Archive | September, 2010

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dibadaha ka timid oo Kenya marin ka dhigtay

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in tiro dhalinyaro Soomaali ah oo dibadaha ka yimid oo ku biiray Al-Shabab ay marin ahaan u isticmaaleen magaalada Nairobi.
War ay soo saareen Sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in toboneeyo dhalinyaro ah oo haaan ku biiray dhaq dhaqaaqa Al-Shabab oo ka kala yimid wadamada Mareykanka,Canada iyo Sweden ay marin ahaan u adeegsadeen magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Warku waxaa u intaa ku darayaa in dhalinyaradaan ay maalmi si ku meel gaar ah u joogeen xaafadda Soomaalidu degto ee Islii kadibna ay ka duuleen oo ay tageen magaalada Hargeysa kadibna Muqdisho uga sii gudbeen halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Mid ka mid wargeysyada Kenya ka soo baxa ayaa dhawaan qorey warbixin dheer oo sheegeysay in dhalinyaraadaan oo kan ugu da’da weyn 25 sano jir yahay yimaadeen Kenya kadibna Soomaaliya u gudbeen si uga qeyb qaataan dagaalada ay Al-Shabab dawlada kula jirto hase ahaatee waxaa uu wargeysku qorey in sirdooniu ku fashilmay inay wax ka ogaadaan arrinta dhalinyaradaas.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo la hadlay wargeyska The Daily Star ayaa waxay u sheegeen inaysan jirin cid ku qasabtay inay Soomaaliya soo aadaan oo iyagu doorteen inay ka qeyb qaatan dagaalada Soomaaliya ka socda.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli la sheego in Al-Shabab ay kagarab dagaalamaan dagaalyahano aan Somali aheyn iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dibadaha ka yimid.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo ka hadlay Weerar lagu qaaday masuuliyiinta Ururkaas qaarkood

Hoggaamiyaha -Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa ka hadlay weerar diyaarad nooca qumaatiga u kaca ahi ay ku qaadday Guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab, waxaanu sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Guriga la weeraray ku jiray wakhtigii ay duqayntu qabsatay Guriga.

26-kii bishan, abbaaro 12:30 duhurnimo, ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaano Helicopter ay weerar ku qaadday oo ay duqaysay Guri ku yaala magaalada Marka ay ku shirayeen hoggaanka iyo masuuliyiinta Al-Shabaab qaarkood.

Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska TIME, Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyskaas, ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku jiray Gurigaas ee shirku uga socday, isla markaana uu arkayay Diyaaradda Rasaasta ku furtay Gurigay ku shirayeen, taas oo uu midabkeeda ku sheegay inay u ekayd midabka Sibidhka ama Shameetada. Ina Godane wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in Diyaaraddu ka soo kacday dhinaca Badda markii ay Rasaasta ku ridday Guriga.

“Diyaaradduna waxay Hawada Marka ku jirtay muddo 20 daqiiqadood ah, markii dambena way tagtay,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Godane, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hadda waxaanu baadhaynaa Rasaastii ay ridday.”

Mar Axmed Cabdi Godane la waydiiyay waxa uu ku saabsanaa Shirka ka socday Guriga la duqeeyay, ayaa wuxuu sheegay in Shirkaas oo Guriga uu ka socday uu leeyahay mid ka mid ah dadka taageera Kooxdoodu uu ku saabsanaa xallinta khilaaf awoodeed soo dhex galay isaga Axmed Cabdi Godane ahaan iyo Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), ka dib markii ay isku khilaafeen awoodda maamul ee Kooxdaas.

Warka uu tebiyay Wargeyska TIME, wuxu uintaa ku daray in Ina Godane uu diiday in uu wax ka yidhaahdo khasaaraha ka dhashay duqayntaas iyo in ay cidi wax ku noqotay weerarkaas. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in ay maamulkoodu magaalada xidheen markii weerarku dhacay, isla markaana ay diideen in ay cidi ka baxdo, si loo xaqiijiyo in ay jirto cid tebisay warka shirka, Waxaanu sheegay in sidoo kale ay bakhtiiyeen ama damiyeen isgaadhsiinta Gacanta (Mobiles-ka).

Hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa kale oo uu ka hadlay ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Ilo kala duwan ayaanu dhaqaalaha ka helnaa, maal-qabeenno Muslimiin ah ayaana maal-geliya jihaadka, taageerayaal kala duwan ayaananu ku leenahay Caalamka.”

Waxaanu dhaleeceeyay dawladda Maraykanka oo uu sheegay in aanay awood u lahayn inay ka takhalusto Al-Shabaab. “Ilaahay ayuun baa naga adkaan kara, Maraykanku nagama adkaan karo, waa cadowga Ilaahay, ciqaabtiisa ayaanay la kulmi doonaan haddii aanay cafis waydiisan,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Godane.

Barkhad M. Kaariye

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dableeya shabaa ee Kismaayo oo dollar been ah fidinaya

Milishiyada shabaab ayaa keenay lacag been abuur ah suuqa sarifka magaalada Kismayo kadib marki kooxdan lacag la’an ku dhacaday bilihi ugu dambeeyay.

Axmed Yasiin oo ahaan jiray sarifle haatana u soo baxsaday Muqdisho ayaa sheegay in askarta shabaab mushaar loo siiyay lacag been abuur ah oo an la diidi karin marki ay la yimaadaan suuqa Kismayo tan iyo inti xilkan u qabtay sheekh Xassan Yaacquub, waa ninka sheegata wilaayada shabaab ee Kismaayo.

Lacagaha been abuurka ah oo dollar waxay kala yihiin 100, 50,20.
Ninka sheegta madaxa sarifka lagacha qalaad ee Kismayo Cabdi Madoobe ayaa qiray lacagahan been abuurka ah jiritaankooda, balse ka gaabsaday inuu sheego halka ay ka yimaadeen.

“Madaxda Islaamiga ee Kismaayo waxaan u sheegnay ineey baaraan lacagtan been abuurka ah walina waxaan ka sugeyna jawaab,” ayuu u sheeghay idaacada furqaan ee shabaab Cabdi Madoobe.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay laba qof oo xalay lagu dilay Hargeysa

Laba qof oo dhalinyaro ah, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ka dib markii ay haleeshay Rasaasi.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji), xalay fiidkii ayaa Wiil iyo Gabadh dhalinyaro ahi ay ku geeriyoodeen Xaafadda Cabbaaye ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay haleeshay Rasaas uu furay nin meel meherad ah haystay, kaas oo uu sheegay in uu Rasaas kor u riday, balse ay ku soo noqotay labada marxuum ee dhintay oo meheraddaas wax ka iibsanayay. Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in qofka dilka geystay oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Cabdi Wacays uu doonayay in uu rasaasta ku kala eryo dhalinyaro is-eryanaysa oo Dukaankiisa galay, balse ay Rasaastu geysatay khasaarahaas.

“Nin Dukaan haystay oo ay ciyaal is eryanayaa u soo galeen, ayaa xabbad sare u riday. Markaa Dukaanku meel barande sabbad ah ayuu lahaa, Sabbadaas ayaa soo celiyey xabaddii, waxaanay isaga tallowday oo ay ku wada dhacday laba qof oo dhalinyaro ah oo ka mid ah dadkii dukaanka wax ka iibsanayey, kuwaas oo geeriyooday,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu intaa ku daray inay baadhis ku wadaan arrintan, isla markaana ay gacanta ku hayaan ninkii dilka geystay. “Gacan ku dhiiglihiina gacanta ayaanu ku haynaa,” ayuu intaa raaciyay.

Barkhad M. Kaariye

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaafiic ku dhacday Suuqa Bakaaraha oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah

Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiya inay ku dhinteen madaafiic ku dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 15-qof oo kale.

“Madaafiic badan oo ka yimid xarumaha AMISOM ayaa kusoo dhacay suuqa Bakaaraha baqonimadii maanta, waxaan arkay dhimashada dad ku dhow 10-qof oo shacab ah, kuwaasoo ku dhintay laba madfac oo suuqa kusoo dhacay, dhaawacyaduna waxay ka badnaayeen 15-qof,” ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah ganacsatada suuqaas oo saxaafadda la hadlay.

Duqemahan, ayaa yimid waxyar kaddib markii ay iskahorimaadyo u dhexeeya ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo xoogagga kasoo horjeeda ay ka bilowdeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, gaar ahaan xaafadaha taleex, barmuuda iyo tarabuunka, halkaasoo ay isku horfadhiyeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Magaalada Muqdisho, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay iskahorimaadyo u dhexeeyay ciidammada dowladda KMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda, kuwaasoo khasaare ay kasoo gaareen dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shariif oo la kulmay Raiisul Wasaaraha Spain

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa la kulmay Raiisul Wasaaraha waddanka Spain, Jose Luis Rodriguez Zapatero.
Labada masuul ayaa kulankoodu waxa uu maanta ka dhacay Qasriga Moncloa ee ku yaalla magaalada Madrid, sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya dalka Spain waxayna isku afgarteen waxyaabo dhawr ah.

Dowladda Spain ayaa u ballanqaaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay siineyso kaalmo, iyadoo dhinaca kalena usoo jeedisay tallooyin.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa magaalada Madrid isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay uga qeybgaleen shirka kooxda xiriirka caalamiga ah, oo maanta lagu soo gabagabeeyay halkaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

International Contact Group on Somalia – FINAL Communiqué

The 18th meeting of the International Contact Group (ICG) on Somalia was convened in Madrid on 27 and 28 September 2010 under the chairmanship of Mr. Augustine P. Mahiga, the United Nations Special Representative of the Secretary-General (SRSG) for Somalia. President Sharif Sheikh Ahmed led the Somali delegation. The meeting was hosted by the government of Spain. Mr. Juan Pablo de Laiglesia, Spanish Secretary of State for Foreign Affairs presided over the opening ceremony. Mr. Miguel Angel Moratinos, Minister of Foreign Affairs and Cooperation presided over the closing ceremony.

The International Contact Group reaffirmed its commitment to the unity, sovereignty and territorial integrity of Somalia and condemned the terrorist attacks in Kampala in July 2010, the attack on Muna Hotel in August 2010, and the attack at the airport on AMISOM in September. The Group called on the UN Security Council and member states to unite in stopping Al Shabaab and its supporters.

The Group registered their collective satisfaction that the divisions within the Transitional Federal Institutions (TFIs) ended in a consensual manner. The Group strongly urged the Somali leadership to remain united, and concentrate their efforts to address the critical tasks ahead. The Group agreed that a concerted effort should be made to continue with the consultation on the draft constitution working towards its finalization. The Group further encouraged the TFIs to focus on governance, fight corruption and promote accountability and transparency and the delivery of basic services to the population.

President Sharif reaffirmed his commitment to work for peace and stability. He expressed his intent to appoint a new Prime Minister in the immediate future, and to complete key transitional tasks. He appealed for increased support from the international community to address security and institution building so that tangible results could be achieved. He added that the constitution consultation process is essential for the Somali people’s engagement in the future political dispensation.

The International Contact Group made the following recommendations:

1. The TFG should urgently develop a roadmap that outlines the management of the remaining transition period within sixty days. This roadmap should reflect a prioritized comprehensive strategy with political objectives and timelines, supported by security activities, as well as reconstruction and development priorities including a budget for the remaining period. UNPOS should coordinate the international support to the TFG strategy, including developing an action plan without delay. The Group agreed that UNPOS should revitalize the existing coordination mechanisms such as the High Level Committee (HLC) to lead the coordination and monitoring of the peace process. This roadmap will be funded through existing programmes, funds or through a designated trust fund for the implementation of the defined priority tasks.

2. As the transitional period moves to conclusion on 20 August 2011, the Group stressed that the Transitional Federal Institutions (TFIs) should intensify their efforts to complete the key transitional tasks, particularly the finalisation of the Constitution-making process. The Group further agreed that the TFIs should explore various options for the post-transition arrangements, in consultations with the Somali people and with the support of the international community.

3. While the Djibouti peace process remains the sole basis for the achievement of peace and national reconciliation in Somalia; the TFG should increase its outreach and reconciliation efforts towards groups, entities and individuals outside the Djibouti process who have expressed their willingness to join the peace process and renounce violence. Noting that Somali members of Parliament represent regions, communities and social groupings. The TFG should broaden the base of national reconciliation efforts by reaching out to Somali communities, including clans and religious leaders, women’s groups, the business community, the Diaspora and local and regional Administrations. In addition, the TFG and Ahlu Sunna wal Jamaa (ASWJ) should take concrete steps towards the full and effective implementation of the agreement. Other agreements such as the Galkayo Agreement between the TFG and Puntland, and the Kampala Framework on Piracy with Somaliland and Puntland should also be implemented.

4. Strengthen existing partnerships and coordination mechanisms within the security sector, such as the Joint Security Committee (JSC) and its technical working groups. This should be done in close collaboration and cooperation with the Somali security institutions and the international community. The Contact Group noted the decision by the African Union (AU) and the IGAD summits to increase the mandated strength from 8,000 to 20,000 troops to Somalia. The Group further noted the decisions adopted by the AU Summit of 10 July 2010 and urged the international community to increase its support to AMISOM including the reimbursement of the contingent owned equipment and the increase of troop allowances to the UN standards. The Contact Group further agreed to implement the following priorities: support the TFG to adopt the Security Sector Assessment and finalize the National Security and Stabilisation Plan, and link building the security sector institutions with the constitutional making process. The ICG welcomed the different initiatives to build a strong and efficient Somali force and encouraged the TFG to integrate the soldiers into an effective chain of command with the assistance of the international community. The Group emphasized that training courses provided by different countries and different entities should be coordinated in a cohesive manner. The Group also considered the need to undertake a mapping of the main sources of illegal economic activities, including charcoal and miraa trade with the assistance of the international community.

5. Noted the SRSG’s intent to consider the impact of Piracy and to address the root causes of this phenomenon on the overall strategy to find a solution for Somalia and vice versa, including the need to coordinate political, military, security sector reform and development assistance. The Contact Group welcomed the current regional efforts to address the problem as well as the work of international naval forces. The Group also thanked those countries who currently shoulder the burden of prosecution of suspected pirates and urged further support to them in all aspects to increase their capacity, and welcomed the UN Security Council’s intent to explore other avenues for prosecution. The issue of maritime security off the coast of Somalia was highlighted not just of piracy but trafficking, the movement of arms and human trafficking. The Group recognized the joint Somali efforts to address piracy through the Kampala Framework. The Group welcomed the Secretary-General’s appointment of Mr. Jack Lang as his Special Advisor on Legal issues related to Piracy off the coast of Somalia.

6. Immediate and sustainable institution building. This includes the coordination and consolidation of activities to ensure timely and predictable delivery of stipends to members of Parliament, core civil servants and security forces linked to progress and agreed common goals. Support for capacity building activities, including the provision of technical expertise is critical to the longer-term functionality of state institutions. The Group noted the importance of transparency and accountability from both the TFIs and donors to ensure continued support.

7. Increased support for humanitarian assistance, protection of civilians and development with a focus on basic services and economic opportunities including direct support to the TFG. The Group noted the marked decline in humanitarian operating space and funding and called for increased funding to address critical live-saving gaps. In addition, a call was made for multi-year funding commitments to address priory development needs. The Group also highlighted the importance of continued reporting and advocacy on human right violations in Somalia, and welcomed the upcoming Human Rights Council meeting that will also discuss Somalia.

The International Contact Group recognized the positive contribution of Mr. Ahmedou Ould-Abdallah the former SRSG for Somalia, and welcomed Mr. Augustine Mahiga as the new SRSG. They also thanked the government of Spain for hosting the meeting and welcomed the agreement it signed with the government of Somalia on budgetary support.

The next ICG meeting will be held in February 2011.

Present at Meeting: Algeria, Austria, Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Republic of Korea, Malaysia, Norway, Russian Federation, Somalia, South Africa, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Tanzania, Turkey, Uganda, UK, USA, Yemen, African Union, European Union, IGAD, League of Arab States, NATO, Organization of the Islamic Conference, the World Bank, and the United Natio

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xubnaha ajanabiga ee Shabaabka ka barbar dagaalamaya oo cabsi awgeeda dhulka cariiri ku noqday

Saraakiisha Al qaacida ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay in ay kala cararaan oo ay baadigoobayaan meel ay kagaga gabadaan Diyaaradaha Mareykanka ee dul wareegaya hawada dalka soomaaliya.

Maalin ka hor ayaa Diyaarad la aaminsan yahay in laga leeyahay Mareykanka waxay rasaas ku furtay guri magaalada Marka ku yaala halkaas oo sida ay wararka sheegayan kulan uga socday Saraakiil Shabaab iyo xubno Al qaacida ka jooga geeska Afrika.

Ilo wareedyo ku sugan Gobolada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo jubbooyinka ayaa laga soo xigtay in ay kala dhuumaasho galeen xubnihii ajanabiga ahaa ee lagu arki jiray magaalooyinka Goboladaas.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Saldhiga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti iyo Maraakiib dagaal oo Mareykanka leeyahay ayaa ku sugan xeebaha soomaaliya kuwaas oo isha ku haaya dhaqdhaqaaqa Shabaab iyo Al qaacida ee ka socda Magaalada muqdisho iyo gobolada koonfurta soomaaliya.

Mareykanka ayaa mar sii horeysay duqeyn ku dilay adan Xaashi Ceyrow oo khatar ku ahaa geeska Afrika iyo Saalax Nabhaan oo u dhashay kenya lana rumeysan yahay inuu ahaa hoggaamiyaha Al qaacida ee geeska Afrika kuna eedeysanaa qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ku lahaa kenya iyo Tanzania.

Al shabaab ayaa ah koox ku xiran Al qaacida,waxayna ka masúul yihiin dilal,qaraxyo iyo dagaalo ka dhacay soomaaliya, waxayna gabaaad siiyeen dagaalyahano al qaacida ah oo ka kala yimid dalalka caalamka.

 

 

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qalab idaacadeed ee laga xaday Muqdishoo oo lagu gadayo ceelbuur

Dad an la garaneeyn magacooda balse u labisan sida shaqaalaha Axmed Cabdi Godane, madaxa dableeyda shabaab, ayaa iibinaya qalab idaacadeed oo an la sheegin meesha ay ka keenaan balse dadweeynaha ceelbuur ay ku tilmaameen in laga keenay Muqdisho.

Dalaalinta qalabkan ayaa u sheegay dadka in alaabtan laga keenay dhinaaca Ethiopia oo la qabtay alaabtab iyadoo loo soo wado Somaliya.
Dad xogogaal ah ayaa balse sheegay in qalabkan laga soo xaday idaacadi Hornafrik ee Muqdisho marki garbka bililiqada ee shabaab halka tuugo ay ka fuliyeen.

Miliishiyada shabaab waxa ay soo dhacaan dhamaantood waxaa ay ku sheegaan qaniimo.
Waana urur ku dhisan been iyo dhac joogto ah ee loo geeysto maatada iyo cidi ay ka gacan sareeyaan. Inta badan waxay dhacaan kaalmo baniaadaminimo oo loo wado dadka taableeysan ee Somaliyeed.

Shabaab waxaa kalo dhacaan hantida sida gaarka u lee yihiin dadka u shaqeeya ururada samafalka iyagoo xataa qaata dharkooda. Dadka Somaliyeed ee hanti leh waxay ku dhacaan magaca Islaamka iyagoo sheegaya jihaad socda.
Qofki hanti siin waayay waxaa ay ka saaraan diinta Islaamka waanay dilaan iyagoo ku sheegaya Murtad.
Taariikhda Somaliya marki marki la raaco Shabaab waa kuwa ugu tuugo badan ee la mida ama ka xun tuugada iskugu yeerta Miliishiyo Beeleedyo, subxaanalaah.

Maxamed Idris
Gureyceel

.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Odayaasha beesha Absame oo beeniyay in lacag ay siiyeen Shabaab

Sheekh Abdullahi Xaji Ismaaciil oo ku hadlayay magaca culimada, aqoonyahanada iyo bulshada guud ee beesha Absame ayaa si buxda u beeniyay in lacag kumaankum doolar ay u fidiyeen dagaalyahanada shabaab, sida lagu qoray beeb gudbiyaha bogga radioga shabaab ee la baxay al furqaan.
“Ma jirto lacag an siinay oo beesha Absame u hibeeysay shabaab, naftooda ayeey hafrayaan si ay dadkaleh wax uga helaan, ma jirto lacag an siinay koox nbad diid ah,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya agagaarka Dhoobley.

“Maxaan lacag siina shabaab dagaal ayaaba naga dhaxeeya, dhul ayeey naga heeystaan, dad ayeey naga dileen, hanti ayeey naga boobeen, gumeeysi ayeey ku hayaan dadka iyagoo ka been sheegaya diinta Islaamka,” ayuu sheekhu si carro leh ugu daray.

Warbaahinta kooxda shareeca diidka ah shabaan ayaa sheegay in beesha Absame lacag ugu deeqeen.

Sheekha fikradiisa waxaa ku raacay dadweeynaha Absame oo arrinkan uga hadalay siyaaba kala duwan.

shabaab lacagaha waxay ka helaan al qaacida, afduubyada, burcad badeedka iyo cabshuur qasab ah oo laga qaado dad baahan.

Fardosa Ibrahim
Dhoobley, Kenya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Milishiyada Godane oo sheegtay weerara

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen 15-xubnood oo ka mid ah guddiga qoraalka dastuurka Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan qoraallo ku saabsan loo qaybiyay xildhibaannada baalamaanka.

Ma jirto wax u ka badlay weerarka ay sheegteen dableeyda shabab kulanki baarlamaanka,

Mudanayaasha kulanka kasoo qaybgalay oo tiradoodu gaaraysay ku dhawaad 300-mudane ayaa waxay ka doodeen xubnahaan, waxaana shirka guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay doodahooda kusoo bandhigeen doodo kala duwan, iyadoo qaarkood ay codsadeen in la ansixiyo, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen inay horyimaadaan baarlamaanka si aqoontooda loo ogaado.
“Waxaa la doonayaa in xubnahan ay horyimaadaan baarlamaanka ayna soo gudbiyaan qoraallada waxqabadkooda, haddii ay u qalmaan inay ka mid noqdaan xubnihii hore ee 15-ka xubnood oo la ansixiyay 2006, waa la ansixinayaa, haddii kalena aqoonyahanno kale ayaa la raadinayaan,” ayay tiri Xildhibaan Caasho Axmed.

Inta badan mudanayaasha ayaa soo-jeediyay in xubnahan ay horyimaadaan baarlamaanka, inkastoo aysan xubnaha laga doodayo sharci ahaanshahooda ay maanta joogin xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Intii uu kulanku socda ayaa waxaa ku dhacay hareeraha xarunta baarlamaanka madaafiic dhowr ah, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geyatay, waxaana kulanka ugu dambeyn soo xiray guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka maanta guddoominayay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shir looga hadlaya arrimaha soomaaliya oo ka furmaya Madrid ee dalka Spain

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada New York ee dalka Marykanka ayagoo ku sii jeeda Magaalada Madrid ee xarunta dalka Spain.

Magaalada Madrid ee Caasimadda dalka Spain waxaa hadda ku sugan oo Wafdiga Madaxweynaha kaga horeeya Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya kulanka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka dhacay dalka Spain kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo in taageero la siiyo dowladda KMG iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya waddamada Awoodda leh, Qaar ka tirsan hogaamiyayaasha Qaaadda Afrika, Ururro caalami ah iyo wakiilo ka socda dowlado Caalamka ah.

Ergayga gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa shir gudoominaya kulankaasi oo arrimaha ugu badan ee looga hadlayo ay ka mid tahay argagixisada dagaalka ka wadda Soomaaliya

Shirkan ayaa waxaa uu daba socdaa shir bishii May ee sanadkan ka dhacay dalka Turkiga laakiin lama oga waxaa ka soo bixi doona shirkan marka laga reebo bayaan ah in la taageero kaliya soomaaliya balse uusan lahayn wax tar.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Afhayeenka garbka shabaab ee beelaha Hawiye oo cambaareeyay Mareeynkanka

Maxamed Axmed Guleed ee garabka dhaqanka hawiye ee shabab ayaa cambaareeyn u soo jeediay mareeynka kadib marki ay mucaawimo sheegatay dowladaasdi ineey u fidineeyso Somaliland iyo Puntland.
Gulled oo ku can ahaa khubado u ka jeediyo radio shabele iyo Hornafrik isagoo gudbonaya dhambaalo qabiil ayaa sheegay in Somaliland Puntaland aanay istaahilin wax kaalmo ah.
Afhayeenka dhaqanka ee shabaab ayaa ka hadlay idaacada beenta badan ee alfurqaan oo ku dhuumaaleeysta Muqdisho.
Waxaa waxaa wakiilka shabaabku sheegay in ay fashilaad tahay in Somaliland iyo puntland la caawiyo.
Ugu dambeeynta waxa Guleed ceey iyo cambaareeyn u geeystay Madaxweeynaha Dowlada Ku meel Gaarka ee Sopmalia Mudane Sharif Sheekh Axmed oo u ku tilmaamay qof an wadani aheeyn.
Guleed waxaba ka sheegin dhaqan xumada kooxda shabab iyo xisul Islam la baxay.
Afhayeenkan oo lagu tiriyo in dhinaca dhimirka xanuun ka heeysto ayaa cabaareeyay shirka qaramada middobay golihiisa loo dhan yahay ee ka socday New York.
Waxaa kaleh oo horay u cabaareeyn dusha uga tuuray dastuurka qabyada ah ee la rabo in laga hirgaliyo dalka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalki Ramadan waxa ku dhintay 183 iyo dhaawac 307 ee digil mirifle ah

Dagaalki bisha Ramadaan waxaa ku dhintay 321 qof guud ahaan oo ay yihiin 183 digi iyo mirifle, sida waxa sheegay nin ka baxsaday shabab oo la yira Issaq Abdullahih oo ksa tirsana mashruuci faanoole ee dowladi hore.

“Dhalinteena ayaa ku dhimatay oo u badan dhimasho iyo dhaawac kuwa lagu lugooyay jihad ku sheegi bisha Ramadaan,” ayuu yiri Isaaq.

“Odayaasha dhaqanku waxay ceebeeyeen Mukhtar Robow oo ah ninka dhalinta kaxeeystay ee goobaha ugu xun geeyay dagaaladi Muqdisho, ayuu yiri sidoo kaleh.

Waxaa inta u raaciyay isagoo kula hadlaya xaafada lamaber afar ee Muqdisho “digil iyo mirifle kaligood  janno ma rabaan ee haddey jano jirto fursad looma siiyeen kaligood dadka daga Baay iyo Bakool.

Baydhabo ayaa laga xaqiijiyay cabashada malaaqyada iyo in dhalin badan ay ku tirtirmeen dagaaladi Muqdishoo ee ku yimid jihad laga been sheegay.

Tirada dhimashada kaleh waxa wadaagay Beelaha Absame, Mareexaan, dir iyo tiro yar oo ku tirsan beelaha hawiye.

Dagaalyahanada isaaqa iyo ku Hawiye inta badan waxaa loo diraa maamulada lacagta iyo saadka

 dhaawacana ay yihiin

Posted in DhacdooyinComments (0)

Unknown Helicopters Attack Islamist Controlled Somali Town

Unidentified helicopter gunships on Sunday launched an attack on a target in a southern Somali town controlled by Islamist insurgent group of Al Shabaab, residents said.

The gunships fired at a house in the coastal town of Marka, 90 km south of the Somali capital Mogadishu and Islamist fighters responded by firing at the aircraft. No casualties were reported.

“The helicopters shot at a house in the town but it flew away after Islamic forces shot back at it. We do not know if the shells caused any casualties,” Ali Jama, a resident in Marka, told Xinhua.

The town has been a stronghold and an important base for the Islamist group of Al Shabaab which has controlled much of southern and central Somalia for the past three years.

The Islamist group has in the past lost two important leaders, Saleh Ali Nabhan and Aden Hashi Ayro, following similar attacks in a southern town of Barawe and another in the central Somali city of Dusa Mareb.

Both attacks were claimed by the U.S. government which accused Al Shabaab of being an affiliate of Al Qaeda in the horn of Africa and of involvement in the deadly 1998 bombing of U.S. embassies in Kenya and Tanzania.

The Islamist group claimed responsibility for a deadly attack in July in the Ugandan capital Kampala which left more than 70 dead and injured dozens of others.

Troops from Uganda are part of the 6,000-strong African Union (AU) peacekeeping Mission in Somalia known as AMISOM which also comprise contingent from Burundi.

Reports from the southern town of Barawe, 200 km south of the Somali capital, also indicated that unidentified helicopters were hovering over the city while Islamist fighters were firing anti- aircraft guns at them.

Unidentified supposedly surveillance aircrafts, either manned or unmanned, are often reported to fly over Islamist controlled coastal areas in the south of the war ravaged east African nation

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somalia chief says Al-Qaeda seeks growing African base

UNITED NATIONS (AFP)— The head of Somalia’s weakened transitional government on Saturday accused Islamist insurgents of seeking to turn the war-stricken country into a base for Al-Qaeda to bring terror to the whole of the Horn of Africa.

Sharif Sheikh Ahmed, whose western-backed administration only retains a shaky control of Mogadishu with African Union peacekeepers, appealed for greater international support including more troops to fight Islamists.

“They are killing Somali citizens, cutting their throats, cutting off their limbs and they have carried out horrible crimes against humanity such as cutting off the heads of their victims and throwing them away,” he told the assembly.

“This movement does not believe in Somalia as a country and does not believe in the creation of a government in Somalia but wants to turn the whole of the Horn of Africa into a terrorist hub for their Al-Qaeda handlers to wreak havoc in the region and beyond.”

UN officials say growing numbers of foreign fighters are entering Somalia to join Shebab, and in many cases are leading insurgent attacks against African Union troops.

But the international community has been increasingly critical of Sharif’s efforts to establish a stable government.

The transitional government has a mandate until August 2011, but international officials say authorities are failing to effectively bring opposition groups into government and even to organize basic services.

Sharif said his government needed more global resources, more support for the African Union military mission (AMISOM) and more international security forces.

The United Nations held a special meeting on Somalia on Thursday and a statement called on the transitional government to overcome divisions and speedily make arrangements for an administration to take its place.

“Somalia is a weak link” in the fight against international terrorism, the president of the transitional federal government told the UN General Assembly.

Sharif told world leaders that Al-Qaeda was working with the Shebab militants who now control much of central and southern Somalia, which has been at conflict for more than two decades.

The president said the activities of Shebab “turns the stomach of anyone with a conscience.”

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif: Al Shabaab waa koox mujrimiin ah oo dadka laaya

Madaxweynaha dowlada KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmay ururka Al Shabaab koox dinbiilayaal ah oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka galay danbi

Shariifka oo isaga oo ku sugan dalka Mareykanka wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin cid ay ka qarsoontahay dhibaatada ay Shabaabku ku hayaan umada Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga xoreeyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladiisu ay mas,uuliyad ka saarantahay sidii ay u difaaci laheyd dadka iyo dalka Soomaaliyeed waajibkaasina ay wali ku dadaaleyso isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab tan iyo marki la doortay.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay hadalki Ahlu Sunna shalay kasoo yeeray ee ahaa in uu burburay heshiisi Addis Ababa ee u dhaxeyay Dowlada iyo Ahlu Sunna.

“Dowlada iyo Ahlu Suna heshiis baa ka dhaxeeyey wax badan weey ka qabsoomeen inta kalana diyaar ayaan u nahay in aan dhameystirno, waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo qodob muhiim ah oo ah in dhamaanteen aan nahay Ahlu Sunna” ayuu yiri Shariifka.

Ugu danbeyntii waxa uu ka warbixiyey waxyaabihi uu kala soo kulmay kulanki Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee uu ka qeyb galay.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif in kulankaasi si faah faahsan uu madaxdii ka soo qeyb gashay ugu sharaxay maraxlada uu marayo wadanka Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

As Zenawi speaks, editors are grilled in Ethiopia

By Mohamed Keita/CPJ Africa Advocacy Coordinator

On Wednesday, just a few hours before Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi delivered the keynote address at the World Leaders’ Forum at New York’s Columbia University, two journalists back in Addis Ababa endured nearly seven hours of police interrogation. Ethiopian federal police summoned the editors of Sendek, a weekly Amharic-language newspaper, ostensibly to investigate whether the paper has a publishing license. “We already have a license. I don’t know why they summoned us,” Editor-in-Chief Firew Abebe, one of the two, told me today. Local journalists believe Sendek and three other private newspapers are drawing police attention because they published interviews with an opposition leader named Leggese Biratu. In the interviews, Biratu, who recently resigned from a leadership post in the opposition Coalition for Unity and Democracy, accused party chairman Ayele Chamiso of aligning with Zenawi’s ruling party. Wednesday’s interrogation is no aberration, CPJ research shows, and it highlights the severe restrictions facing Ethiopian journalists whenever they tackle sensitive political issues. In his speech here in New York, Zenawi asserted that Africans enjoy more freedom than ever in choosing their destiny. “The fact that Africans now have a choice is … fundamentally liberating,” he said. Following the speech, in a Q&A session moderated by Mamadou Diouf, director of Columbia’s Institute of African Studies, I asked Zenawi to reconcile the gap between his words and his administration’s record of press and Internet repression. “Should we really take you at your word when your country is known to restrict the press and the websites that Ethiopians might read?” After a 10-second pause, Zenawi declared: “I think choice is important and fundamental to every human being’s free impression of himself.” Speaking of his days as a guerrilla freedom fighter, he added “I believe I have contributed my fair share to fighting the systems in Ethiopia that were unmistakably oppressive.” He then suggested critics in the Ethiopian press were disgruntled supporters of the former Derg regime. “We had to step on some toes.” When someone else asked about the government’s jamming of the Amharic-language service of Voice of America, he said Ethiopia was following the spirit of a 1940s U.S. law prohibiting VOA from broadcasting domestically. The prime minister faced tough questioning on other issues–including his party’s incredible 99-percent sweep of May parliamentary elections and the imprisonment of opposition leader Birtukan Mideksa. Zenawi said he appreciated the concerns of the questioners but declared they had had “inadequate chance to consider” the reality in his country. Across Broadway, two rival groups of Ethiopian expatriates, a bus load each, offered cheers and jeers for Zenawi–evidence, perhaps, of the differences seen in the reality back home.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Uganda detains top al shabaab commander

Uganda detains top al-shabaab commander

 By Steven Candia
and agencies

The New Vision Newspaper

THE second-in-command of the East Africa al-Qaeda terrorist cell, Omar Awadh Omar, is among the twin bomb suspects charged and remanded to Luzira Prisons, according to new intelligence information.

Awadh was charged in court last week alongside a Muslim human rights activist, Al Amin Kimathi, for the murder of 79 people in the July 11 twin bomb blasts in Kampala.

It emerged yesterday that Awadh, a Kenyan citizen, is high in the hierarchy of the terror cell and is second to the region’s al-Qaeda boss Harun Fazul, according to The Nairobi Star, a Kenyan newspaper.

Details filtering in indicate that Awadh coordinated the horrid July attacks at the Ethiopian Village Restaurant in Kabalagala and at the Kyadondo Rugby Club in Lugogo, which also left more than 50 people injured.

Both Awadh and Al Amin were charged in court after being arrested in a city hotel on September 15. They were arrested alongside Mbugua Mureithi, a Kenyan defence lawyer, who was later released and flown back to Kenya.

Kenyan intelligence and police sources point at Awadh, also known as Abu Sahal, as the top logistician of the East African al-Qaeda cell and the al-Shabaab terrorists in Somalia.

After the twin attacks in Kampala, the two were reportedly planning a similar attack in Kenya, sources said.

Sources intimated that the planning of the Kampala attack dates back to 2008. This followed the killing by the US of Saleh Nabhan, the then number two to Fazul. The network then started the mission, dispatching several key players to Somalia for training and indoctrination.

Regional intelligence sources say Awadh, a second-hand car dealer, recruits youth from Kenya and neighbouring countries into the terror cells, which have spread their activities to Uganda and Tanzania.

The details lend credence to remarks by Police chief Maj. Gen. Kale Kayihura in August that the cell was operating bases in the country and recruiting from countries in the region.

Sources added that Awadh facilitates the travel and training of the recruits in Somalia, usually coordinated by a cell in Nairobi.

According to the network structure, Omar Badrudin (head of al-Qaeda intelligence) and Bilal el Berjawi report directly to Fazul. Below Omar is Hussein Hassan Agade, Jabir, Mohammed Ali and Hahim Mohammed Suleiman, alias Abu Zeinab (the head of the Nairobi cell).

About 34 suspects, including Hassan Agade, have been charged with the killings. The arrest of Awadh and Agade means that Uganda now has two top commanders of the terror cells of al-Shabaab and al-Qaeda.

How the Kampala twin bombing was planned

July 6, 2010: JABIR travels to Uganda for the final arrangements, which include the final assembling of bombs in vests and bags. He also teaches a Somali boy how to fix detonators and to test to confirm if they are operational.

Jabir advises Issa Luyima to find someone who will execute the mission in the third target, since they are short of a third suicide bomber. It is than that Issa brings Hassan Luyima on board. Issa tells Edris Nsubuga and Hassan Luyima that the mission will be executed on July 11 during the second half of the World Cup finals as the places would be most crowded.

JULY 8, 2010: Jabir leaves Uganda using Gateway bus. It is suspected that during this time, Jabir gave Issa an unknown amount of money for the upkeep of the suicide bombers, purchase of the two extra handsets and to vacate the safe house.

JULY 9, 2010:
Hassan Luyima, Issa Luyima and Edris Nsubuga visit the three targets to assess the level of security alertness.

JULY 10, 2010:
Issa Luyima takes Hassan Luyima to a safe house and introduces him to the suicide bombers as the brothers who will execute the mission. Issa gives Hassan money to purchase two extra handsets, transport, food for the shaheeds and for clearing the safe house.

Issa, Hassan and suicide bombers pray together before Issa leaves for town where he meets with Edris. Issa informs Edris that he has left instructions with Hassan.

He informs Edris that Kakasule (a suicide bomber said to be a Kenyan) spoke some English and would be working with him. He gives Edris a copy of the key to safe house and stating that he was leaving because he needed an alibi for what was about to take place.

In the evening, Hassan takes Edris to the safe house for introduction to the suicide bombers. Hassan informs Edris that he has changed the initial plan of escorting the bombers. He tells Edris that he would go with the Somali, while Hassan will accompany Kakasule.

July 11, 2010:
Issa arrives in Nairobi and holds a meeting with Jabir who was with Mohammed. He briefs Jabir that the bombers are fine and that everything is on course. Jabir tells him that Mugisha was still in custody and it was his duty to ensure his release. Issa leaves for Mombasa at about 1300 hours and puts up at his mother in law’s house in Tononoka.

1100 hours:
In Uganda, Edris meets with Hassan at Kenjoy restaurant and purchases food for the bombers.

1800 hours:
Edris and the suicide bombers hold prayers and later the Somali suicide bomber starts testing the trigger mechanisms of the bombs to be detonated by Hassan and Edris.

2115 hours:
Hassan and Kakasule, using a boda boda, head to Ice link discotheque and Ethiopian Village restaurant respectively. Shortly afterwards, Edris and the Somali suicide bomber proceed to Lugogo Rugby Club

2200 hours: At the Rugby Club, Edris heads to the bar where he leaves the bag with the bomb on top of a metallic cable roller used as a table. Edris then leaves the bar, while the Somali boy sits in the midst of the crowd pretending to watch the ongoing game.

2200 hours: Hassan drops Kakasule off at Ethiopian village and restaurant. Kakasule walked to the restaurant where he sat down to watch the game.

2215 hours:
Kakasule detonates the suicide vest killing about 11 people.

2230 hours:
Hassan places the bag with the bomb next to a flower pot at Ice Link discotheque. He tries placing a call but the bomb fails to detonate. Hassan takes a boda boda to his home and disposed off the two handsets in his pit latrine.

2315 hours:
The Somali boy detonates himself killing about 58 people at the Rugby club.

2317 hours:
Edris places a call to the detonating device igniting the second explosion. After the explosion Edris boards a boda boda and heads for his house where he dismantled the phone that was used as a trigger and throws it in a pit latrine.

0020 hours:
Issa sends a message text to Edris asking if the team he was routing for had won. Edris confirmed the same, an indication that everything went on as earlier planned.

July 12, 2010: Mission successful. Planning for twin bombings in Kenya begins. Omar Awadh Omar, alias Abu Sahal briefed by Jabir who then is allowed to escape to Somalia. Kenyan suspects of the cells are refused to escape to Somalia as only the Somali suspect Jabir is allowed by al Qaeda to go back.

Posted in DhacdooyinComments (1)

Mareykanka oo sheegtay inay taageerayso maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland

Maamulka Obama ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin maamul-goboleedyada Puntland iyo Somaliland, si ay uga hortagaan baahidda firkirka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya

Sarkaalka dhinaca Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Johnnie Carson, oo warbaahinta kula hadlay Jimcihii New York, ayaa sheegay in dowladdiisa ay kordhinayso taageerada ay siiso maamul-goboleedyadan uu ka jiro ammaanka, si ay uga hortagaan in fikradaha xajirnimada ah ee Xarrakatul Shabaab.

“Waxaan sidoo kale taageeraynaa ururrada ka jira bartamaha iyo Koonfuta Soomaaliya ee aan xiriirka la lahay Xarrakatul Shabaab iyo dowladda KMG,” ayuu Carson ku yiri shirkiisa Jaraa’id.

Gobollada Somaliland iyo Puntlnad ee Mareykanka uu sheegay inuu taageerayo ayaa waxaa ka jira nabad, iyadoo qaybaha kale ee dalka ay rabshado ka socdeen tan iyo 1991-kii, markaasoo la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan ognahay in labadan gobol ay yihiin deegaanno xasilloon oo ay ka jiraan xiriir siyaasadeed iyo isku-tiirsanaan bulsho, waxaana rumeysannahay inay dhici karto inay ku baahi karaan dagaallada ka socda koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri Carson.

Mr. Carson, wuxuu sheegay in dowladdiisu ay kala shaqeynayso gobolladaas, arrimo ay ka mid yihiin: beeraha, biyaha, caafimaadka iyo barnaamijyada waxbarashada. Isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiinta safaaraddooda Nairobi ay hoggaan u noqon doonaan hirgelinta qorshayaashan, ayna booqan doonaan gobolladaas.

“Ma aqoonsanayno labadaas gobol, balse waxaan la shaqeynaynaa,” ayuu Carson u sheegay wariyeyaashii uu shirka jaraa’id u qabtay, isagoo raaciyay: “Ujeeddadu waa si aan gacan uga geysanno horumarka dadka ku nool gobolladaas.”

Somaliland, ayaa waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 1992-kii, welina ma heiln wax aqoonsi ah, halka Puntland ay ku dhawaaqday maamul gaar ah sannadkii 1998-kii, welina waa qayb ka mid tahay Soomaaliya.

Mas’uulkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mr Carson, wuxuu sidoo kale daboolka ka qaaday inay taageeri doonaan maamulada ka jira Soomaaliya ee ay sameysteen beelaha.

“Waxaan raadinaynaa, fursado aan kula shaqeyno kooxahaas, iyo haddii aan heli karno jidad lagu taageeri karo, gaar ahaan horumarinta howlahooda,” ayuu mar kale yiri Johnnie Carson.

Dowladda Mareykanka, ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadayso taageerada DKMG ah iyo AMISOM, ayna xoojinayso dhaqaalaha ay ku bixiso falalka burcad-badeednimo ee ka jira xeebaha Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Shir gaar ah oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya oo uu guddoominayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayna ka qaybgaleen wakiilo ka socda gobolka iyo bulshada caalamka, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa warbixin siiyay ku aadan xaaladda siyaasadda iyo amniga ee dalka, iyadoo sidoo kalena guddoomiyaha midowga Africa Jean Ping uu faahfaahin kabixiyay howlgalada ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

Hadalada kulul ee shir madaxeedka kooba ee arrimaha Soomaalida looga hadlayay ee magaalada New York, ayaa waxyaabaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in warbixinno lagu kalsoonaan karo, oo sheegaya xatooyada hantida dadwaynaha ay caqabad ku noqotay howlaha dowladda ku meelgaarka ah.

Musuqmaasuqu wuxuu dowladda Soomaaliya ka luminayaa hanti muhiim u ah, shacabka Soomaaliyeedna waa la khiyaamayaa, deeq bixiyayaashana waxaa uu musuqmaasuqu ka hor istaagayaa in ay ku dhiiradaan in ay ku yaboohaan lacag kale.

Posted in DhacdooyinComments (0)

UN security warned that Al-shabab is keeping approximate 7 suicide pilots

Credible informant have warned that Al-shabab are attempting to hold or hijack an aircraft in the Kismaayo regent, MSF operate an aircraft at one of the two airstrips there.
 
DSS warned that Shabab have approximate (7) pilots that may attempt to take an aircraft from K50 airstrip; this is where WFP UNHAS aircraft use to refuel after a drop off in MOG. UNHAS stop all operations in K50 airstrip which run by shabab. 
 
Some other UN agencies  also stopped all operations  in central / South Somalia due to the insecurity and the lack of information and the inability to secure airstrips that would comply with UNDSS

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sharaakiisa shabaab oo xoolahoodii eheladooda ku qoray

Xubno sare oo ka tirsan militiyada shabab ayaa hantidoodi ku wareejiyay qaraabadooda an ka tirsaneeyn shabaab kadib marki la ogaaday in dagaaladi ugu dambeeyasy ay kala kulmeen khasaare isla markaana ay timid rajada ah inuu ururuku ku dhowyahay inuu burburo.Dadka arrinkan sameeyay waxa ka mid ah Muktar Robow Cali iyo Cali Maxamuud Raage.

Cali Maxamuud waxa u wareejiyay guri dhawaan sadaqo loogu dhisay ee dhismihiisa gacan ka siiyeen qaraabo u baryootan u diray.

Robow ayaa laba gaari iyo guri wareejiyay.

Xubnaha an guri ku laheeyn koonfurta somaliya ee kooxdan wax ma garata ah ayaa iyaku an waxba wareejinin.

Shabaabka ayaa sidoo kale kordhiyay boobka ay ku hayaan laamaha u gargaara dadka baahan ee samafalka ka wada koonfurta somaliya.

Baahi iyo cudur ayaa aad u baabiyay shabaab marka laga reebo dagaalada micno darada ah ee ay wadaan

Dhamaad

Lacag shan kun dollar ee laaluush oo shababka Kismaayo dalbadeen

Horjoogayaasha wareersan ee shabab ayaa ka codsaday hayadha samafalka ee ka howl gala Kismaayo ee Jubada Hoose ineey bixiyaan 5,000 Dollar ee ay ku magacaabeen is diiwan galin.

Waxaa kaleh oo hayadaha shaqaalahooda ku amreen in aanay ka bixin guryahooda, sidoo kalena ay sheegaan meesha ay ka howla galyaan.

Shabaabku waxa ay diidan yihiin in xabaalahooda iyo dhaawacooda la arko. Sidoo kaleh in la ogaado ay ka baqayaan howlo argagixisanimo oo ay gacanta ku hayaan.

Waxaa kaleh oo la codsay 1,000 dollar oo ku magacaaban taakulleyn.

Dhamaad

Hosbitaalka Afmadoow oo lagaxaday daawo

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Afmadow ayaa sheegay in ay shjabaab ay billaabeen tuugo ay xadayaan daawooyin ama ay ku boobayaan kadib dagaalka ay ku khasaareen ee Ramadaanti an soo dhaafnay.

Daawooyinka ay xadayaan waxa u badan yihiin antibiotica iyo dhiig joojin.

waxaa kaleh ay boobeen daawooyin u gaar ah cudurka qaaxada madaama kooxda xanuunkaasi aad ugu badan yahay.

Sidoo kaleh, kooxdu waxay daawooyin ka dhaceen xarun hooyoyinka iyo dhalaanku leeyihiin ee Afmadow ku taala.

“Shuban joojinta caruurta kama tagin shabaabka oo tuugada rasmi ka dhigtay,” sida waxa oday magac ku leh degaanka oo lafihiisa u baqay.

“waa cawaan magaca diinta ku adeeganaya ee aqoon laawayaal ah,” ayuu ku daray.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo laga cabsi qabo ineey diyaaradaha u adeegsadaan argagixisonimo

Sida u askartiisa u sheegay ninka ku dhuunta magaca Abuubakar Seylici ee la dhihi Ibrahim Xaji Jamac Meecaad isagoo ku la hadlaya magaalada Baydhabo shabaab waxay adeegsan doonaan in diyaaradaha ku soo dega K50 ama goobo kaleh u asdeegsadaan ficil argagaxisanimo oo qaraxyo ay kaga geeystaan Muqdisho iyo meelo kaleh.
Waxaa Seylici intaa u ku daray in halkaa u ka soo bixi doono war lagui farxo oo “cadoowgu ka naxio.”
Ibraahim waxaa kaleh oo u sheegay in dagaaladi tooska ahaa ay la yimaadeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
“Dagaalka ramadaanta Amiirka shabaab ayaa amray ee anigu waxaan rabay horta in ugaarsi la wado oo la dilo muradiinta magaca ku leh bulshada,” ayuu Ibrahim sheegay.
Intaa waxa u raaciya in dadka ku nool Bay iyo Bakool ay dhimashada u bateen.
“Dadka daga Bay iyo Bakool ayaa jannadi u badsaday oo gaaray maqaamka ugu sareeya, waxay muujiyeen Islaam jaceeyl iyo in kitaabka kor loo qaado sida ay jecelyihiin,” ayuu Ibrahim sheegay isagoo lugooynaya reer Baay iyo Bakool.
Diyaaradaha adeegsigooda kuma dheeraan balse waxa u sheegay in la raadsan doona waxaa u ugu yeeray “qalbiga Murtadiinta.”
Shabaabka waxay aad u rabaan ineey sida la aaminsan yahay in dagaalkooda ku wajahan yahay garoonka diyaarda Muqdsho iyo Madaxtooyada oo dagaal ay ku gaari waayeen.”
Khatarta diyaaradaha ee shabaab waa arrin sidoo kaleh looga cabsi qabo dalaka dariskas, waxaana loo baahan in la mamnuuco in diyaarado ku dagaan dhulka ay shabaab joogaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo xabsiga dhigay Haween soomaaliyed

Maleeshiyada Al Shabaab ee maamula  degmada Kismaayo ayaa maanta xabsiga dhigay Afar haween ah oo ku eedeysnaa in ay si qarsoodi ah Jaadka ugu iibinayeen xaafadahooda, iyadoo uu maamulku hore uga mamnuucay haweenka in ay iibiyaan Jaadka.
Taliyaha maleeshiyaadka shabaab ee Kismaayo Sheekh Xasan Cade oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in afartan haween ay kasoo qabteen gudaha magaalada kismaayo xilli ay si qarsoodi ah guryahooda ugu dhex iibinayeen Jaadka, waxaana uu sheegay in ay xabsiga dhigeen kadibna la marsiin doono waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan howgallo ceynkan oo kale ah oo ay ku baadi goobayaan haweenka Jaadka ku dhex iibiya gudaha magaalada Kismaayo, waxaana uu ugu baaqay haweenka sida qarsoodiga ah uga ganacsada Jaadka in ay joojiyaan, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab.
Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin haweenkaas la eedeeyay laakiin eedeynta shabaab ayaa loo maleynayaa in ay tahay been aan sal lahayn.

Maleeshiyada Al Shabaab ee maamula  degmada Kismaayo ayaa maanta xabsiga dhigay Afar haween ah oo ku eedeysnaa in ay si qarsoodi ah Jaadka ugu iibinayeen xaafadahooda, iyadoo uu maamulku hore uga mamnuucay haweenka in ay iibiyaan Jaadka.
Taliyaha maleeshiyaadka shabaab ee Kismaayo Sheekh Xasan Cade oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in afartan haween ay kasoo qabteen gudaha magaalada kismaayo xilli ay si qarsoodi ah guryahooda ugu dhex iibinayeen Jaadka, waxaana uu sheegay in ay xabsiga dhigeen kadibna la marsiin doono waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan howgallo ceynkan oo kale ah oo ay ku baadi goobayaan haweenka Jaadka ku dhex iibiya gudaha magaalada Kismaayo, waxaana uu ugu baaqay haweenka sida qarsoodiga ah uga ganacsada Jaadka in ay joojiyaan, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab.
Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin haweenkaas la eedeeyay laakiin eedeynta shabaab ayaa loo maleynayaa in ay tahay been aan sal lahayn.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalo culus oo saakay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Dagaalo culus oo ay bar bar socdeen madaafiic ayaa saakay ka dhacay degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhaxeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo isku saf ah iyo Xoogaga Al Shabaab.

Dagaalada saakay ayaa xoogooda ka dhacay isgoyska Dabka iyo xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee Magaalada Muqdisho waxaana ay ka danbeeyeen marki Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Dabka.

Inkastoo aanan la ogeyn qasaaraha kasoo kala gaaray dhinacyada dagaalamay ayaa hadana waxaa jira qasaaro soo gaaray dad rayid ah kadib marki madaafiic lagu hasqeeyey Suuqa Bakaaraha saakay inti u dhaxeysay 6:00 ilaa 7:00 subaxnimo.

Duqeymahaasi oo saba socday dagaalada ayaa sababay in uusan waqtigii caadiga ahaa furmin Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ganacsiga Muqdisho iyo dalka Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyada 5 ruux.

Waxaanan si sax ah loo ogeyn wali qasaaraha dhimashada ee ka dhalatay duqeynti saakay loo geystay Baakraha, sababo la xiriira dagaalada iyo duqeymaha oo goordhaw soo gaartay, waxaase laga yaabaa in ay faah faahin kasoo baxdo

Inta badan dagaalada ka dhaca Muqdisho ayaa qasaaraha ugu culusi waxa ay kasoo gaaraan dadka rayidka ah, kuwaasi oo iyagu aanan lug ku laheyn qaska iyo qalaanqalka ka taagan dalka

Posted in DhacdooyinComments (0)

AU force regains upper hand in Mogadishu

Foreign observer says only Ugandan AU troops fight Shebab militants as Somali government forces flee.

Briefly disorganised by the debacle of government troops, the African Union force in Mogadishu has regained the upper hand after containing an Islamist offensive, but remains under pressure.

At one point, according to one foreign observer, only the Ugandan AU troops stood their ground to fight off the Al Qaeda-inspired Shebab fighters, as government forces fled.

On August 23, the Shebab insurgent group announced the launch of a fresh operation to “to eliminate the invading Christians and their apostate government.”

For around 10 days, waves of Shebab fighters attacked African Union (AMISOM) and government positions to cries of “Allahu akbar” (God is greatest).

Most of the fighting was concentrated in the seaside capital’s northeastern neighbourhoods

The insurgents, who include several seasoned foreign jihadis, advanced on the presidential palace and parliament.

At one point, they threatened Maka al-Mukarama, a strategic thoroughfare linking the harbour to the airport and AMISOM’s main lifeline.

“For 48 hours, there was a very alarming period of swaying,” said a foreign Mogadishu-based official. “It was a complete fiasco for the TFG (transitional federal government)”.

Soldiers, militiamen and to a lesser degree allied forces from the moderate Sufi outfit — all deployed along different segments of the frontline — “abandoned most of their positions,” the official said.

Under Shebab pressure, some vacated their positions without a fight, while others retreated frantically when they ran out of ammunition.

“At one point, only the Ugandans (the main contingent in AMISOM) were fighting,” the foreign observer said.

“Fighting has escalated since August 24. This was characterised by TFG forces withdrawing from their positions,” admitted Colonel Mickael Ondoga, who commands the Ugandan force.

“When they ran, they exposed us and made our positions more vulnerable, we had to move to take tactical advantage,” he added.

Ondoga explained that AMISOM deployed tanks and other armoured vehicles — the kind of equipment the Shebab don’t have — and punched back.

“The TFG withdrew from a dozen positions… Most of these positions have been reoccupied (by AMISOM) and now the government forces have started coming back to these positions,” he said.

After a week-long lull in the fighting, it emerged clearly that the Shebab had failed to reach their military objectives of capturing the presidential compound and cutting the crucial Maka al-Mukarama supply line.

Shebab have nevertheless moved closer, and are now just a couple of blocks from the avenue, presenting a serious threat to this crucial supply line that cuts right through the middle of the city centre, and forcing AMISOM to set up two new positions there.

“This offensive was a failure,” AMISOM spokesman Ba-Hoku Barigye claimed.

“The Shebab have suffered heavy casualities, hospitals around Mogadishu, Kismayo and Baidoa are full of injured,” he added.

“The enemy was not able to chase us from a single of our positions and on the contrary, we have advanced in the city,” he said.

Another Mogadishu-based expert, who asked to remain anonymous, argued that the insurgent’s thwarted offensive could prompt some Shebab leaders to advocate a new strategy: they favour spectacular operations against high-value targets rather than territorial warfare.

“It was a bloodbath… The meagre results they derived from this offensive is causing some tension within the Shebab military leadership,” the analyst said.

The TFG forces’ disorderly retreat last month however confirmed that President Sharif Sheikh Ahmed’s government was on its last legs, unlikely to breed a force able to take over security duties from AMISOM.

“We are riding a dead horse,” was the uncompromising assessment made by one AMISOM’s political officials.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Askar ka tirsan ciidammada Puntland oo ku geeriyooday qaraxa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Labo askari ayaa ku geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka masjidka Rashiid ee magaalada Bosaaso.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay hareeraha wado ay si joogto ah u isticmaali jireen ciidamada amniga ee degmada,waxaana uu ku qarxay askarta,xilli ay wadada marayeen.

“Waxaan maqalnay hal mar  dhawaqa qarax aad u xoog badan oo saameeyay xaafada,mana garanayno waxa laga damacsanaa” ayey tiri Safiyo Maxamuud oo ka mid ah dadka degan xaafada uu qaraxu  ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa markii danbe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaa ay ka samayeen baaritaano kala duwan oo la sheegay in dhowr qof lagu qab qabtay.

Taliyaha saldhiga Bosaso oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaraxan sababta uu ku dhacay,waxaana dadkii ku dhaawacmay la soo gaarsiiyay cisbitalka Bosaso si loo daweeyo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somalia’s prime minister resigns amid tensions with president; says move is to prevent turmoil

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s prime minister resigned Tuesday to prevent what he called political turmoil amid an impasse with the country’s president.

Omar Abdirashid Ali Sharmarke told reporters he was resigning while standing alongside President Sheik Sharif Sheik Ahmed, who thanked the prime minister for what he called a “courageous decision.”

“After seeing that the political turmoil between me and the president has caused security vulnerability, I have decided to resign to save the nation and give a chance to others,” the prime minister said.

The resignation comes amid a rift between Sharmarke and Ahmed over a new draft constitution. The two have not gotten along for months, and a vote of confidence on the prime minister had been scheduled over the weekend, though it was postponed.

Ahmed called Sharmarke’s decision “historic” because the impasse was settled among Somalis instead of seeking outside intervention. Sharmarke, who holds a Canadian passport, became prime minister in February 2009 after the government signed a deal with opposition groups led by Ahmed.

The prime minister appeared far from downcast as he announced his resignation. Sharmarke smiled and waved to reporters as he left the news conference, which was well-attended by members of parliament and Cabinet members. The current Cabinet will lose their posts with Sharmarke’s resignation; the next prime minister will name a new Cabinet.

“Both men looked very happy. I was not expecting them to look so. There must be a hidden agenda they have agreed to,” said Mowlid Maane, a parliamentarian, commenting on rumors swirling through Mogadishu that Sharmarke was paid to go away quietly.

The resignation won’t have much practical effect on Somalia’s weak government, which controls only a few blocks of Mogadishu. Somalia has not had an effective government for 19 years.

Ahmed said he will build a new government soon

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid oo iscasilay Daawo sawirada

Waxaa maanta xilkiisii iska casilay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama’arke, isagoo kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya wuxuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu iscasilay” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow  oo ah Wasiirka Warfaafinta

Intii aysan iscasilaaddu ku dhawaaqin Cumar C/rashiid ayaa waxaa kulan muddo saacad ah qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sharma’arke, oo si kooban uga hadlay sababta uu isku casilay ayaa ku sheegay inay tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xoogeystay iyo dalka oo ku sugan xaalad khatar ah.

“Waxaan ku ammaankayaa ra’iisul wasaarihii hore go’aanka geesinimda leh ee uu qaatay, waxaana sidoo kale u mahadcelinayaa cid walba oo gacan ka geysatay” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda la hadlay iscasilaadda ra’iisul wasaarihii hore kaddib.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacabi doono ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad awood u leh inay dalka ka saarto dhibaatada uu ku jiro.

“Caalamka waa la is-qabtaan waana la is-xalliyaan, tanna waxay ka mid tahay xalka laga gaaray khilaafkii soo taagnaa, waana ka mahadcelinayaa,” ayuu Sheekh Shariif intaas raaciyay, iyadoo mudanayaal iyo wasiirro ku sugnaa goobta ay iyaguna soo dhaweeyeen iscasiladda Sharma’arke.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayaa waxaa u dhexeeyay bilihii ugu dambeeyay khilaaf siyaasadeed sababay inay hadallo isku mariyaan warbaahinta, waxaana khilaafkaas uu saameeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlahaa sidii uu labadan ma’suul isugu keeni lahaa, iyadoo hadalkii ugu dambeeyay ee uu jeediyo Sharma’arke uu ku sheegay in dowladdu ay weerari doonto gobollada koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Iscasilaadda ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo xalay ruux ka tisran Xisbul Islaam oo isi-soo-miidaamiyay uu weerar ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyn ay toogteen ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee ilaaliya Madaxtooyada.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daahir Aweys oo maanta sheegay inay si rasmi ah ula wareeegeen Idaacadda iyo Telefishinka GBC

  Isniin, September 20, 2010 (HOL) − Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uu ururkiisu ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ahaa kuwa madaxabannaan ee ka howlgala Muqdisho.

“Maanta wixii ka dambeeya idaacadda iyo telefishinka GBC, waxay ku hadli doonaan afka ururka Xisbul Islaam, waxaana uga mahadcelinaynaa maamulkii hore wareejinta ay nagu wareejiyeen,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo xiligaas uu garab-taagnaa milkiilihii GBC Yuusuf Axmed Geelle.

Ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay xarunta idaacaddan oo ku taalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta duhurkii lagu dhawaaqay inay Xisbul Islaam la wareegeen.

“Waxaan ku wareejinnay idaacadda iyo telefishinka maamulka ururka Xisbul Islaam, iyadoo aanay jirin wax khasab ah, waxaana ugu baaqaynaa maamulka inay ugu shaqeeyaan shacabka si wanaagsan,” ayuu yiri Geelle oo shirka jaraa’id ka hadlay.

Idaacaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Xisbul Islaam ay la wareegaan, iyadoo mas’uuliyiintooda ay sheegeen inay isbadal ku sameyn doonaan qaabka ay ku shaqeyso, ayna badali doonaan erayada ay adeegsato.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Nin Hubeysan oo lagu toogtay Albaabka hore ee Madaxtooyada

Nin hubeysan ayaa fiidnimadii caawa lagu toogtay albaabka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii ay ka shakiyeen ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada C/rashiid Khaliif ayaa sheegay in ninkaasi oo ku hubeysnaa Qori gacmeed iyo bamboo ay ka shakiyeen ciidamada Ammaanka, kaddibna uu rasas ku furay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom eek u sugan Albaabka Madaxtooyada, ayagoo ku toogtay isla goobtaasi.

C/rashiid ayaa sheegay in aysan jirin cid kale oo ku waxyeeloowday halkaasi, ayadoo ciidamadu ay la wareegeen Bambadii uu watay iyo waliba qorigii.

Agaasimaha oo aan weydiinay in ninkaani uu watay waxyaabo kale oo qarxa ama ismiidaamiyay, ayaa sheegay in uu watay kaliya Bam gacmeed iyo Qori AK47, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay baarayaan cidda uu ahaa ninkaasi.

Cawa abaaro 8 dii fiidnimo ayaa rasaas laga maqlay albaabka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dutch arrest alleged UK terror suspect at airport

AMSTERDAM — Dutch police on Sunday arrested a British man of Somali ancestry at Amsterdam’s Schiphol airport for possible links to a terrorist group, a spokesman for the Dutch prosecutors said.

The man was arrested after flying in from Liverpool, England, and before he flew out to Uganda, prosecutors’ spokesman Evert Boerstra said, without specifying what terror group was involved. His name and age have not been released.

“He was arrested on the tip-off from British authorities,” Boerstra told The Associated Press.

Dutch state broadcaster NOS reported that the suspect is allegedly linked to Somalia’s most dangerous militant group, al-Shabab, which has claimed responsibility for suicide bombing attacks at U.N. facilities and other targets, including July attacks in Uganda’s capital during the World Cup final that killed 76 people.

Al-Shabab said those blasts were in retaliation for civilian deaths caused by African Union troops in the Somali capital, Mogadishu, and the group has called for Uganda to withdraw its peacekeeping forces from Somalia.

Militant veterans of the Iraq and Afghanistan conflicts help train al-Shabab fighters, one of the reasons the sophistication of its attacks has risen in recent months. The al-Qaida-linked group in the past has recruited Somali-Americans to carry out suicide bombings in Mogadishu.

Dutch prosecutors could not immediately confirm the NOS report.

London’s Scotland Yard said it would make no comment, while authorities at Liverpool’s John Lennon Airport did not immediately respond. A spokeswoman for Liverpool’s police force said she had no information on the arrest, while Britain’s Foreign Office said it was looking into the matter.

Schiphol is one of Europe’s largest airports, and a major transit point for flights to the Middle East and Africa.

Amsterdam’s airport has significantly beefed up its security measures since last December, after it was a departure point for a Nigerian student, Umar Farouk Abdulmutallab, who allegedly tried to blow up a plane above the United States on Christmas Day by setting off explosives hidden in his underwear.

He was tackled by passengers and crew, and is now charged in U.S. federal court in Detroit with attempting to blow up Northwest Airlines Flight 253 with 278 passengers and 11 crew members aboard. Abdulmutallab is representing himself, but a judge has appointed a standby lawyer to assist him.

After the Abdulmutallab lapse, Schiphol ordered 60 new full body scanners to screen passengers flying to the United States.

Last month, two Yemeni men were arrested at the Amsterdam airport after flying in from Chicago, on suspicion they may have been conducting a dry run for an airline terror attack. The two were held for several days then released without charge after an investigation turned up no evidence to link them to a terror plot.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Nin la tuhunsanyahay in aya dhalashadiisa tahay wadanka Soomalaiya oo lagu xiray Holand.

Police ka wadanka Nederland, ayaa manta waxaa ay gacanta ku dhigeen  nin dhalashadiisa aya tahay wadankan Britain lana tuhun sanyahay in uu asal ahaan ka soo jeedo wadanka Soomaaliya ,waxaana nin kaasi laga qabtaay garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee Magaaladda  Amsterd

caasimada wadanka Holand.

Ninkaan, ayaa waxaa uu ka soo duulay Magaaladda Liverpol Egland ,waxaana lala xariirinayaa in uu ka tirsanyahay koox aan lamagacaabin oo argigixisa ah ,waxaan uu ku socday wadanka Uganda.

Policeka ayaa ,warkaan waxa aay ka heleen ,mas’uuliynta britishaka ee magaalada Liverpol ,waxaan nin kaani hada ay weydiinayaan Policeka su,aalo la xiriira safarkiisa.

Garoonka diyaaradaha ee Schiphol ayaa waxaa uu yahay garoonkii lagu qabatay hada kahor , Umar Farouk Abdulmutallab,kaas oo lagu eedeeyey in uu qarxinrabay diyaarada Detroit ee mareykanka .iyadoo ayana arkin kaasi sababatay in la adkeeyo amanaka garoomada caalamka.

Halkan ka daawo iyadoo muuqaal ah iyo qoraal Duch ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

UGAARSIGA SHABAAB EE WARBAAHINTA :Nabar aad fileysay naxdin ma lahan “

Istiraatiijiyadda Shabaab ee ku wajahan burburinta warbaahinta xorta ah ee soomaaliya ka hana qaaday 1991 dii markii ay burburtay Xukuumaddii Militariga ahayd ee dalka maamulaysay 21 sano waa mid muddo soo jiitamaysay, ayadoo loo marayo waddo kasta oo lagu gaari karo oo ay ku jirto in la khaarijiyo shaqsiyaadka loo arko in ay caqabad ku noqon karaan Ajandaha degsan ee Shabaab ee ku abuurista dalka soomaaliya kooxaha Argigixisada Caalamiga ah iyo kordhinta falal dambiyeedyo laga galayo shacabka soomaaliyed.

4 tii sano ugu dambeysay  ayaa maleeshiyada Al Shabaab waxat weeraro aan lala dhuuman ku qaadeen Suxufiyiin, shaqsiyaad madax ka ah Warbaahinta dalka iyo hay’ado Warfaafineed.

August 11 2007 waxay ahayd maalin Magaalada Muqdisho lagu dilay Labo ruux oo mid ahaa Wariye si aad ah looga dhageysan jiray Barnaamijyadiisa Magaalada muqdisho midna ahaa Agaasimihii Idaacadda Hornafrik, Waa Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma-arke wixii maalintaas ka dambeeyay maleeshiyada Shabaab waxay bartimaameedkooda koowaad ka dhigteen Suxufiyiinta kale ee ka howlgali jirta Magaalada iyo Gobolada dalka.

Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay  raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan. 

Wariyaashaas dalka ka soo cararay qaarkood waxay weli ku sugan yihiin dalalka Bariga Afrika halka qaar kalena u soo gudbeen Qaaradda Yurub kuwa kalena gaareen Mareykanka iyo qaaradaha kale adduunka.

Dhamaan Wariyaashaas waxay ka soo carareen qorshaha shabaab ee ah ugaarsiga Wariyaasha, iyadoo ujeedada shabaabna ay tahay in cagta hoosteeda la geliyo afhayeenka Bulshada oo ah Saxaafadda madax banana, micnuhu wuxuu yahay HA SHEEGIN, HA GUDBIN FICILADA AAN SAMEYNAYNO.

Barakicinta Shabaab dadka bulshada dhaxalgalka u ah waxay sii laba laabeen sanadkii tagay kadib markii gudaha dalka soomaaliya lagu dilay ku dhawaad 10 wariye, iyadoo sanadkan wariyaasha la dilay uu ka mid yahay Sheekh Nuur Abkey.

Shabaabka iyo Xusbul Islaam, bishoo Apriil ee sanadkan ayaa si wada jir ah u bilaabeen qorshe cusub oo laga soo manguuriyay dalka Afganistan markii ay maamulayeen Daalibaanka oo ahaa inaan laga sii deyn Karin Idaacadaha heesha kala duwaa, qorshahaas waxaa markii hore ku dhawaaqay ninka Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir Macalin Xaashi oo digniintaas gaarsiiyay Idaacadaha dalka oo dhan.

Qorshahaas Shabaabka soo dejintiisa qeyb weyn ayay ku lahaayeen, sida la ogsoon yahayna inta badan Idaacadaha dalka waxay qaateen soo jeedintaas waayo waxay ka baqayeen in la dilo ama la dhaco hantidooda ama qalabka Warbaahineed.

Shabaabka markii ay badiyeen dilka wariyaasha hadana Idaacadihii weli shaqeynayaan waxay bilaabeen in ay joojiyaan dhageysigada Idaacadaha BBC da iyo VOAda qeybta soomaaliga,arrintaas waxba kama bedelin qorshihii Shabaabka ee ahaa in dhageha dadka laga joojiyo ficilada foosha xun ee shabaabka geysanayaan, ileyn markii hore waxay is lahaayeen haddii Wariyaha la dilo Idaacadaha hawada ayay ka b ixi doonaan arrintaas waa lagu guuldareystay, markaas ayay soo dejiyeen in ay la wareegan Idacadaha dalka.

Shabaabka oo horey ula soo wareegay Idaacado ka dhisnaa Gobolada dalka sida Idaacaddii jubba ee Magaalada Baydhabo, waxay haddana bilaabeen in ay la wareegan Idaacadaha ka dhisan Caasimadda dalka WAXAYNA QAATEEN QALABKII IDAACADDA SOOMAALIWEYN, HORNAFRIK, GBC, IQK.

Micno badan u baahna in la fahamo ujeedada qarsoon ee shabaabka ay la leeyihiin burburinta warfaafinta madax banana ee soomaaliya.

Dalka soomaaliya waxaa ku sugan ajanabi fara badan oo ka barbar dagaalamaya shabaabka, ajanabigaas waxay bixiyaan amarada dagaalada, dilalka loo geysto shaqsiyaadka bulshada muhiimka u ah, is qarxinta iyo waxyaabo kale oo Al qaacida caan ku tahay.

Tusaale kale

Ma jiraa qofka adduunkan ku nool oo ogol in dambiga uu galayo la faafiyo ama la soo bandhigo, waa maya, Shabaabkana sidaas oo kale marna ma ogola in dambiyada ay ka geysanayaan dalka soomaaliya caalamka loo soo bandhigo.

UGAARSIGA SHABAAB EE WARBAAHINTA :Nabar aad fileysay naxdin ma lahan “oo waa wax aan wada sugaynay waxaan aaminsanaa in maalin maalmaha ka mid ah Shabaabka ay xiri doonaan dhamaan Idaacadaha dalka ka jira.

Ugu dambeyntii maalin ayaa lala xisaabtimi doonaa xubnaha Shabaabka madaxda u ah iyo kuwa gacanta ku siiya ficilada xun ileyn cadaalada ma dhimato.

Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)
Email
nuradiin007@hotmail.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciyaaryahan Somali ah oo u ciyaara kooxda Wigan

Waxaa ciyaar aad u xiiso badan ku dhaxmartey garoonka weyn ee Manchester City Academy labada kooxood ee kala ah Wigan FC iyo Manchester City FC (under 18).

Ciyaartaasi waxaa ka soo dhex muuqday wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh kubadda cagta ciyaaraha heerka koowaad ee dalka Ingiriiska , ciyaaryahan Abuubakar Ahmed Sheegow.

Ciyaarahankaan oo ka tirsan kooxda mustaqbalka Wigan ayaa waxaa aabihiis ah ciyaaryahan dalka Soomaaliya si wanaagsan looga yaqaan barisamaadkii iyo kooxdii Horseed (Cawo &Maalin), kasoo magaciisa la yiraahdo Axmed Sheegoow Bishaar.

Ciyaarta waxay ku bilaabatay jawi deggan, xoogaa roob ahna wuu da’yey. weerar iyo weerar celis ayaa kooxda wigan jaanta isla qaadeen daqiiqaddii 35aad ayaa Kubad aad u qurux badan ayaa waxaa soo qaatay inanka Soomaaliyeed ciyaaryahan Abuubakar sheegow una ciyaara kooxda Wigan, wuxuu la soo dhaafay labo ciyaaryahan ka dib si sahlan ayuu saaxiibkiisa lambarka sagaalaad u gudbiyey baaska,kaasoo si sahal ah ugu hubsaday shabaqa goalka kooxda Man City, ciyaarta qaybteedii dambe waxay ku soo gabagaboowday 1 iyo 0 oo ay ku badisay kooxda Wigan.

Ciyaartaan waxaa goob joog ka ahaa aabaha ciyaaryahanka Mudane Sheegoow iyo Garsoore C/qaadir Caddaay iyo saaxiibo kale oo taageerayay ciyaaryahan Abuubakar, Abubakar waa 16 sano jir ka soo mid ahaan jirey kooxda dhalinyarada Man City, balse u wareegay markii dambe kooxda Wigan FC.

Macalinka Kooxda dhalinyarada Man City oo la kulmay markii ciyaarta soo dhamaatey Mudane Sheegoow iyo Mudane Caddaay oo labaduba si weyn looga yaqaan kooxda Manchester City ayaa u sheegay inuu aad uga qoomamaynayaan inay si sahal ah ciyaaryahan Abubakar ugu sahlaan kooxda Wigan inuu ka mid noqdo ciyaarayahanadooda mustaqbalka loogu diyaarinaayo kooxda Heerka Koowaad sanadaha soo socdo hadii Allah idmo.

Waxaa xusid mudan inaan idin sheego in ciyaaryahan Abubakar Shego uu ka mid noqday bishii hore ardeydii natiijooyinka ugu wanaagsan ka keenay imtixanaadka iskoolada magaalada Manchester isaga iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu soo daabacay jaraaidka ugu weyn ee ka soo baxa magaalada Manchester, taasoo ah in iyana lagu farxo dadaalka da’yarta Soomaaliyeed, kuwaasoo aan ka fileyno inay noqdaan kuwii dalkeena Soomaaliya u baxsan doonaan mustaqbalka dhaw insha Allah

Wiilasha Soomalida ee degan dalalka Yurubta ayaa ayaamahaan profisional ahaan ku soo badanaya garoomada iyo kooxaha waaweyn.

W/D: Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
MANCHESTER

Posted in DhacdooyinComments (0)

Two radio stations in Mogadishu taken over by Islamist rebels

Two independent radio stations in Mogadishu were on Sunday taken off air and their equipment were also confiscated by Islamist rebels, station staff said.

The stations, HornAfrik Radio and Global Broadcasting Corporation (GBC) were separately raided by heavily armed fighters from the two Islamist groups of Al Shabaab and Hezbul Islam respectively. “We were ordered to switch off the radio and the management was told that the station would be under the control of Hezbul Islam,” Ahmed Abdi Hassan, a reporter with GBC told Xinhua.

Fighters from Al Shabaab group have also stormed the station building of HornAfrik radio in the insurgent stronghold of Mogadishu and forcibly taken away the FM equipment and computers in the station studio.

It was not immediately clear why the Islamist groups have raided stations in the section of the Somali capital where they control.

Neither group nor station owners has officially commented on the surprise takeover of the two independent radio stations.

One of the stations, HornAfrik, has been off the air for few days before the news of its takeover emerged on Sunday. Some reports suggest that differences between the station management have led to its closure after one side sought the intervention of Islamist fighters from Al Shabaab.

The stations have been neutral in their coverage of the conflict between the Somali government and Islamist groups as well as the African Union peacekeeping troops backing the Somali government forces.

The Al Shabaab Islamist movement which controls much of south and centre of Somalia has previously confiscated the equipment of two Mogadishu radio stations while another, Holy Quran Radio or IQK, which has been independent, has now been turned into a mouthpiece of the radical group after they took it over.

All radio stations in the insurgent held provinces in south- central Somalia have either been closed down or taken over and turned into a pro-Islamist media while no independent media is allowed to operate freely in the Islamist controlled areas.

Islamist groups have banned local radio stations from airing music or calling the groups other than their full official names.

Several journalists have been killed or wounded for the past two years in Somalia which has not had an effective government for almost a decade, and is considered one of the worst places for journalists to operate.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo la wareegay Xaruntii Idaacada Horn Afrika iyo Qalabkii Idaacada oo ay rarteen

Wararka naga soo gaaraya Magaalada muqdisho ayaa sheegaya in  xalay saqdii dhexe gudaha u galeen Idaacada Horn Afrik oo ku taal gudaha Suuqa Bakaaraha maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab  iyagoo daad gureystay dhamaan wixii agab ahaa ee yiilay Idaacada, kadib markii ay Idaacadu hawada ka maqneyd labadii maalmood ee u dambeysay.

Sida ay sheegayaan wararka dablayda  gudaha u galay Xaruntaas ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyay ay ku hareereysnaayeen, isla markaana dhaq dhaqaaqa Idaacada kor kala socday.

Idaacada Horn Afrik ayaa hawada uga maqneyd is qab qabsi la sheegay inuu u dhaxeeyay Maamulka Idaacada, taasoo keentay in hawada laga saaro, hase ahaatee waxaa arrinta ka shakiyay Shabaab oo markii ay ka war heleen in Idaacada hawada ka maqan tahay u qaatay in la rarayo agabka Idaacada.

Mid ka mid ah howl wadeenada Idaacada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in Shabaab xalay ay si xoog ah ku soo galeen Xarunta Idaacada oo ah daarta Tellenet ee Suuqa Bakaaraha, iyagoo dibad u saaray shaqaalaha Idaacada.

Sidoo kale maleeshiyada  ayaa galay Qolka Keydka, iyagoo cajaladaha Muusiga ay jijibiyeen, deetana qalabkii war laliska ahaana ay qaateen, taasoo aan la ogeyn ilaa iyo hada halka ay geeyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qalabkii War laliska la geeyay Degmada Dayniile oo Shabaab xarun ku leeyihiin, hase ahaatee si dhab ah looma cadeyn karo warkaas, waxaana wali xarunta Idaacada iyo daafaheeda ku sugan maleeshiyaad hubeysan  Shabaab ka tirsan

Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somalia crisis a collective shame, says Wetangula

Foreign Affairs Minister Moses Wetangula has expressed concern over the situation in Somalia saying it has remained a source of collective shame to the International Community. He said the conflict in Somalia is a source of great insecurity and instability in East Africa and the Horn of Africa in general.

“The security situation is dire as armed groups operate at will and have overrun the whole country,” said Wetangula.

He said for the last 20 years, there has been no functioning government in Somalia despite several initiatives to stabilise the country.

Wetangula made the remarks on Friday when he spoke at the United Nations Security Council in New York during the debate on the situation in Somalia.

“The most significant initiative was spearheaded by IGAD, with support from the AU, in which negotiations were conducted in Kenya leading to the signing of the Transitional Federal Government charter in 2004. The Charter provides for transitional federal institutions including the government and the transitional federal parliament,” said Wetangula

Wetangula said the sunset phase of the transitional federal charter comes to an end in August 2011, and yet little of what was envisaged in the charter has so far been achieved.

“Instead, what is apparent is heightened fighting, lack of an effective central government and increase in incidences of terrorism, criminality and acts of piracy,” said Wetangula.

He added extremism has taken root in Somalia in recent years saying Al-Shabaab has virtually overrun the government and without the support of African forces, the TFG could have been overthrown a long time ago.

Wetangula said the insecurity in Somalia is now overflowing to neighbouring countries adding the recent terrorist attacks in Kampala in which many lives were lost is a stark example of the threat posed by the extremist elements.

“Intelligence sources have shown that Al-Shabaab, which was behind the terrorist attack, used collaborators from within the region. Among those who have been apprehended for the heinous attack are young Somali men and others of Somali descent living in neighbouring countries, including Kenya,” said Wetangula.

Wetangula said it was evident that Al-Shabab and other terrorist groups are intent on spreading their extremist ideology to neighbouring countries.

“This is a major concern for Kenya and her neighbours as Al-Shabaab has threatened attacks on Nairobi, Bujumbura and Addis Ababa,” said Wetangula.

He said in the face of sustained insurgency against the TFG there was need for urgent support and assistance to build the capacity of the government security forces.

“There should be urgent and robust response by International Community led by the UN Security Council to arrest the escalating danger facing Somalia and the sub-region,” said Wetangula.

He said the Security Council should deploy more troops the region adding a number of 20,000 to 22,000 troops deployed across Somalia would be ideal.

“The raising of troops is not the major obstacle in Somalia. Countries in the region have been training Somalia Security forces that can support the stabilization efforts in Somalia,” said Wetangula.

He said lack of fulfillment of the UN member countries’ commitments, coupled with an uncoordinated approach to Somalia are the major obstacles to tackling the situation in Somalia.

“In the worst case scenario, if the TFG were to collapse, the Al-Shabaab has vowed to pursue an agenda that revolves around causing chaos in the region. This explains the apprehension in the region about the spread of extremism and intolerance in the Horn of Africa and why Somalia must not be allowed to fail,” said Wetangula.

He said IGAD had recommended targeted sanctions and a blockade of the port of Kismayu and airports in the hands of insurgents and the AU endorsed the recommendations.

Wetangula added the UN has made some effort in this regard by imposing sanctions on Eritrea, a principle collaborator of Al-Shabaab.

“These measures need to be sustained and enhanced against all spoilers of the Somali peace process,” said Wetangula.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax ka dhacay Guriga Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji), ayaa ka hadlay Qarax xalay ka dhacay Guri mid ka mid ah Wasiirada xukuumadda.

Labadan masuul oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga ee dawladda, isla markaana shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Laanta dembi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre, waxaanu ka warbixiyay sababta dhalisay Qarax xalay fiidkii ka dhacay Guriga Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo Deegaanka Dr. Axmed Xaashi Oday ee magaalada Hargeysa, kaas oo uu ka dhashay khasaare fudud. “Caawa (xalay) markay saacaddu ahayd 7:10pm ee fiidnimo waxa Guriga Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha waxa ka dhacay Qarax, qaraxaasi wuxuu ka dhacay dhinaca galbeed ee guriga oo ay taalo kulaylisadii Taangiga Biyuhu. Markaanu Gurigii tagnay, waxaanu u yeedhnay dadkii Miinada aqoonta u lahaa iyo rag kale oo khibrad ah u leh waxyaabaha qarxa, markii aanu baadhnay waxa la ogaaday 80% in Qaraxaas uu ka dhacay Taangiga Biyaha kulaylisadiisa,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.

Mar uu Taliyuhu ka hadlayay war ay qaar ka mid ah warbaahintu xalay baahisay oo la xidhiidha in la weeraray Guriga Wasiirka, ayaa wuxuu yidhi, “Warka in lagu degdego maaha, warkan aanu hadda idin siinayna waa hordhac, natiijada rasmiga ahna waanu idin siin doonaa,” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Guri Wasiir baa la weeraray waxay ka dhigan tahay Xamarta la qarxinayo oo Hargeysa ayaa la weeraray weeye. Magaca iyo sharafka in laynaga xumeeyo maaha.”

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaas, “Cid wax ku noqotay ma jirto, Gidaarka dambe ee Baadka (Qolka maydhashada) oo dumay mooyaane, waxaanu ka dhashay sida taliyuhu idiin sheegay Shoodh koronto ka qarxay Kulaylisada Biyaha Taangiga,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay oo uu yidhi, “Qarax dibadeed oo guriga ka dhacay ma jiro, nabadgelyaduna way sugan tahay, guri dawladeed iyo mid gaar loo leeyahay oo Qarax ka dhacay ma jiro, magaaladuna waa amni.”

Barkhad M. Kaariye

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==