Hayadda qaxootiga ee qaramadda midoobay UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol iyo soddon qof ay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay muqdisho ee u dhaxeeyay Dowladda iyo maleeshiyooyinka islaamiyiinta, labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming, ayaa sheegtay inay tahay wax laga wal walo sida ay u sii xumaanayso xaalada biniaadannimo ee Muqdisho.
Afhayeen waxay sheegtay in ugu yaraan 400 oo qof ay ku dhaawacmeen dagaalada, in kabadan 20 kun oo qofna ay ka qaxeen dagaalka u dhaxeeya Dowladda iyo maleeshiyadda Alshabaab, labadii Toddobaad ee la soo dhaafay.
Afhayeenka waxay sheegtay inay dhib tahay in Hayaddaha gar gaarka ay dadka dhibaataysan caawiyaan






