Malayshaadka Alshabaab ee Maamusha Magaalada Baladweyne ayaa maanta Xukun Gacan goys ah waxaa ay kula fuliyeen Laba Wiil oo dhalinyaro fagaaraha Xaruunta Gobalka Hiiraan ee Baladweyn ka dib markii sida uu ka sheegay Xakiimkim Ka tirsan Al-Shabaab in ay xadeen lacag dhan 2200.000 (laba milyan iyo laba Boqol oo Kun)
Haaruun Cabdi oo 23 Jir ah iyo Liibaan Xirsi oo 22 Jir ahaa Min gacanta bidix looga jaray waxaana yimid dadka magaalada oo Isugu soo Ururiyay.
Xukunka adimo jarista ee maanta ay fuliyeen Malayshaadka Alshabaab ayaa waxaa uu Noqonayaa Ciqaabtii ugu weyneed marka laga soo gudbo garbaashid iyo Gubista Jawaano qaad ah iyo dawooyin dhacay oo maalmahii ugu dambeyay ay ka wadeen Magaalada Baladweyne.
Dhanka kale labadaan Wiil ayaa la sheegay inay qirteen dembigaasi, hase yeeshee ma jirin qareen u doodaayay labadaasi dhalinyarada ah, sidoo kale lama oga in Dembigaasi ay si buuxda u qirteen dhalintaasi, mana aha falkii ugu horeeyay oo ay Al-Shabaab ka fuliso deegaanada ay gacanta ku hayso






