Arrintan waxay sii adkeysay nolosha dadka soomaaliyed ee ku nool Uganda oo ganacsigooda ku dhisan socod fara badan ee laga dhax sameeyo dalka uganda iyo kuwa ay deriska yihiin, horeyba waxay dadka soomaaliyed ku jireen cariiri ay sababeen qaraxyo hore ee dalkaa ka geysteen dad aan heybtooda la aqoon balse ay markii dambe sheegteen kooxdan isku sheegta shabaab.
Baaqa Shangole lama garan karo inuu yahay run ama been balse waxaa loo fahami karaa mid ka mid ah hadaladii ka soo bixi jiray Shabaab oo qaarna ay fulin jireen kuwana aan soo dhaafi jiray carabka ay ku sheegeen.
Hadalada Shangole waxaa si weyn u cambaareeyay dadweynaha soomaaliyed ee isugu jira ganacsato dalka Uganda degan iyo kuwa mangalyada u jooga waxayna ku tilmaameen eriyo si fudud loo yiri oo naftooda halis gelinaya.
Dadkaas oo ka tirsan qeybaha kala duwan soomaaliyed ayna ku jiraan Dumar iyo caruur fara badan ayaa cambaareeyay hab dhaqanka shabaab iyo hadalada Shabgole ee ku aadan dagaalada.
Muqdisho






