Kulankan oo diirada lag saarayey isbadaladi ugu dambeeyey ee dalka gudihiisa ka dhacay iyo kaalinta Ahlusunah ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay culumaa’udiin caan ka ah dalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Shiikh Cismaan Xidig oo si weyn loogu qadariyo fidinta diinta islaamka iyo abuurida xer fara badan oo daafaha Soomaaliya ah .
Kulanka ayaa marka ugu horeysa waxaa ay culumaa’;diinka Ahlusunah ku taageereen hawlgalka cusub ee ay dawladaha dariska ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabab gaar ahaan kuwa ay ciidamada Kenya ka wadaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Max’ed Xuseen Owliyo afhayeenka Ahlusuanh ee Yurub ayaa ka sheegay madasha in Ahlusunah ay soo dhaweyneyso cid walba oo Shabab dalka ka xureyneyso isagoo sheegay in dagaalka uu yahay mid bilaw ah ayna wadi doonaan ilaa Shabab laga saaro dalka .
mr Owliyo waxaa uu uga mahad celiyey SYAO kaalinteda wacyigalineed ee ku aadan in dhalinta aysan qaadan fikradaha la soo minguuiyey ee Wahabiyisamka ah , waxaana uu sheegay hadii Shabab laga adkaado inuu jiri doono dagaal kalew oo u baahan in fikradoodina dalka laga suuliyp.
Shiik Sharde Mire oo k mid ah isna caalimiinta Ahlusunah ayaa farta ku goday in looga adkaan karo fikradaha fasaadka in dhalinyarada la wacyigaliyo .
Sidoo kale afhayeenka Ahlusunah ee Hiiraan Shiikh bashir Shiikh Cilmi ayaa soo dhaweeyey dhinaciisa duulaanka cusub ee loogaxureynayo G/hiiran kooxda Shabab , waxaana uu dadka reer Hiiraan ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada dawladda ee kaabiga ku haya magaalada.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, waxaana magacooda ku hadlay xildhibaan Yasin Bucul oo sheegay in Ahlsunah ay ciyaarayaan dawr muhiim ah sidii dalka lo xasilin lahaa , waxuuna ku amaanay iney u soo jeeesteen difaacida dalka.
kulanka oo ay ka qeybgaleen dad ka badan 350 qofood waxuu ku soo beegmayaa xili dawladaha Kenya iyo Ethopia ay wadaan guluf ka dhan ah kooxda Shabaab .
Kulankan ayaa ah nuuciisa midki ugu weynaa ee Nairobi ka dhaca iyadoo Culumaa’udiinka Ahlusunah ay muujiyeen sida ay siyaasad ahaan ugu go’antahay iney la dagaalaan Shabaab ayna taageeraan dalalka ku soo biiray hawlgalka.






