Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Guddiga Amniga Qaranka
Shariif Madaxweynaha Dowladda KMG ah isagoo xiran dharka Ciidamada oo maalmahan ku gaaf wareegayay xarumaha Ciidamada iyo jiida hore ee dagaalka ayaa kala hadlay xubnaha Guddiga Amniga.

Xubnihii shirkan ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Wasiiraka Arimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar , Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi maxamed cali , Taliyaha Ciidamada XDS jen:Maxamed Geelle kaahiye, Taliyaha Cidanka Boliska Somaliyeed Gen: Cali maxamed xasan Cali Madoobe. Taliye Kuxigeenka Nabad Sugidda Qaranka Gen Nuur shirbow.
Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay Xaaladaha Dagaal ee ka jira dalka, sida looga mira dhallin karo Amni ku soo celidda dalka Soomaliya iyo sidii Loo dar dar galin lahaa Howlaha Ciidamada Qaranka.

Ujeedada ugu weyn kulankan laga lahaa ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argigixisada oo Shabaab ka mid tahay.








