Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta dowladda oo lagu magacaabo Sh. C/risaaq Qeylow oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Mqudisho ayaa saxaafadda uga warbixiyay dagaalada ku dhex maraya ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dagaalkii maanta ay ciidamada dowladdu horumar ka sameeyeen.
Afhayeen Qeylow ayaa sheegay in dagaal saakay ka dhacay halkaasi oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ciidamada dowladdu ku jabiyeen, iyagoona u geystay qasaarooyinka isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ma uusan ka hadlin khasaaraha soo gaaray dhanka ciidamada dowladda, balse waxa uu sheegay in ciidamadu ay ku jireen oo kaliya difaac.
Shir jaraa`idka afhayeen Qeylow ayaa kusoo aadaya xilli sadex cisho ee lasoo dhaafay ay ka soconayeen waqooyiga magaalada Muqdisho dagaalo kulul oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Shabaab.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay Qeylow qeylo dhaan kasoo yeertay horjoogayaasha Shabaab taasoo ay warbaahinka kasoo daayeen isla markaana ugu baaqayeen shacabka in ay garab istaagaan maleeshiyada Shabaab.
Qeylow ayaa ugu baaqay in dhalinyarada ay ka feejignaadaan qeylo-dhaanta Shabaab, islamarkaana waxa ay hada adeegsadaana ay tahay oo kaliya caruurta yar-yar.
Si kastaba dagaalka maanta ka socda waqooyiga Muqdisho ayaa ka kulul kii shalay.






