la galiyey 04 September 2010.
“Ma jirto Wax Xukuumad ah Xisbiga Dimuqradiga ee Masiixiga iyo kan Lebralka intaba, fashil ayaana ku yimid awood qeybsigii labada xisbi si loo dhisi lahaa Xukuumad wadaag ee labada xisbi ku wada mideesan yihiin”sidaasna waxaa yiri Hogaamiyaha Xisbiga PVV Mr. Wilders oo shir jiraa,id u qabtay Saxaafada gudaha.
“Ma jirto kalsooni ee Xisbiga PVV ka qabaan kuraasta 21,ah ee Baarlamaanka ku leeyihiin Xisbiga CDA oo horey u balan qaaday in ay kuraastoda ku taageeri doonaan Xisbiga PVV taasina waxaan u leeyahay waqtiga oo dhamaaday iyo isku shaandheyntii xukuumada oo fashil matay” Ayuu mar kale ku celiyay Mr.Wilders Hogaamiyaha Xisbiga PVV.
Hogaamiye yaasha kala ah Klink, Ferrier iyo Koppejan. ayaa horaantii todobaadkii inaga tagay warqad dheer si cad ugu qoray in aysan marnaba aqbali doonin in dowlad wadaaga lagu soo daro Hogaamiyaha Xisbiga PVV Mr. Wilders taasoo soo dadajisay in hogaamiyaha Xisbigaasi uu durba ku dhawaaqo in ay fashil matay Dowlad wadaagii dalka Holland.
Hogaamiyaha Da’da yar ee Xisbiga Leberalka Dhawaanahaan ku guuleestay Codbixintii Dalka Holland Mr Rutte, ayaa kol hore cadaadis ugu yimid dhanka Boqorada Dalka taasoo aheyd in uu Xukuumadiisa ku soo daro garabka Bidix ee Dimuqradiga Misiixiga uu Hogaamiyo Sarkaalka inta Badan dhanka siyaasada lagaga soo horjeedo ee Wilder.
Inta Badan Sayaasiyiinta Dalka Holland ayaa qaba in Sarkaalka Xisbiga PVV Mr. Wilders aan Xukuumada Cusub marnaba lagu soo darin maadaama uu yahay nin dambiyo kala gedisan ku eedeesan iyadoona fikirkaasi ay tahay mid ay la qabto Boqorada Dalka Holland.
Xisbiga CDA ayaa horey ugu balan qaaday Xisbiga PVV in codka uu ku leeyahay Baarlamaanka uu ku taageeri doono, balse gaabiska ku yimid xisbigaasi ayaan iminka la ogeyn iyo isbadalka ku dhacay xisbigaasi iyadoona Labadaan Xisbi ee CDA iyo PVV ay ku hashiiyeen isbaheysi Cod badsi ah ee ka dhax abuurtaan Baarlamaanka Dalka Holland.
La Taliyaha Ugu sareeya ee Boqorada Dalka Holland ayaa muddo bil ka hor laga sugaayay go,aanka ugu danbeeya ee laga gaari lahaa is qab qabsiga Dhanka Xukuumada Dalka Holland iyadoona xilligaasi la isla Go,aamiyay in la soo dhiso Dowlad Gacan wadaag ah oo ay inta badan u badan yihiin Xisbiga Dhanka Midig ee Mr. Rutte kuraas yarna laga siiyo Xukuumadaasi cusub Xisbiga uu Hogaamiyo Wilders, balse taasi ayaan dhicin.
Hogaamiyaha Xisbiga PVV Mr. Wilders iyo Xisbiga VVD Mr. Rutte. ayaa Maanta ku sii socda Aqalka Boqorada Dalka Holland Mrs. koningin. si ay markaasi go,aan cad oo ku saabsan dhanka Xukuumada ugu soo qaato iyadoo aan la ogeyn halka ay ku soo idlaan doonto is qab qabsiga wali ka dhex taagan Xisbiyada Dalka Holland.
is qab qabsigaan ayaa waxa uu soo bilawday tan iyo waxii ka danbeeyay 09-0-2010, kolkaasi oo doorashada Dalka Holland loo dareeray iyadoona Doorashadaasi uu ku guuleestay Hogaamiyaha Xisbiga VVD Mr. Rutte.
Falanqeyn Gaaban.
Waa shaqsi ceenkee ah labada Hogaamiye ey haatan gulufta xoogan isku haya.?
Mr. Rutte oo ah Hogaamiyaha Talada Dalka ku guuleestay balse loogu fadhiyo in xukuumada uu soo dhiso ayaa inta badan lagu xantaa in uu ku ad adagyahay dhanka qaxootiga, Asigoona kol hore u sheegay in uu wax badan ka badali doono qaab dhaqanka Dowlada dalka holland ee dhinaca Qaxootiga inkastoo uusan marnaba diidaneen Qaxooti soo gala Dalka Holland balse baaqiisa uu yahay in la xadido shuruuc gaar ahna loo sameeyo, waxa uuna soo jeediyay in sanadkiiba la qaato tiro xadidan iyadoona lagu qaadanaayo buu yiri axdigii JANEVA.
Wilders. Hogaamiyaha Xisbiga PVV ee Mucaaradkiisa ku badan yahay Baarlamaanka iyo Xisbiyada kale intaba, ayaa sidoo kale waxaa si hoose u mucaaradsan Boqorada Dalka Holland, waxa ayna kol hore ku baaqday Boqorada in Maxkamad la soo taago ka dib markii ay ku cadaatay Cunsuri nimo iyo asigoo kol hore wax ka sheegay Diinta.
Wilders, waa nin Amnigiisa ay aad u ilaaliyaan ilaalo u gaar ah cabsi uu ka qabo in ay qaarjiyaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Holland maadaama uu horey diinta wax ugu sheegay.
waxa uu marnaba ogoleen eriga Qaxooti taasi oo wal wal ku abuurtay Dhaxal Sugaha Xilka Boqortanimo ee dalka Holland oo asiga qaba xaas Spain ah, waana tan kaliya ee mucaaradkiisa ku badan tahay, iyadoona inta badan siyaasiyiinta Dalka Holland ee ka soo horjeedaan in Wilder hadii xukuumada lagu soo daro uu Dalka Holland giliyo waqti mugdi ah, Asigoo aan ogoleen xittaa fara gelinta Midowga Yurub.
Siyaasada Dalka Holland.
Siyaasada Dalka Holland marka dib loo indha indheeyo 80% waxa ey qabaan in hadii xukuumada aan lagu soo darin Wilders ay noqoneeso Mid fashil mata taasi oo laga cabsi qabo in Boqorada Dalka Holland ay ku dhawaaqdo in gabi ahaan uu fashilmay Doorashadii dhacday Bishii 6-aad iminka iyo Doorasho Cusubna Dib la isugu Yimaado.
Hadii ay dhacdo Doorasho Cusub.
Inta Badan Dadka Qaxootiga ah ee ku nool dalka Holland iyo dadka Muslimiinta ah ayaa waxa ay qabaan in doorasho cusub lagu qaabo iyagoo rajada ugu weyn ee doorashadaasi ay ka qabaann ay tahay in uu xilka Hogaanka Dalka ku guuleesto Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Job Cohen oo kol hore loogu guu leestay hal cod oo kaliya.
Job Cohen waxa uu horey u ahaa Maayerkii Magaalada Amsterdam asigoona loogu magac daray shaqsi shaah la caba Ajaniibta taasoo lala jeedo in uu yahay shaqsi aad u jecel ajaanibta oo aan fara gishan siyaasada ajaaniibta.
Abdirahman Guure Mohamed {Gentelman}
Amsterdam – Holland.