30 qof ayaa kooxda wax ma garatada ah ee shabaab ku dileen Hotel Muna ee ku yaal degmada xamerweeyne kadib marki ay soo weerareen goobtaasi.Lix ka mid waxay ahaayeen xildhibaano ka tirsan dowlada ku meel gaarka ah ee somalia halka dhowr ka tiorsan ay ahaayeen shaqaale an hubeeysneeyn ee halka ku sugna.
tirada waxay cadeeyay Cabdiraxmaan Ibbi ee ah raisul wasaare ku xigeen.
caloosood u shaqeeytayaasha shabaabku waxay dileen dadkan marki ay qabteen kadib iyagoo gacabtooda ku jira.
Sharif Xassan Sheekh Aden ayaa cambareeyay falkan ku tilmaamay ficil fuleeynimo iyo argagixisanimo fool xun.
“Markasta shabaab waxay u diyaar yihiin ineey geeystaan ficil kasta ee fool xun ee lagula kacayo dadka wax u qabanaya dadkooda iyi waliba shabab an waxba galabsan,” ayu si carro leh u yiri shariif Xassan, gudoomiyaha barlamaanka.
“Ma jiro wax abuuri kara in dib looga laabmo dadaalka loogu jiro in la soo celiyo nabada iyo kala dambeeyn, shabaab waxay u shaqeeyaan dad somaliya aan rajo ka laheeyn ee shisheeye ah,” Ayu yiri.






