Maleyshiyada Xisbul Islaam ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay haweenka ka furaan Niqaabka ama indha shareerka kuwaasi oo ay horay ugu amreen.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Maleeshiyada kooxda Xisbul Islaam ee ku sugan Degmada Afgooye iyo deegaanka loo barakcay ee ceelasha biyaha ayaa maal mihii ugu danbeeyay waxa ay wadeen falal ay kula dagaalamayaan haweenka ku labista idhashareerka.
Maleeshiyadan ayaa billaawday in ay haweenka kala degaan gawaarida ay ku safrayaan ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye, waxaana sida ay goobjoogayaashu ku soo waramayaan ay haweenka ay ku amrayeen in ayan mar kale qaadan karin indhashareerka hadii kale ay ciqaabta kooxdaas la kulmi doonaan.
Ma cadda sababta ka dambaysa in kooxdaani ay sameeyaan falalkaas ay kula dagaalamayaan qaadashada indhashareerka hayeeshee dadka qaar ayaa ku macneeynaya cabsi ay ka qabaan kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta kooxdaas.






