Qarax ayaa xalay lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada Xisbul-Islaam ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelllaha hoose.
Qaraxaani oo ahaa Bamm gacmeed islamarkaana waxaana lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhigga degmada Afgooye waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Dad ka agdhaw saldhiga dagmada afgooye ayaa sheegay in ay arkayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Xisbul Islaam oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo laga daad gureynayay halka qaraxa lala beegsaday.
Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay weeraro joogta ah oo kooxda shabaab la beegsato dablayda uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Qaraxan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Xisbil Islaam ay jir dil u geysteen sadex dhallinyaro ah oo Al shabab ka tirsan, islamarkaana ay xabsiga dagmada Afgooye ku xireen.






