Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen guux ahaa in Shabaab ka le’atay saanadii rasaasta, kadib dagaalo aan kala go’laheyn oo 10-maalmood xiriir ah la gashay Dowladda KMG iyo AMISOM ayaa warar soo baxaya sheegayaan in saanad milateri maalmo ka hor uga soo degatay magaalada Kismaayo.
Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada Alshabaab oo si buuxda gacanta ugu heysa magaala xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ay uga soo degtay saanad milateri, taasoo siday diyaarad gaar ah.
Ilaha wareedka ayaa sheegaya in todobaadkii tagay bartamihiisa diyaarad ka degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo markii diyaarada timid aad looga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan gudaha iyo daafaha magaalada.
Hubkan ayaa ka koobanaa qoryaha noocyadooda kala duwan, rasaas iyo agabyo kale oo ah kuwa milateriga, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyada.
Waxaa la hakiyay ganacsatadii qaadka ee u soo kalihi jirtay garoonka, si diyaaradaha qaada keena ee Kenya ka soo duula, uga qaataan qaadkooda, laakiin muddo saacado ah ayaa lagu xanibay gudaha magaalada Kismaayo.
Shakiga ahaa in Shabaab rasaasta ka go’da ayaa ahaa hadal heyn maalmahan ka jirtay magaalada muqdisho, kadib markii ay yaraadeen dagaaladii ay soo qaadayeen, tan iyo markii si toos dagaal u iclaamiyeen.
Dowladda Eritrea ayaa looga shakisan yahay in Hubkan si qarsoodi ugu soo dirtay Kooxaha Islaamiyiinta, iyadoo horay dhowr jeer saanado milateri ugu yaboohday kooxahaas, inkastoo saanadan ay ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo saanadihii hore ka soo degi jireen Garoonka Balli-doogle






