Iska hor imaad hubeysan ayaa galabta casir liiqii ka dhacay Xaafada Laba Dhagax ee degmada Wardhiigley ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dablay ka tirsan Shabaab ay tacshiirad ku fureen Gaari ay la socdeen maleeshiyo ka tirsnam Xisbul Islaam.
Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ku dhinteen lix ruux oo uu ku jiray Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Cabdi Samad, kaasoo Xisbiga u qaabilsanaa dhinaca howl galada.
Daqiiqado kadib ayaa Maleeshiyo ka tirsan Xisbul Islaam oo ka careysan weerarka lagaga dilay sarkaalkooda ayaa waxay iyana weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax, halkaasoo ay ku dileen ilaa labo ruux.
Xiisad u dhaxeysa labada dhinac ayaa waxaa la soo sheegayaa in caawa ka taagan tahay Xaafad u dhow dhow Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay soo buuxiyeen maleeshiyaad ka kala tirsan labada dhinac.
Shabaab ayaa horay si gaadmo ah u qaarijiyay saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam, taasoo aanay Xisbiga wax ficil ah ka bixin, hase ahaatee tallaabada galabta ayaa noqoneysa tii u horeysay ee ay ka jawaabaan, waxayna sii horseedeysaa khilaafka u kala dhaxeeya labada dhinac






