Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dagaalyahanno Ajnabi ah ku dileen howl gal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan.
Axmed Cismaan C/lle taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada Buulo Burto ee gobolka Hiiraan ay ku dileen laba nin oo ka mid ah ajanaibta duullaanka ah ee maleeshiyada Shabaab ay dalka ku soo hogaamiyeen.
Waxa uu sheegay taliyuhu in howl galkaasi oo si xeeladaysan u dhacay ay ku dileen ajaanibtaasi xilli ay ku sugnaayeen meel duleedka ka ah magaalada ayagoo tababar u fidinayo maleeshiyaad Soomaali ah.
Taliye Axmed Cismaan C/lle ayaa tilmaamay in raggaasi ay dileen ee shisheeyaha ah ay u kala dhasheen wadamada Ghana iyo Masar, kuwaa oo uu xusay in ay haayaan Baasabooradoodii ay ka qaadeen kaddib makrii ay dileen.






