Iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada iyo is ugaarsiga ka dhex bilaabatay maleeshiyada Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa haatan waxaa soo muuqanaya saan saan dagaal oo ay labada dhinac si xoogan u wadaan, kadib markii shalay oo kaliya iska dileen ilaa 8-ruux oo labada dhinac ah.
Maxamed Macalin oo ka mid ah Saraakiisha gacanta midig u ah Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir ayaa iftiimiyay warar maalmihii la soo dhaafay humaag ku jiray, kaas oo ahaa inuu socdo wada hadalo u dhaxeeya Xubno ka tirsan Dowladda iyo Saraakiisha Xisbul Islaam.
Wareysi si sir looga qaaday Sarkaalkan ayaa muujinayay u dhowaanshihiisa dhinaca Dowladda, kadib markii xubno ka tirsan Dowladda ay ku qanciyeen inuu ku soo biiro.
Maxamed Macalin oo horay ugu magacaabnaa Xoghayaha Warfaafinta, balse haatan laga dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibada ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin dad mowqifkooda fog yahay, oo aad u qalafsan, waxaana uu rajo ka muujiyay inuu guul ku dhow yahay wada hadalka u socda Dowladda.
Shabaabka ayaa horay u galay Xisbiga sidii dabigii cadaa iyo kii gaduudnaa ee Libaaxa qayaanay, taasoo markii hore ka soo bilaabatay Jubooyinka, markii ay bur buriyeen Maamulkii Jubooyinka Xisbul Islaam uu hogaaminayay Axmed Madoobe.






