Afhayeenka Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo warbaahinta la hadllayay ayaa si kulul u weeraray Liiska Golaha Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay Xafiiska R/iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Al Qaadi waxaa uu sheegay in qaabka hadda wax loo dhigay ay ciriri galin doonto geedi socodkii nabada iyo howlihii dib u heshiisiinta ee la waday, waxaana uu intaa ku darray in Ahlu Sunna Waljameeca waxba ku laheyn Golaha Wasirrada cusub ee la magacaabay.
”Runtii waxaan u aragnaa in Ahlu Sunna Waljameeca loola dhaqmay qaab Jees Jees ah oo kale, waxaana muuqta in dhismahan cusub loogu talagalay in lagu bur buriyo heshiiiskii horay u dhaxmaray Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya’ ayuu yiri Al Qaadi oo dhinaca kale sheegay in Culima’udiinka Ahlu Sunna aheyn Jago doono laakiin Ujeedadoodu aheyn in ay isbadal cusub ku oo biiriyaan Dowladda hadda jirta.
Afhayeenku waxaa kaloo uu sheegay in xitaa aan wax wada tashi ah lagala sameyn dhinacooda magacaabista isaga oo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya in uu dhagaha ka fureystay baaqyo is daba jooga ah oo ka soo baxayay Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasoo looga digay R/iisal Wasaarruhu in uu magacaabo shaqsiyaad aan ka tirsaneyn Ahlu Sunna Waljameeca.
”Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca go’aan dhab ah ayeey ka qaadan doonaan dhismaha Xukuumada cusub mana u dul qaadan doonaan Culimadu in magacooda kuraas lagu siiyo shaqsiyaad aan wax raad ah ku laheyn Culimada, maadaama dadka wax hogaamiyaha yihiin kuwo Diinta iyo Shareecada Islaamka wax ka yaaqaana ayuu yiri Al Qaadi.
Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay ayaa waxaa ka dhax muuda Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ay horay uga qeyliyeen Saraakiisha Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo Dowladda ku wargaliyay in aysan matalin, waxaana ka mid ah Shaqsiyaadka ay tilmaameen Saraakiishu Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo hadda laga dhigay Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka.






