Magaalada Utrecht ee dalka Holland waxaa manta ka furmay shir looga hadlayay xaaladda ay ku sugan Suxufiyiinta Soomaalida iyo xeerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Saxaafadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Suxufiyiin ka kala yimid dalalka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Norway, Kenya iyo xubno ku sugan dalka Holland.

Shirkan ayaa waxaa ay soo qaban qaabisay Hay’adda Hayaan Media oo inta badan xil iska saarta difaaca suxufiyiinta soomaalida iyo sidii loo horumarin lahaa tayada suxufiyiinta ka howlgala soomaaliya.
Waxaa ka soo qeybgalay shirkan xubno ka socda Press Media, ururo ka socda Bulshada soomaalida iyo shaqsiyaad u dooda xuquuqda bani’aadamka.

Cali Muuse Cabdi oo ah Suxufi ka tirsan Wakaalada Wararka ee Faransiiska (AFP) kana yimid Magaalada Nairobi ayaa ku dheeraaday taariikhda Saxaafadda Soomaaliya, isagoo soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen suxufiyiinta soomaalida.
Mr Muuse, wuxuu ku tilmaamay suxufiyiinta soomaalida kuwa geesiyaal ah oo ku shaqeeya xaalad adag oo u dhaxeeysa nolol iyo geeri, wuxuuna sheegay iyadoo ay sidaas tahay haddana suxufiyiinta soomaalida ma helaan dhaqaale ku filan ama ay ku ilaalin karaan noloshooda.
:Ninka ama Gabadha Suxufiyada ah ee soomaaliya ka shaqeysa waxay qaatan bishii lacag dhan 50 Dollkar kuma filna nolosha Suxufiyiinta, waxaaba dhici karta in lacagtaas wax ka yar uu qaato”ayuu yiri Cali Muuse Cabdi.

Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Hildebrand Bijleveld , editor in chief Press Now oo inta badan isku howla ururkiisa taakuleynta Saxaafadda Soomaaliya.
C/weli Ibraahim gar-yare oo ka tirsan madaxda Hayaan Media ayaa khudbad oo ka jeediyay shirka manta Suxufiyiinta Soomaalida qurbaha ku nool uga furmay dalka Holland ayaa soo jeediyay in haddii dadaal fara badan muujiyo loo heli karo tababaro kor loogu qaadi karo aqoontooda.
Gar-yare ayaa soo jeediyay in la abuuro karo Idaacad kulmisa wariyaasha ku nool Qaaradda Yurub si aan u lumin aqoontooda ama shaqadooda, wuxuuna sheegay in fulinta howshaas ay ku xiran tahay in si wada jir ah isaga kaashadan ururada suxufiyiinta iyo wariyaasha wada jir ayaa lagu heli karaa wax walba�


C/weli Ibraahim gar-yare oo ka tirsan madaxda Hayaan Media ayaa khudbad oo ka jeediyay shirka manta Suxufiyiinta Soomaalida qurbaha ku nool uga furmay dalka Holland ayaa soo jeediyay in haddii dadaal fara badan muujiyo loo heli karo tababaro kor loogu qaadi karo aqoontooda.
Gar-yare ayaa soo jeediyay in la abuuro karo Idaacad kulmisa wariyaasha ku nool Qaaradda Yurub si aan u lumin aqoontooda ama shaqadooda, wuxuuna sheegay in fulinta howshaas ay ku xiran tahay in si wada jir ah isaga kaashadan ururada suxufiyiinta iyo wariyaasha wada jir ayaa lagu heli karaa wax walba
Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)
Holland






