Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa shalay gilinkii dambe nin rayid ah ku toogtay degmada Beydhabo, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu u basaasayay Dowladda Itoobiya.
Dilka Ninkan rayidka ah oo Lagu magacaabayey Ibraahin C/qaadir Maxamed oo 37 jir ah ayaa waxaa uu ka danbeeyey kaddib markii Kooxda Alshabaab soo qabteen xilli uu ku sugnaa Beydhabo, waxayna sheegeen in ninkaani uu horay Basaas ugu ahaa Dowladda KMG ee Soomaaliya haddana u basaasayay Itoobiya.
Shabaab ayaa Ibraahim C/qaadir ku tuugtey garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si qasab ah ay isugu Soo aruuriyey Haween, Caruur iyo dhalinyaro Si ay u daawadaan sida Maleeshiyadu ay ugu dhiiran tahay dilka dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.
Arrintan dilka ah ee gelinkii danbe ee shaley ka dhacdey Magaalada Baydhabo ayaan ahayn tii ugu horeysey oo maleeshiyada Alshabaab aya fuliyaan waxayna hore dil ceynkan oo kale ah ugu geystaan dad badan oo rayid ah, kuwaas oo ku noolaa goobaha ay maamulaan Maleeshiyadaasi






