la galiyey
10 March 2010.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaaray dagaalo saaakay ka bilowday waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Dowladda Ka soo horjeeda.

Deegaano hor leh ayay cidamadu galabta la wareegeen sida fariisimo ay maleeshiyaadku ku lahaayeen deegaanka Beexaani, nasiib buundo iyo garaash geedoole, ayadoo ciidamada Dowladdu ay wali ku sii siqayaan goobo hor leh oo ka tirsan degmada Kaaraan.
 



Meelaha muhiimka ah ee Ciidamada Dowladda qabsadeen waxaa ka mid ah Hotelka Global ilaa iyo agagaarka mowlac Shariif Sh Muxyadiin.Â
Taliyaha ciidamada Lugta  Dowladda Soomaaliya General Cali Caraale Cosoble (gacma dulle) ayaa hogaaminayay Ciidamada oo ku sugnaa Afka hore ee dagaalka, wuxuuna si weyn ugu howlanaa dagaal gilinta ciidamada, ayadoo meesha ay ka muuqanaysay guul hor dhac ah oo laga gaaray dagaalkii maanta bilaawday.

Ka sokoow dagaalka waxaa goobta ka soconayay baaritaano ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo guryaha baaraya si aysan u dhicin in maleeshiyaadku ay ku dhuuntaan guryaha laga barakacay ee maalmihii la soo dhaafay ay xoogga ku deganaayeen, waxayna gacanta ku soo dhigeen dhowr qof oo ka tirsan Meleeshiyadii dagaalamaysay oo uu ku jiro horjooge Shabaab ka tirsan.

Sidoo kale ciidamada ayaa baarayay wadooyinka waaweyn ee xaafadaha kaaraan iyo shibis mara, si ay uga saaraan hadii maleeshiyaadku ay halkaas ku aaseen miinooyin sida caadada u ah, iskastoo aan wali la arag wax miino ah oo halkaas laga bixiyay.
Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul islaam uma kala harin Dagaalka saakay inkaastoo ay isku hagradeen, maleeshiyada Shabaab waxay afka hore ee dagaalka saakay soo geliyeen ajaanib fara badan oo maalmihii la soo dhaafay lagu uruurinayay waqooyiga magaalada Muqdisho, waxay filayeen in ay dhagartooda guul ku helayaan, hase yeehsee horjoogayaal badan ayaa uga dhintay dagaalka, dadka ku nool waqooyiga Muqdisho ayaa sheegay in in ka badan 15 qof oo dhaawac ah una muuqday ajaanib la arkay.
Waxay ka carareen goobo badan oo aagga dagaalka ka fog sida Saldhigga Kaaraan iyo Isgoyska Sanca, Waxaana la arkayey maleeshiyaad firxad ah oo wadada wadnaha si baqdin ku jirto u sii cararaye, sidoo kale waxaa dhaqdhaqaaqyo  ay ka wadaan qeybo ka mid ah koofurta Magaalada iyo saldhigga ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Maslax oo ku yaala deegaanka Suuqa xoolaha.
Â
Â
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
09 March 2010.
Iyadoo maalmahan si weyn loo hadal haayo wararka ku saabsan in ciidamada Mareykanka dhinaca hawada iyo dhulka kaga qeyb qaadan doonaan dagaalka ay Dowladda KMG ah la damacsan tahay kooxaha hubeysan ee Shabaabka ka mid tahay ayaa Maanta gelinkii danbe lagu arkay Hawada Magaalada kismaayo Diyaarad Nooca Dagaalka oo ku dulwareegeysay hawada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Diyaaradan oo aan la garanayn halka ay kasoo duusha iyo weliba ujeedada rasmiga ah ee ay leedahay ayaa galabta lagu arkayay hawada magaalada kismaayo iyada oo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay daafaha magaalada, waxaana maleeshiyada alshabaab ee ka arimiya magaalada kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha.
�
Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaaradani oo ah nooca dagaalka wallow aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geysatay diyaarada.
�
Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada al qaacida ee ka barbar dagaalama kooxda shabaab.
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
09 March 2010.
Xoghayaha Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa ka hadlay dil loo geystay Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha Ururka Xisbul Islaam, kaasoo la rumeysan yahay in ay dileen maleeshiyada Shabaab.
“Allaha U Naxariistee Barre Cali Barre waxaa toogtay koox burcad ah isagoo ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa” ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Cali.
Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen afar dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado xilli aysan la socon ilaalo, waxaaa uu u geeriyooday dhowr xabadood oo kaga dhacay qaybta sare ee jirkiisa.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dablayda shabaab ay dilkiisa ka dambeeyeen iyagoo muddo ku taamayay sidii ay u khaarajin lahaayen sarkaalkan.
“Xisbigu wuxuu kasoo saari doonaa war murtiyeed dilka Marxuum Barre Cali Barre oo maydkiisa ay kasoo qaadeen halkii lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ururka ka tirsan” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ururka Xisbul Islam oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay dilka kaddib.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha ay sida weyn isugu dhow yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii sida weyn uga soo horjeestay ku biiritaankii Sheekh Xasan Turki uu ku biiray maleeshiyada shabaab.
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
08 March 2010.
London, UK, March 8, 2010 –  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta shirar badan kula yeeshay magaalada London madax ka tirsan dowladda Britain, isaga oo Madaxweynuhu ugu horrayn la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska David Milband, kaddibna ay kulan yeesheen Ra’iisl Wasaare Gordon Brown

Kulamadaas dowladda Britain waxa ay u ballan qaadeen in ay dowladda Soomaaliya u fuliyaan dhammaan codsiyadii ay u gudbiyeen. Iyada oo madax kale oo fara badan loo ballamiyey wafdiga Soomaalida saddexda maalmood oo ka haray safarka


Intaa kaddib, wafdiga Madaxweynahu waxa uu aqalka Baarlamaanka Ingiriiska kula kulmay wafdi ballaaran oo qaabilsan iskaashiga caalamiga iyada oo wafdiga dhinaca ingiriiska uu hoggaaminayey Wasiir Muslim ah, dhanka kalana ay ka soo qayb galeen xildhibaanno ka socda xisbiga Mucaaradka.
 
Madaxda dowladda Ingiriisku waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay diyaar buuxa la yihiin gacan siinta dowladda Soomaaliya iyaga uu ku yri, “waan ku garab taagan nahay maxaa yeelay gacan siinta dowladdaada waa arrin sax ah oo xaq ah, danta dalkayaga ayaana ku jirta in aad ka guulaysato argagixisada.

Kulankaas kaddib, Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Xarunta aqoon is weydaarsigav ee Chatham House, halkaas oo kaddibna sul aalo badan ay waydiiyeen dadkii soo buux dhaafiyey oo isugu jirey Somali iyo aqoon yahan, safiiirro iyo aqoon yahan kale

Maalintii koowaad ee Safarka Wafdiga Madaxweynuhu waxa ay ku dhammatay guul, isaga oo berri kulamo badan la leh, wasiirro badan iyo madax kale oo dalkan Britain ah.
Dhanka kalana waxaa Madaxweynaha Waraysiyo ka qaadaya maalmaha soo socda CNN,, Channel 4 iyo Al Jazeera.
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
07 March 2010.
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Waalidiintooda ku dhawaad 30- Caaruur ah kuwaas oo Dhawaan ay Ciidamada Boolisku ka qabteen Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
 
Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ay Ciidamada Boolisku ay Maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ka qabeen 34-Rux kuwaas oo 7-kamid ah ay ahaayeen Dad waaweyn, halka 27-ka kalena ahaayeen Caruur aad u da’ yar islamarkaasna saarnaa Gaari nuuciisu yahay Deyno oo kusii jeeday Suuqa weyn ee Bakaaraha.
 
Waxa uu  Taliyaha Qeybta Guud  ee booliska  intaasi ku daray in Caruurtaasi la soo siiyay Tababar Muddo 3-bilood ah,  islamarkaasna ay maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ay doonayeen inay ka qeyb galiyaan Dagaallada aan xaqa aheyn ee ay kala soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya.
 
Axmed Xasan Maalin Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir ayaa shaaciyay inay galabta gelinkii dambe ku warejiyeen Waalidiintooda Caruurtaasi ay gacanta ku hayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, mar uu taliyuhu la dardaarmayay waalidiinta ayuu sheegay in loo baahan yahay inay ogaadaan xaaladda ay ku sugan yihiin Caruurtooda.
 
Sidoo kale Qaar kamid ah waalidiinta Caruurtaasi ayaa soo dhaweeyay helitaanka  Caruurtooda maadaama ay ka maqnaayeen Muddo, iyagoo sheegay in Caruurtaasi ay ka yimaadeen Deegaanka Carbiska ee Gobalka Shabeelada Hoose.
 
Caruurtaan ayaa dhiganaysay  Dugsi Qur’aan, ayna Waalidiintu xuseen inaysan wax war ah ka haynin halka ay ku maqnaayeen Caruurtooda, balse ay marki dambe ka war heleen in Caruurtaasi ay ku jiraan Gacanta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
 
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
06 March 2010.
Sheekh Xasan Turki ayaa qaadacay go’aan Shabaabka ka soo yeeray, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo, kaasoo gebi ahaanba ku dhamaaday fashil, waxaana Sheekhu ka hor yimid in Axmed Madoobe lagu tilmaamo Riddo sida Shabaabka ku adkeysteen.
Warar laga helayo magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Turki iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab oo maalmahii la soo dhaafay isugu tagay magaaladaas ay ku kala boodeen kulan ay wada yeesheen.
Saraakiisha Shabaab ayaa ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ridoobay, hase ahaatee waxaa ay dhinaca kale sheegeen in ay soo dhoweynayaan Ciidamadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan Shabaab.
Ilo wax gal ah ayaa sheegay in Sheekh Xasan Turki uu gebi ahaanba ka hor yimid qorshahaas, waxaa uu sidoo kale diiday heshiis Saraakiisha Shabaabka dhowaan magaalada Kismaayo kula gaareen Beesha uu ka dhashay ee Absame.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekhu si aad ah uga carooday go’aanada ay iska qaateen Shabaabka, ee ku aadan arrinta Axmed Madoobe ee ay ku sheegeen inuu yahay Riddo.
Saraakiisha Shabaab ee ka qeyb galay kulanka fashilka ku dhamaaday ee ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Abuu Mansuur, Fu’aad Shongole iyo Sarkaalka Sheekh Xasan Turki gacanta midig u ah Dulyadeyn oo la dhacsan hab dhaqanka Shabaab.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa horay Shabaab ku tilmaamay in ay yihiin Takfiiru Maslaxa, kadib markii dagaal qaraar ku dhex maray Magaalada Kismaayo, waxaana fatwo dhowana ka soo saareen ku sheegeen in Axmed Madoobe u adeegayo Itoobiya iyo Kenya.
Lama oga go’aan qaadashada Xasan Turki oo Seedigiis ah Axmed Madoobe inay la xiriirto hadalkii shalay ka soo yeeray Hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Dahir oo uu ku tilmaamay Xasan Turki inuu Shabaabka ka celin waayay Axmed Madoobe
Posted in Wararka koowaad
la galiyey
05 March 2010.
kooxaha sheegta wadaadnimada ee ka dgaalamaya dalka soomaaliya  ayaa la xaqiijinayaa  in ay magaalada muqdisho ku leeyihiin xarumo qarsoodi ah oo ay ku tababaraan carruurta ay dagaalaalada u adeegsadaan.Â

Ururka AL shabaab oo xoog ku haysta qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa la sheegay in  boqolaal caruur ah oo da.doodu u dhexayso 8 illa 18 jir ay imminka ku tababarayaan dugsi qarsoodi ah oo kuyaalo degmada dayniile ee gobolka Banaadir sida uu xaqiijinayo Asad Shiikhaw oo dhawaan kasoo baxsady xaruntaasi.
Asad oo ah 15 jir agoon ah ayaa waraysi aan kula yeeshay magaalada Nairobi iigu sheegay in mudo ku dhawaad 2 bilood ah uu xaruntaasi ku qaadanayay tababaro isugu jira dagaal galida iyo duruuso laxariirta barashada qur aanka iyo tarbiyada. asagoo intaa ku daray in goobtaasi ayku xaraysanyihiin in ku dhaw 250 caruur ah
Mar aan wax ka waydiiyay nuucyada tabaradka millatary ee la siiyo carruurta ayuu sharaxaad ka bixiyay. asagoo yiri. waxaa marka hore aan qaadan jirirnay baraarujin ku aadan islaam udirirka iyo jihaadka. inkastoo aan  ku cusbaa xirada hadana waxaan daawa jirnay carruurta labarayo sida loo isticmaalo qoriga AK47 shiishka toogashada iyo waliba isku difaacida bam gacmeedyada. sidaasi waxaa yiri Asad oo intaa ku daray in adeerkii uu si qasab ah ku geeyay dugsigaasi kadib markii uu hooyadii iyo aabihii uu ku waayay madfac ku soo dhacay gurigooda oo ku yiilay daegmada wardhiigley. Â
Asad waxa uu waraysigaasi ku xaqiijiyay in carruurtaasi badankoodu ay ku faraxsnyihiin inay u dagaalaaan islaamka laga dhaadhacsiiyay asagoo intaa sii raaciyay in mararka qaakood caruurtaasi  loo qabto tartamo lau qiimaynayo waxbarashdoda iyo kartida iyadoo kuuwii baaso la gudoonsiiyo abaal marino isugu jira dhar iyo lacago. mar sidoo kale aan wax kawaydiiyay macalimiinta waxbarta ayuu waxa uu ku nuuxnuuxsaday in qaarkood ay ahaayeen ajnabi balse waxa uu Asad kari waayay in uu kala cadeeyo wadamada ay kasoo jeedaan tababarayaashaasi.
Inta aan oga hay dugsiga waxaa laga kaxeeyay dhawr jeer illaa15 arday oo in mudaa ah tababaro ku qaadanayay halkaas. inkasto aanan ogayn halkii loo kaxeeyay wiilashaai hadana waxan maqlay in qaar kood ay shahiideen waa sida ay ardaydu isla dhexmaraysay ayuu yiri Asad oo markii aan waraysanayay ka walwalsanaa in dib loogu celiyo xiradaasi . Asad mar uu ka jawaabayay su’aal ku aadaneed qaab kii uu ku soo baxsady ayuu yiri. waxay ahayd abaarihii salaada subax ha hor waxaa na toosiyay macalin Daalibaan oo noo ka xeeyay banaanka si ann udajino qoryaha lashito oo saarnaa gaari xamuul ah. intii aan dejinaynay waxaa na illaa linayay Daalibaan oo dusha ku sita qori,waxaa illa sheekaystay darawalkii gaariga oo aan usheegay in qasab la igu keenay xirada waxaana ka codsaday in ay igu kaayaan sarrirta dambe ee gaariga dabadeedna nasiib wanaag wuu ka dhabeeyay. waxuuna gaarigaasi ikeenay ceelasha biyaha afgooye.Asad waxa uu intii aan wadnay waraysigaasi uu Asad  ii sheegay in uu iska diiwaangaliyay xafiiska UNHCR ee magaalada Nairobi.waxaana kiiskiiisa loo aqoonsaday mid ubaahan daryeel iyo difaacid  si kasto oo ay ahaataba waxaa soo ifbaxaya dhagarta iyo xeeladaha qarsoon oo ay ALshabaab u adeegsato carruurta taasoo xadgudub ku ah shareecada islaamka iyo baaqa caalamiga ah qodbkiisa 54 oo qeexaya in la dhawro xuquuqda carruur dhinacakale waalidiinta kuwooda ku raaliya in carruurtooda ay dagaalamaan waxaa la xasuusinayaa in lalaxisaabtami doono isla markaana uu jiro doono waqti la la xisaabtami xadgudu
Posted in Wararka koowaad