la galiyey
25 February 2011.
Sida ay baahinayso idaaacadda Qaranka Radio Muqdisho dhalinyaro ka tirsan kooxda caadaysatay laysmada dadka somaliyeed ee Al shabab ayaa waxay dowladda ka codsadeen inay magan galyo siiyaan.
Xukuumadda ayaa sheegtay inay jiraan Dhallinyaro ay soo qaldeen kooxda Shabaab kuwaas oo ka dalbaday inay isu soo dhiibaan Dowladda kaddib markii awoodda kooxdooda ay ku wiiqantay dagaalladii ay la galeen ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane c/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan xiriirro kala duwan oo ay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shabab la soo sameeyeen masuuliyiinta Dowladda si ay u helaan badbaado kadib markii Kooxda Shabaab ay awooddoodii ku luntay dagaalladii ugu dambeeyay oo xarumo badan looga qabsaday.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay maskaxda ka xadeen Kooxda Shabaab inay isaga soo baxaan oo ay isu soo dhiibaan Ciidamada wada howlgalka magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan looga sifeynayo kooxdaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay dowladdu damaanad qaadeyso inay dhallinayradaasi helaan Mustaqbal aad u wanaagsan oo ay ku farxaan.
Hadalkaan kasoo baxay R/was are ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca ayaa imaanaya xilli ay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad aad u faro badan oo ay ku jiraaan Horjoogeyaal ajaaniib dambiileyaal ah oo barbartaagan kooxda Shabaab kaga halaagmeen dagaalladii ugu dambeeyay oo ay la galeern ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
Waxaana horay kooxda shababa uga soo baxsaday dhallinyaro badan kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay Dowladda, waxayna Dowladda ka heleen xanaaneyn wanagasan ayadoo u sameysay xarun lagu dhaqan celiyo dhallinyaradii ay fikirkooda bedeleen Kooxda Alshabaab.
Posted in Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Islaam, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaad
la galiyey
23 February 2011.
Kooxda AL shabab ayaa waxay saakay ilaa caawa ka qab qabteen xaafadda suuqa xoola tiro dhalinyaro ah kuwas oo ay u kaxeeyeen dhinac jiida hore ee dagaalka.
Kadib markii dagaal xoogan ciidamada qaranka Somalia iyo Amisom oo dhinac ah ay weerar ku qaadeen fariisimihii Al shabab ay ku lahaayeen wadada Warshadaha isla markaasna halkaas looga laayay dagaal yahano badan ayaa waxay bilaabeen inay qafaal si xoog ah ay ku kaxeystaan dhalinyarada ku nool xaafadaha ay ka taliyaan ee magaalda Muqdisho.
Si kastaba Al shabab ayaa kusoo jeesta dhalinyarada marka ay la kulmaan ciidan yari oo ay kaga la’daan dagaalada.
Posted in Dhacdooyin, Fanka, Siyaasada, Wararka koowaad
la galiyey
17 February 2011.
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xasuuq shacab ka dhacay Muqdisho, muddo kordhinta Dowladda iyo qodobo kale
Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha hawlwadeenada xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyed uuna shir gudoominayey kusimaha M/weyne C/nuur Darman ahna gudoomiye ku xigenka XMJS/USRP Md. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa gabi aanba waxaa looga hadley xasuuqa soo noq noqda ee shacabka ku dhaca meelaha TFGdu ka taliso ayna geysanayaan isla ciidamadeeda waxa sababa ama soo celceliya eedeeda cidda iska leh iyo sida looga gudbi karo ama looga gaashaaman karo.
Dood iyo falaqeyn kadib waxaa shirka kasoo baxey Qodobadaan:
A) Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyed ee ehelkoodu ku dhintey ama hantidooda khasaare kasoo gaarey xasuuqa ay caadeysteen ciidamo ku sheega cadawgu ku dhexbeerey umadda soomaaliyed isla markaana oogada uga eg ciidan soomaaliyed balse ciidan u ah cadawga ku shaqeysta.
B)xmjs/usrp wuxuu cambaareynayaa cidda ka danbeysa ficiladaas foosha xun ee beryahan soo noqnoqdey anagoo leh kama baxsan doontaan cadaaladda waadna hor iman doontaan mar uun insha allah.
C)xmjs/usrp wuxuu shacbiga waydiinayaa yaa ka danbeeya dhacdadii 15/02/2011 ka dhacdey deg x/weyne? yaase xaq u leh in ay banaanbaxaan oo ra’yigooda muujiyaan? Ma koox kaliya ayuu banaanbax u banaanyahey? mise waa arin muwaadin kastaa xaq u leeyahey hadii uusan ku xadgudbeyn nabadgelyada guud iyo sharciga islaamka?.
Su’aalahan oo dhan waa kuwo mudan in qof kastaa isweydiiyo ayaa hadana aragtida xmjs/usrp ay sidan tahey ugu horeyn cidda arinkaas ka danbeysa waxaa ugu horeeya ninka m/weynaha sheegta waxaa ku xiga kuwa baarlamaan sheegta waxaa ku xiga kuwa wasiirada sheegta waxaa ku xiga kuwa m/gobolka sheegta, waxaana ugu danbeeya kuwa abaabuley ficilkas guracan iyo intii fulisey kuligood waa danbiilayaal aan danaha shacabka metelin ee tooda wata mid kastaa siduu doonuu shacabkii ka yeelay cadeyn kale looma baahna mudo isu kordhin hore u dhacdey iyo mida hada soo socota waa ku tagri fal masiir shacabku leeyahey iyagaa bilaabey in aan sharci iyo xeer midna la ilaalin iyagaana lagu dayanayaa sida hadaba socota.
Marka koowad hadaan kuwa aan soo sheegney wax qabtaa jirin tacsi kama yeeleyno waxaa sidoo kale mudan in la xuso banaan baxa ma koox kaliyaa xaq u leh mise cid kasta waxaa lala wada socdaa in dhawaan TFG-du iska qabqabatey iyagoo guryahoodi jooga laguna eedeeyey banaanbax tfgda looga soo horjeedo in ay abaabul ugu jireen dadka uma ogoli in ay ra’yigooda cabiraan anna wey ii banaantahey ma soconeyso waana mida maanta taagan ugu danbeyntiina sida looga siraad kori karaa waa midnimo iyo in aan danbiilaha soo qabano isagu isma qabanayee!.
XAFIISKA DALKA24.COM
MUQDISHO=SOMALIA.
Posted in Caafimaad, Dhacdooyin, Fanka, Farsamooyin, Ganacsi, Islaam, Music, Siyaasada, Tilmaaman, Video, Wararka koowaad
la galiyey
12 February 2011.
Kooxda Argagixisada Al Shabaab oo dad ay ku jiraan Haween Uur leh ku laayay xaflad aroos.
Dhalinyaro Arxan Daran oo ka tirsan kooxda Argagixisada Al Shabab ayaa rasaas ku furay goob xaflad aroos ay ka socotay oo ay ku sugnaayeen dadweyne u badan haween.
Inta la ogyahay laba gabdhood oo xaamilo ahaa (uur lahaa) ayaa rasasta ay fureen maleeshiyaadku ku dhimatay halka ay dhaawacantay gabar kale oo aad u da’yar, taas oo dhaawaceeda ay dadka deegaanku ka qaadeen goobta.
Maleeshiyaadka ayaa ka soo horjeeday xafladda arooska ah ee ka socotay tuulada Ceelgaras, waxayna ayagoo aan wax ammar ah bixin ay fureen rasasta oo ay dadka ku kala ceyrinayeen sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Arrintaan ayaa xiisad ka abuurtay deegaanka, waxaana bilowday kacdoon ay sameeyeen shacabku, hase yeeshee maleeshiyaadka ayaa cabburiyay dadka waxayna sidoo kale diideen maleeshiyaadku in ay ka hadlaan dilka ay u geysteen gabdhaha.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa falal badan oo noocaan ah ka geystay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, waxayna qeyb ka tahay xasuuqa ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed.
Posted in Dhacdooyin, Fanka, Wararka koowaad