiyihii Galgala ee gobolka Bari.

Kooxda Nabadda diidan ee Al Shabab maanta dil u gaystay gudoomiyihii deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Cali Max’ed Gurxan oo ahaa gudoomiyihii maamulka degmada Galgala ee maamulka Puntland ayaa ku dilay bartamaha magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Maleeshiyaadka Shababka ee dilka gaystay ayaa baxsaday waxaana dilka Marxuum Gurxan uu yimid kadib markii uu waraysi uu bixiyay ku sheegay inay cirib tireen kooxaha Argagixisada Buuralayda Gal Gala.

Buuralayda Galgala ayaa waxaa ku sugan kooxo argagixiso ah oo uu hogaaminayo WADAADKA CAASI GAROOBAY  Maxamed Siciid Atam.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa falal argagixiso ka wada WADAADKA CAASI GAROOBAY ee Max’ed Saciid Atam oo ah nin kazoo jeeda deegaanka Galgala waxaana qabiil ahaan uu u dhashay beesha Warsangali Daarood wuxuuna u dagaalamayaa in falal amni darro uu ka abuuro deeganada Puntland.

 Marxuum Cali Max’ed Gurxan ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Galgala dhowr bilood ka hor.

Posted in Siyaasada, Wararka koowaadComments (0)

Madax Qaran, Mase Adeegayaasha Mahiga?qalinki C/laahi Shiikh Xasan

Wax cusub maaha in siyaasada Soomaalia laga hago dibadda. Xataa waxaan cusbeeynin runtiina u muuqda sharaf dhac in masuuliyiinta dowladaha dibadaha lagu soo farsameeyo Airaporada kula kulmaan wakiilada caalamka. Waxa la xusuustaa  madaxaweyne  Yusuf iyo Raiisul wasaarihiisi Nuur Cade ineey markeey maqleen in Haweeneydii Mareeykanka u qaabilsaneed arimaha Africa (Former US under secretary for African Affairs) eey saacado Transit ku ahaan doonto Jommo Kenyatta Airport, ey  ayagoo midba kan kale dacwo ka yahay ugu tageen qeeybta Transitka ee Airporka.  Si kasta oo ey ahaataba taas waxaan u deeynayaa farshaxaniistaha Soomaaliyeed ee Amiin Caamir sawirki ow maalintaas ka soo saaray dhacdadaas.

Waxaase labadda shariif dheeriga ku ahi waxa eey tahay  ayagi oo dalkoodi jooga in wakiilka xoghayaha guud Mahiga ku yiraahdo iigu imaada Airporka Mogdisho saacadaas.hana soo daahinan, kadibna Askarta Ugandeesku midba irid ka soo gelsheen  Waa siyaasad xumo(political naivity) ineey ka aqbalaan iyagoo dhihi karay xafiisyadeena noogu imoow..

 Akhristow waana inaad ogaataa meesha lagu kulansiinaayo waa 2km eey Jamhuuriyada Soomaaliya ka joogeen, ama hadii si kale loo dhigo, Amisom ku ilaaliso. Sidoo kale waa inaan fahamnaa waxa loogu yeero Beesha Caalamku ineeysan Soomaaliya nabada larabin.

Beesha Caalamka(International Community) inteey labaddaan Shariif  oo beri dadku ugu magac dareen Gigo &Franco oo laba atoore oon kala herin ahaa ku mashquuli lahaayeen, sow kama fiicno ineey danta guud ee Soomaaliyeed fiiriyaan? Labada Shariif  wexeey Jamhuuriyada Soomaaliya(Somali Republic) ka dhigteen sidii gurigoodi oo kale iyadoo baarlamaankii iyaga soo doortayna uu labadooda la kala saftay meeshii uu danta guud eegi lahaayeen.

Akhristoow miyaaney ku filneeyn meeshi Mahigo loo diraayo in la yiraahdo hadii aad heshiin weysiin ciidamada Amisom ee idinka dartiin u dhimanaya dhaqaalaha tirada badanina ku baxo waa kala soo bexeeynaa Soomaaliya. Caqliga fayoow wuxuu tilmaamayaa in taasi ku filnaan leheed hadii la rabo in nimankaas la heshiisiiyo. Dantaa ku qasbi leheed ineey heshiiyaan.  Intii Mahigo loo diri lahaay wexeey eheed in askarta  Amisom ku tiraahdo idinkoo mideeysan baad wax keeni weydeene, idinkoo is dagaalsan ilaaladiina askar danbe nooga dhiman maayo waana bexeeynaa. Intaas ayaa ku filneed laakiin lama rabo arimaha Soomaaliya in xal loo helo shakina kama jiro ineeysan xataa hal saac  sii joogi kareeynin hadii Amisom ku wargeliso ineey bexeeyso.

 Waa la hubaa Dowladda ku meel gaar ah dhamaan wexeey ku baryootami lahaayeen in Amison horey u sii qaado. Laakiin nasiib daro gaadiidka Amisom Moqdisho u yaal kuma filna xubnaha Baarlabaanka 550 ka qof ah iyo labadda Shariif. Ewel ayeeyba maskaxda ka weyneed in baarlamaan kan Shiinnaha ka badan ama Mareykanak, Soomaaliya loo sameeyo.

Nimanka Baarlamaanka ku jira waxaa caado u noqotay ineey maalintaas la joogo wexeey  aaminsanyihiin ay ku sheegaan inoow Dastuurku qabo. Bal xaggee loo kala wadaa far taag ha lagu ansaxiyo Raiisul wasaaraha cusub ama qarsoodi. Yaa wax laga qarinaa?  Soomaali horeey ugu maahmaahday wixii la qariyo qurunaa ku jira.Dhinaca kale ee leh waa in gacann tag lagu ansixiyo hadii eey isku kall soonyihiin maxeey u diidayaan? Oo hadii aan Dankale meesha ku jirin hadii Cudka sirta ah ow ku guuleeysan waayo ewelba meesha wax ma oolline weeska Magac u yaale maxaa ku jaban in midkale oo magic uyaala ah lagu tijaabiyo? Dbacan waxa iska cad qolada, diidan cudka sirta ah ineey qadadi laga cunay eey hubiyaan cidi ka cuntay ineey balanti eey qaadeen ka soobexeen iyo inkale

Mushaar la,aanta baahsan ee Baarlamaanka heysata wexeey sii murjineeysaa arimaha sababtoo ah qaar badan oo Baarlamaanka ku jiraahi wexeey hadba fiiriyaan meeshay wax ka helayaan. Waxaa  la arkaa marka eey isqilaafaan madaxda sare in hadba Hoteel qado laga siiyo. Xataa Camirada Television lalama sugo inta eey ka qadeeyaan ee inta qadadu socoto ayaa laga duubaa fariin si hogaamiyaha kooxdaasi(Group leader)  u tuso inta xagiisa jirta.  Kan kalena(the opposing group leader) maalinka xigta ayuu qaddo kale ku soo bandhigaa inta ow heesto.  Labadda qolana qadada kadib waxa eey saxaafada u sheegaan in iyaga shacabka eey beel ahaanta u matalaani uu taageersan yahay. Iyagoo weliba ku sii dooda in eey ayagu sharci  dhowrayaal yihiin halka qolada kalena eey Axdiga ku tumanayaan.  waa yaabe! Sharcigu mid qoran ma ahan miyaa? Hadiise uu qoranyahay ma midd(Contradiction) ahaa oo aska hor imaanaya. 

Isku soo wada duub, wexey isugu imaanayaan murti uu abwaan Somaliyeed oo la dhihi jiray Shidane Bayr Biri ka tirshay Baarlamaanki 60ki oo dabcan aan kuwaan ka aqoon badneeyn laakiin uga duwananaa in la soo doortay. Abwaanku wuxuu  wax qabad la,antooda ka yiri BAASTA DUUBI OGAA, OO BABAAY  DIIRI OGAA  OO NAAGA  BAASHI  OGAA  BAARKA  CAARA KU GOYSAY!

Hadaba marka aad Baarlamaanka Somaaliya ka fiirsato Televisionka, ayaga oo baasta duubaya hadana laba Hoteel oo lagu ilaaliyo ku jira iskuna dhex qilaafsan, mid walibana ku leeyahay Sharciga ayaan dhowrayaa halka kooxda kalena Sharciga ku tumanayaan  waxad ogaanee Sumcadi Soomaaliya ineey dhimatay.

WQ:Cabdullaahi Sheekh Xassan

LONDON, UK

mareeye@hotmail.com

Posted in SiyaasadaComments (0)


advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==