ku dhawaad 20 ruux oo sida la rumeysan yahay ka soo jeeda Qaaradaha Asia iyo Afrika ayaa ku dhintay webiga u dhaxeeya dalka Turkiga iyo Greeca iyagoo doonayay dadkaas in ay u soo talaaban dhinaca Magaalada Athenis xarunta Greeca kadibna ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.
Haweenay Soomaali ah oo gabar ay dhashay oo 12 jir ah ku weysay webiga isla markaana isla haweenaydaas ay ka mid ahayd dadkii ka soo badbaaday masiibadaas ayaa iga warantay sida ay wax u dhaceen ‘

Hooyo Sacdiyo oo Gabadheeda ku weysay biyaha Webiga u dhaxeeya Greeca iyo Turkiga
“Waxan ahayn dad fara badan, qiyaastii soomaali waxan ahayn ilaa iyo 16 ruux, markii aan soo gaarnay Webiga laga soo gudbo ayaa doontii waxaa marka hore raacay dad carab ah waxaa na nagu yiri doonta ayaa idin soo laaban doonta hase ahaate waxaa dhacday in doontii la soo celin waayo markaas ayaa dadkii na waday waxay nagu yiraahdeen askar baa soo socota ee naftiina la baxsada qof walba meeshii uu ka bixi karo ayuu qabtay inta badan dadka waxay isku daadiyeen webiga aniga iyo gabadhayda 12 jirka ahayd webiga ayaan ku soo dhacnay markii aan biyaha soo gudbay waxaan waayay gabadhii in ay dhimatay iyo in kale war kama haayo”ayay tiri haweenaydaas oo lagu Magacabo Sacdiyo Maxamed Aadan
Waxay tiri Islaantaas Gabadhayda Fowsiyo Cabdi Ibraahim ma aqaano waxay ku sugan tahay nolol iyo geeri, ilaahay baa og xaaladda gabadhaas balse markii igu war dambeysay iyadoo biyaha ku jirta ayaan ogaa. ayay tiri hooyada gabadhaas geeriyootay oo lagu magacabo
Hooyo Sacdiyo Maxamed Aadan, waxay intasi ku dartay in gabadheeda ay ugu dambeysay markii biyaha Webiga ay ku dhaceen iyadoo tilmaantay in xiligaasi ruux kasta uu ku mashquulsanaa badbaadinta naftiisa.
waxay sidoo kale tilmaantay in wiilal kale oo soomaali ah ay iyagu lagu la’yahay biyaha Webigaasi kuwaasi oo ay isku doon ahaayeen.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Greeca iyo Jaaliyadda Soomaalida Greeca ayaa waxay la kulmeen qaar ka mid ah Waalidiinta caruurtooda ku waayay biyaha webiga oo ay ka mid ahayd Sacdiyo Maxamed Cali.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalida ee Greeca Ilyaas Cali Xasan ayaa ka wareysanay kulanka iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka Greeca dhex maray iyo waxyaabihii looga hadlay kulankaas.
Ilyaas Ali Xasan Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Greeca ayaa la kulmay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo Jaaliyadaha wuxuuna kala hadlay dadkaas soomaalida ah ee ku nafwaayay biyaha webigaas.
Wuxu sheegay Ilyaas in ay ka wada hadleen Wasaaradda Caafimaadka sidii loo aasi lahaa meydadkaas isla markaana loo aadi lahaa jasiiradaha meydadkaas yaala.
Wuxuu sheegay in arrintan ay iska kaashan doonaan Wasaaradaha Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Jaaliyadaha iyo UN-ka .







