Iyadoo ay sii socoto cambaareynta loo jeedinayo falkii argigixisada ahaa ee ka dhacay Hotelka Muno dhamaadkii bishii hore ayaa laga digay in maalmaha ciida ay shabaabka geysan karaan falal fulinimo ayna la beegsanĀ karaan goobaha lagu cibaadeysto.
Goobaha laga digay waxaan ka mid ah meelaha dadweynaha ku tukan doonaan salaada ciida sidaas darteeds dadweyne soomaali oo fara badan ayaa ku talinaya in aad loo ilaaliyo goobaha lagu tukan doona salaada ciida gaar ahaan goobaha ka baxsan meelaha shabaabka meeshiyaadkooda xooga ku haystaan.
Qaabka laga cabsanayo waxaa ka mid ah in waxyaabaha qarxa goobahaas dhigaan ama hoobiyaal ku soo tuuraan dadka tukanaya si dowladda KMG ah looga eedeeyo.






