Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ka jeeda iyo Maleeshiyada Shabaab oo ay ka barbar dagaalamaya dagaalyahano al qaacida ah ayaa saakay dib uga bilowday degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Shibis ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid toos u dhexmaraya labada dhinac, ayna dhacayaan madaafiic culus oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah sababay.
“Duqeymo culus ayaa ka socda waqooyiga Muqdisho, madfac ku dhacay Isgoyska Maanaboolyo aya sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca in ka badan shan qof oo kale, kuwaasoo ahaa rayid doonayay inay dagaalka ka cararaan” ayuu yiri goobjooge.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu yahay mid aad uga culus dagaallo shantii casho ee lasoo dhaafay ka socday degmooyinkaas, uuna dagaalku qarxay markii ciidamada Dowladda ay weerarka qaadeen, iyadoo dagaalladan ay kusoo beegmeen hal maalin oo laga nastay dagaallo degmooyinkaas ka socday.






