Maleeshiyada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii habeen hore ka dhacay Magaalada Kampala ee ay dadka badan ku dhinteen, iyagoo ku tilmamaya mid ay ugu aargudayeen Soomaali ay ciidamada AMISOM u geysteen xasuuq.
Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay inay ahaayeen qaraxyadaas kuwo ay horay uga digeen shacabka Uganda inay la kulmi karaan, haddii ay ciidamadooda joojin waayaan xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Halkaan ka dhageyso shirka Jaraa’id ee uu qabtay Sheekh Cali Dheere
“Waxaan marar badan ku cel-celinnay haddii wiilashiinna aad naga ceshan waydaan oo xasuuqa ay dadkeena ku wadaan ka joojin waayaan idinkuna markiina ayaad ooyi doonaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.
Ma sheegin Afhayeenka Shabaab dadkii geystay qaraxyadaas jinsigooda iyo tiradooda, wuxuuse sheegay inay ku guuleysteen howshaas, isagoo sheegay inay muddo dheer ka shaqeynayeen hadafkuna uu ahaa in la dareensiiyo xanuunka dadka Uganda.






