Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM oo is kaashanaya iyadoo Madaxda sare ee Dowladda ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka.
Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global halkaas oo maalmahan ay ku dagaalamayeen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradka.
Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.
Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.
Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka cul culus oo ay adeegsanayaan kooxaha dagaalamaya.
Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay mid sababi kara haddii uu sii socda in Dowladda gacanteedu ku hanato degaano badan oo Magaalada muqdisho ka mid ah.







kadaa ibiin ayaa thiniin oo munaafiqiin ayaa tihiin beenta aad umada u sheegeysaaa kuusha ma eysan qaadanin dowlada ee waxaa kaaqaaday mujaahidiinta alshabaab iyo shacabka ayuu allaah siiyey ee ugandhees xun oo allah kucaasiyey iyo kuwa kaalo raacyada ah ma ay san guusha qaadin ……………allaah alllaaah akbar