Archive | July, 2010

Ciidamada Ammaanka Uganda oo 20-ruux oo Soomaali ku jiraan ka qab qabtay Kampala

Ciidamada Ammaanka dalka Uganda ayaa wali ka wada Caasimada Kampala howl galo ay ku qab qabanayaan dadka soomaalida iyo kuwo ay la xiriirinayaan inay ku lug lahaayeen qaraxyadii gil gilay todobaadkii hore magaaladaas, kaasoo dad fara badan ku dhinteen.

Maalintii shalay ayaa howl galo ay ka sameeyeen magaalada waxay ku qab qabteen labaatan ruux oo isugu jira, Soomaali, Itoobiyaan, Ugandes iyo wadaado u dhashay dalka Pakistaan.

Howl galada Ciidamada ayaa ka dambeeyay markii Saraakiisha Booliska ay ku dhawaaqeen in ay jiraan kooxo ku soo dhuuntay Kampala oo ku lug lahaa qaraxyada.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska oo la yiraahdo Kale Kaihula ayaa sheegay in baaritaanada socda ay yihiin kuwo ay kaga hortagayaan falal kale oo qaraxyo ah, kadib markii Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane uu ugu hanjabay inay sii wadayaan qaraxyada ay ka geysanayaan Kampala.

Si kastaba ha ahaatee soomaalida ku nool magaalada Kampala ayaa saameyn weyn ay ku yeelatay qaraxyadii todobaadkii tagay ka dhacay, kaasoo ay sheegteen Xarakada Alshabaabka Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul Islaam oo dagaal ku qaaday Haweenka sita Indha Shareerka

Maleyshiyada Xisbul Islaam  ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay haweenka  ka furaan Niqaabka ama indha shareerka kuwaasi oo ay horay ugu amreen.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Maleeshiyada kooxda  Xisbul Islaam  ee ku sugan Degmada Afgooye iyo deegaanka loo barakcay ee ceelasha biyaha ayaa maal mihii  ugu danbeeyay waxa ay wadeen falal ay kula dagaalamayaan haweenka ku labista idhashareerka.

Maleeshiyadan ayaa billaawday in ay haweenka kala degaan gawaarida ay ku safrayaan ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye, waxaana sida ay goobjoogayaashu ku soo waramayaan ay  haweenka ay  ku amrayeen in ayan mar kale  qaadan karin indhashareerka hadii kale ay ciqaabta kooxdaas la kulmi doonaan.

Ma cadda sababta ka dambaysa in kooxdaani ay sameeyaan falalkaas ay  kula dagaalamayaan qaadashada indhashareerka hayeeshee dadka qaar ayaa ku macneeynaya cabsi ay ka qabaan kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta kooxdaas.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Museveni: Waan baabi’ineynaa kuwii ka danbeeyay

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa balanqaaday inuu baabi’in doono kooxihii ka danbeeyay weeraradii bam ee lagu qaaday caasimadda Kampala ee waddanka Uganda.

Madaxweyne Museveni, waxa uu sheegay in kuwii geystay dembigaasi ay dabageli doonaan meel kasta oo ay joogaan gudaha Uganda ama Soomaaliyaba.

Kooxda Islaamiga ah ee Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyadu qaaday weeraradaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo daawanayay cayaartii ugu danbeysay ee koobka adduunka.

Mr Museveni waxa uu ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun, si ay ula dagaallamaan kooxaha mucaaradka, oo uu sheegay inay taageero ka helaan Bariga Dhexe.

Museveni waxa uu sheegay inuu doonayo in la beddelo qorshaha ay ku hawlgalaan ciidamada. Waxa uu yiri “Waxaan Muqdisho u joognaa inaan ilaalino garoonka dayaaradaha iyo xarunta madaxtooyada – intaas ayay ahayd,”

Waxa uu intaa sii raaciyay in markan ay doonayaan inay weerar tagaan oo ay soo qabtaan cidii ka dambeysay weerarka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo fariin kale u diray Madaxda dalalka Uganda iyo Brundi

Amiirka maleeshiyada  Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr ayaa fariin cod ah oo uu soo marsiiyay warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu ku bogaadiyay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qarxiyay magaalada Kampala ee caasimadda uganda  habeenkii Isniinta.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay ka geysteen dalka Soomaaliya Ciidamadii Itoobiya iyo Mareykanka sida uu yiri.

“Waxa loogu yeero AMISOM waxay geysteen xasuuq ka daran kuwii ay Itoobiya iyo Mareykanka geysteen, waxay dadka ku laayeen Madaafiic, dhismayaashii waxay dhulka la simeen Taangiyo”ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay bilow u ahaayeen weeraro hor leh oo uu qeexay in ay la beegsan doonaan magaalooyinka Bujumbura iyo Kampala, waxaana uu ugu hambalyeeyay weerarkaas kuwii fuliyay inay ahaayeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii hore Mareykanka ku dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe.

5-tii bishan ayay ahayd markii Amiirka Alshabaab uu fariin uu soo marsiiyay warbaahinta uu ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Brundi in ay beegsan doonaan, iyadoo hanjabaadiisa 6-maalmood kadiba si ficil ahaan u fushay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Tarsan oo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho loogu Magacaabay Maxamed Axmed Tarsan iyadoo Munaasabad Balaaran oo uu xilka kula wareegayay ay maanta ka dhacday Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimamay ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sh.C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisoow,Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.

Gudoomiyihii  hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Eng C/risaaq Maxamed Nuur ayaa si kalsooni leh xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Tarsan ayaa ugu horeeyn u mahadceliyay Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir, waxa uuna ku amaanay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, waxa uuna Gudoomiyaha cusub balanqaaday in uu dardar gelin doono howlaha maamulka Gobolka Banaadir

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo sheegtay Qaraxyadii ka dhacay Kambala

Maleeshiyada Al Shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii habeen hore ka dhacay Magaalada Kampala ee ay dadka badan ku dhinteen, iyagoo ku tilmamaya mid ay ugu aargudayeen Soomaali ay ciidamada AMISOM u geysteen xasuuq.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay inay ahaayeen qaraxyadaas kuwo ay horay uga digeen shacabka Uganda inay la kulmi karaan, haddii ay ciidamadooda joojin waayaan xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka dhageyso shirka Jaraa’id ee uu qabtay Sheekh Cali Dheere

“Waxaan marar badan ku cel-celinnay haddii wiilashiinna aad naga ceshan waydaan oo xasuuqa ay dadkeena ku wadaan ka joojin waayaan idinkuna markiina ayaad ooyi doonaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Ma sheegin Afhayeenka Shabaab dadkii geystay qaraxyadaas jinsigooda iyo tiradooda, wuxuuse sheegay inay ku guuleysteen howshaas, isagoo sheegay inay muddo dheer ka shaqeynayeen hadafkuna uu ahaa in la dareensiiyo xanuunka dadka Uganda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qaraxyo ka dhacay magaaladda Kampala oo ay ku dhinteen 67 qofood

67 qofood ayaa inta la xaqiijiyay  ku geeriyooday ku dhawaad 85- kalena dhaawacyo  ayaa soo gaaray, kaddib markii xalay laba qarax lala beegsaday 2-maqaayadood oo dadkaasi ay ku daawanayeen ciyaartii ugu dambeysay ee koobka adduunka ee u dhexesay wadamada Holland iyo Spain

Qaraxyadan ayaa ka dhacay maqaayad ku taala xaafadda Kabalagala ee uu leeyahay ganacsade Itoobiyaan ah iyo maqaayadda Kyode Rugby Club ee xaafadda Nkwa, waxaana sida uu sheegay taliyaha ciidamada Police-ka wadankan  Major General Kale Kayahuuru in ay dhici karto in ay ka dambeeyeen midkood kooxda  Mucaaradka ah ee LRA  iyo kooxda Al-shabaab ee Soomaliya.

“Si rasmi ah uma xaqiiin karo cida ka dambeysay musiibadaan nagu habsatay, laakiin baaritaan qodo dheer ayaan ku wadnaa cidda ka dambeysay iyo nuuca ay ka sameysan yihiin wax-yaabihii  la qarxiyay, waana soo bandhigi doonaa” ayuu iri Kayahuru.

Taliyahe Kayahuru  ayaa sidoo kale uga digay dadka reer Uganda isku imaantinkooda faraha badan ee Maqaayadaha, goobaha basaska laga raaco,  suuqyada iyo goobaha ciyaaraha lagu daawado ilaa amar dambe.


Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxyadii labada goobood ee ciyaarta lagu daawanayay ayaa si isku mid ah u sheegay in waxyaabihii qaraxay ay ku duugnaayeen kiraasta hoostooda, oo aysan aheyn bam gacanta laga soo tuuray ama qof is miidaamiyay.

Isbitaalka Mulago oo ay dowladdu maamusho ayaa buux dhaafay, kaddib markii la dhigay dhammaan dhaawacyadii goobahaas, iyadoo dhinaca kalena boqolaal asaxaab iyo qaraabo la aha dadkii dhibtu gaartay ay isbitaalka soo gaareen, waxaana shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkaas ay sheegeen in ay dhimashadu sii badato, maadaama dhaawacyada qaarkood ay halis yihiin.

Hal qof oo u dhashay wadanka Mareykanka iyo 3 itoobiyaan ah ayaa inta  la ogyahay shisheeye ama ajinabi ka ah dadkii xalay ku naf waayay labadaas qarax

Dadka Soomaliyeed ee ku nool guud ahaan wadanka Uganda ayaa wadnaha farta ku haya, sababtoo ah bilihii ugu dambeeyay waxaa hanjabaadyo dowladda Uganda ay ka heleysay kooxda  Al-shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya, waxaana haddii ay dhacdo in Al-shabaab ay qaraxan sheegato dhibaato xoog leh soo food saari doontaa 16-kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo wadanka marti ku ah.

Qaraxyadan ayaan ku soo beegmay xilli dowladda Uganda ay isku diyaarineyso marti galinta shirka 15-aad ee African Union ee  madaxweynayaasha qaaradda Africa oo 27-ka bishan ka furmaya caasimada Uganad ee Kampala

Posted in DhacdooyinComments (0)

Al shabaab Oo Sheegtay Inay faraxsan Yihiin Qaraxii Uganda Balse Ka Gaabsaday Inay Iyagu Ka Danbeeyeen

Ururka Al shabaab ee ka dagalama gudaha dalka Somaaliya ee lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen qaraxii ka dhacay Uganda habeenkii xalay ahaa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaraxaasi balse waxa ay ka gaabsadeen inay beeniyaan ama sheegtaan inay ka danbeeyeen.

Sarkaal Al shabaab ka tirsan oo la yiraahdo Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise oo u waramayay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in aad u farxad gelineyso qasaaraha soo gaaray Uganda balse waxa uu ka gaabsaday inuu cadeeyo inay iyagu lug ku lahaayeen.

“Uganda waxa ay ka mid yihiin cadowyadeena, wax kasta oo ka oohiya anagu waa ku farxeenaa” ayuu yiri sarkaal kaasi isagoo ka aamusay inuu xuso inay qaraxaasi lug ku lahaayeen iyo in kale.

Maalintii jimacaha ayay aheyd markii Sheekh Muktaar Robow uu ku baaqay in weeraro lagu qaado Uganda iyo Burundi, hadii ay cadaato in Al shabaab ay ka danbeysay qaraxyadii xalay ruxay Uganda waxa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyay ee Al shabaab ay ka fuliso meel ka baxsan gudaha dalka Somaaliya.

Qaraxyadii xalay dhacay ayaa sidoo kale waxa ay sameyn weyn ku yeelan karaan soomalida wax ku barata ama ka ganacasata dalka Uganda kuwasoo laga yaabo in caqabado soo wajahaan hadii qaraxyadaasi ay fuliyeen kooxda Al shabaab ee dalka Somaaliya ka dagaalanta

Posted in DhacdooyinComments (0)

Elena Hospital oo ku wareejiyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomalida Greeca afar Caruur ah Sawiro

Afar Caruur ah oo lagu dhalay Isbitaal ku yaala Magaalada Athenis ee caasimadda Greeca ayaa maanta lagu wareejiyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Greeca Ilyaas Cali Xasan.

 

Carruurtan ayaa lagu dhalay Elena Hospital oo ku yaala Athenis,waxaana dhalay afar hooyo oo si tahriib ah ku soo gaaray Greeca.

 

Laakiin Saraakiisha Caafimaadka Elena Hospital ayaa waxay sheegeen in hooyooyinka Soomaalida ee caruurtaas dhalay aysan haysanin wax sharci ah sidaas darteedna go;aansadeen in Guddiga Jaaliyadda lagu wareejiyo sidaasna lagu aqoonsado caruurtaas in ay yihiin soomaali.

Labo ka mid ah haweenka ku Umulay Elena Hospital ayaa waxaa lagu kala magacaba Fowsiyo Maxamed iyo Meimun Haaji Abdi, mana haysanin wax sharci ah oo ay ku joogan Greeca.

Ilyaas Cali Xasan Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Greeca ayaa ii sheegay in carruurtaas hadda loo gacan geliyay hooyooyinkii dhalay .

 

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka ay qabaan soomaalida Greeca ku nool ay ka mid yihiin sharci la;aanta abuuri karta in xuquuqdii ay lahaayeen ku waayan xataa Caruurtooda hase ahaate iyaga u guntadeen sidii dumarka Soomaalida ee ku umula Isbitaalada Greeca u heli lahaayeen caruurta ay dhaleen.

 

“Haddii Haweenay ku Umasha Isbitaal waa in ay haysataa Sharci haddii kale waxay weynaysaa ubadkeeda, taasina waxay keenaysaa in hooyada iyo Ubadka ay kala lumaan, laakiin Waa ilaahay Mahadiisa Guddiga Jaaliyadda ayaa arrintaas ka hortagay”ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan.

Hooyooyinkii ku umulay Elena Hospital ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dadaalka ballaaran ee uu qaaday Guddoomiyaha Jaaliyadda Greeca Ilyaas Cali Xasan.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo nin rayid ah ku toogtay Beydhabo

Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa shalay gilinkii dambe nin rayid ah ku toogtay degmada Beydhabo, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu u basaasayay Dowladda Itoobiya.

Dilka Ninkan rayidka ah oo  Lagu magacaabayey Ibraahin C/qaadir Maxamed oo 37 jir ah ayaa waxaa uu ka danbeeyey kaddib markii Kooxda Alshabaab soo qabteen xilli uu ku sugnaa Beydhabo, waxayna sheegeen in ninkaani uu horay Basaas ugu ahaa Dowladda KMG ee Soomaaliya haddana u basaasayay  Itoobiya.

Shabaab ayaa  Ibraahim C/qaadir   ku tuugtey garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si qasab ah ay isugu Soo aruuriyey Haween, Caruur iyo dhalinyaro Si ay u daawadaan sida Maleeshiyadu ay ugu dhiiran tahay dilka dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

Arrintan dilka ah ee gelinkii danbe ee shaley ka dhacdey Magaalada Baydhabo ayaan ahayn tii ugu horeysey oo maleeshiyada Alshabaab aya fuliyaan  waxayna  hore dil ceynkan oo kale ah  ugu geystaan dad badan oo rayid ah, kuwaas oo ku noolaa   goobaha ay maamulaan Maleeshiyadaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay in ay banaan tahay in la farageliyo Xaaladda soomaaliya

Sheekh Cumar Faaruuq Cabdi oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Soomaaliyeed kuna sugan magaalada Jiddah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka madaxda Afrika ka soo saareen Soomaaliya, keenista ciidamo shisheeye iyo baahida keentay in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

Hadalka Sheekh Cumar Faaruuq oo intiisa badan u daliishanayay diinta Islaamka iyo shareecada inay ku bannaan tahay maanta faragelin caalami iyo mid goboleedba lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay sabab u tahay Soomaalida qolo qolo iyo koox koox u qeybsan oo iyagu ku heshiin waayay inay dalkooda ku heshiiyaan.

“IGAD ama dalalka deriska ah inay farageliyaan Soomaalida is maqli weysay way bannaan tahay” ayuu yiri Sheekh Cumar Faaruuq oo sheegay inuu isagu soo dhoweynayo go’aanka dalalka Afrika ay ka soo saareen dalka Soomaaliya, waayo buu yiri Sheekha dabka ka holcaya Soomaaliya haddii ay Afrika ku fiirsato waa hubaal inuu iyaga gaarayo.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu sheegay dhinaca kale inay sii kordhayaan dagaalada dalka ka socda haddii ay yimaadaan ciidamo shisheeye ama la soo kordhiyo kuwa AMISOM, hase yeeshee dagaalladaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo baahan yahay bacdamaa uu yahay mid lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambeyntii Soomaalida ka luntay 20-sano ka badan.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan inay ka heshiiyaan wixii dhexdooda ka dhacay, wuxuuna si gaar ah baaq ugu jeediyay Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka inay hubka dhigaan oo ay xabbadda joojiyaan iyagoo u turaya dadka rayidka ah ee dhibaatada inta badan ka soo gaareyso, wuxuuna intaasi raaciyay Sheekh Cumar Faaruuq in Shareecada Islaamka dembi ahayn tallaabo kasta oo horseedeysa xal ka gaaridda iyo masaalixda dadka iyo dalka Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee Greeca iyo Wasaaradda Caafimaadka dalkaas oo ka wada hadlay sii loo aasi lahaa dad soomaaliyed oo dhawaan ku geeriyooday …

Ehelada dad dhawaan ku geeriyooday biyaha Webiga u dhaxeeya dalalka Greeca iyo Turkiga ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u heli lahaayeen halka ay ku dambeeyan meydadka caruurtooda xilli dhawaan Dowladda Greeca shaacisay in ay soo saari doonto Jinsiyadaha dadka ku naf waayay biyaha webiga.
 
Gabdha Biyaha Webiga ku dhimatay Fowsiyo Cabdi Ibraahim 

ku dhawaad 20 ruux oo sida la rumeysan yahay ka soo jeeda Qaaradaha Asia iyo Afrika ayaa ku dhintay webiga u dhaxeeya dalka Turkiga iyo Greeca iyagoo doonayay dadkaas in ay u soo talaaban dhinaca Magaalada Athenis xarunta Greeca kadibna ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub. 

Haweenay Soomaali ah oo gabar ay dhashay oo 12 jir ah ku weysay webiga isla markaana isla haweenaydaas ay ka mid ahayd dadkii ka soo badbaaday masiibadaas ayaa iga warantay sida ay wax u dhaceen ‘

Hooyo Sacdiyo oo Gabadheeda ku weysay biyaha Webiga u dhaxeeya Greeca iyo Turkiga

“Waxan ahayn dad fara badan, qiyaastii soomaali waxan ahayn ilaa iyo 16 ruux, markii aan soo gaarnay Webiga laga soo gudbo ayaa doontii waxaa marka hore raacay dad carab ah waxaa na nagu yiri doonta ayaa idin soo laaban doonta hase ahaate waxaa dhacday in doontii la soo celin waayo markaas ayaa dadkii na waday waxay nagu yiraahdeen askar baa soo socota ee naftiina la baxsada qof walba meeshii uu ka bixi karo ayuu qabtay inta badan dadka waxay isku daadiyeen webiga aniga iyo gabadhayda 12 jirka ahayd webiga ayaan ku soo dhacnay markii aan biyaha soo gudbay waxaan waayay gabadhii in ay dhimatay iyo in kale war kama haayo”ayay tiri haweenaydaas oo lagu Magacabo Sacdiyo Maxamed Aadan 

Waxay tiri Islaantaas Gabadhayda Fowsiyo Cabdi Ibraahim ma aqaano waxay ku sugan tahay nolol iyo geeri, ilaahay baa og xaaladda gabadhaas balse markii igu war dambeysay iyadoo biyaha ku jirta ayaan ogaa. ayay tiri hooyada gabadhaas geeriyootay oo lagu magacabo 

Hooyo Sacdiyo Maxamed Aadan, waxay intasi ku dartay in gabadheeda ay ugu dambeysay markii biyaha Webiga ay ku dhaceen iyadoo tilmaantay in xiligaasi ruux kasta uu ku mashquulsanaa badbaadinta naftiisa. 

waxay sidoo kale tilmaantay in wiilal kale oo soomaali ah ay iyagu lagu la’yahay biyaha Webigaasi kuwaasi oo ay isku doon ahaayeen. 

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Greeca iyo Jaaliyadda Soomaalida Greeca ayaa waxay la kulmeen qaar ka mid ah Waalidiinta caruurtooda ku waayay biyaha webiga oo ay ka mid ahayd Sacdiyo Maxamed Cali. 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalida ee Greeca Ilyaas Cali Xasan ayaa ka wareysanay kulanka iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka Greeca dhex maray iyo waxyaabihii looga hadlay kulankaas.

Ilyaas Ali Xasan Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Greeca ayaa la kulmay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo Jaaliyadaha wuxuuna kala hadlay dadkaas soomaalida ah ee ku nafwaayay biyaha webigaas. 

Wuxu sheegay Ilyaas in ay ka wada hadleen Wasaaradda Caafimaadka sidii loo aasi lahaa meydadkaas isla markaana loo aadi lahaa jasiiradaha meydadkaas yaala. 

Wuxuu sheegay in arrintan ay iska kaashan doonaan Wasaaradaha Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Jaaliyadaha iyo UN-ka . 

 
 

 

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ajanabi Al qaacida ka tirsan oo lagu dilay agagaarka Buuloburde

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dagaalyahanno Ajnabi ah ku dileen howl gal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan.

Axmed Cismaan C/lle   taliyaha ciidamada dowladda  Soomaaliya  ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen   degmada Buulo Burto ee gobolka Hiiraan ay ku dileen laba nin oo ka mid ah ajanaibta duullaanka ah ee maleeshiyada Shabaab ay dalka ku soo hogaamiyeen.

Waxa uu sheegay taliyuhu in howl galkaasi oo si xeeladaysan u dhacay ay  ku dileen ajaanibtaasi xilli ay ku sugnaayeen meel duleedka ka ah magaalada ayagoo tababar u fidinayo maleeshiyaad Soomaali ah.

Taliye Axmed Cismaan C/lle ayaa tilmaamay in raggaasi ay dileen ee shisheeyaha    ah ay u kala dhasheen wadamada Ghana iyo Masar,  kuwaa   oo uu xusay in ay haayaan Baasabooradoodii ay ka qaadeen kaddib makrii ay dileen.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo qarax la beegsaday Saldhig Xisbul Islaam ku sugnaayan

Qarax ayaa xalay lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada  Xisbul-Islaam ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelllaha hoose.

Qaraxaani oo ahaa Bamm gacmeed islamarkaana waxaana lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhigga degmada Afgooye waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Dad ka agdhaw saldhiga dagmada afgooye ayaa sheegay in ay arkayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Xisbul Islaam oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo laga daad gureynayay halka qaraxa lala beegsaday.

Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay weeraro joogta ah oo kooxda shabaab la beegsato dablayda uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Qaraxan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Xisbil Islaam ay jir dil u geysteen sadex dhallinyaro ah oo Al shabab ka tirsan, islamarkaana ay xabsiga dagmada Afgooye ku xireen.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islaam oo cadeeyay inuu ku biirayo Dowladda, xilli Shabaab hal baxsi ku hayaan Saraakiisha Xizbiga

Iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada iyo is ugaarsiga ka dhex bilaabatay maleeshiyada Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa haatan waxaa soo muuqanaya saan saan dagaal oo ay labada dhinac si xoogan u wadaan, kadib markii shalay oo kaliya iska dileen ilaa 8-ruux oo labada dhinac ah.

Maxamed Macalin oo ka mid ah Saraakiisha gacanta midig u ah Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir ayaa iftiimiyay warar maalmihii la soo dhaafay humaag ku jiray, kaas oo ahaa inuu socdo wada hadalo u dhaxeeya Xubno ka tirsan Dowladda iyo Saraakiisha Xisbul Islaam.

Wareysi si sir looga qaaday Sarkaalkan ayaa muujinayay u dhowaanshihiisa dhinaca Dowladda, kadib markii xubno ka tirsan Dowladda ay ku qanciyeen inuu ku soo biiro.

Maxamed Macalin oo horay ugu magacaabnaa Xoghayaha Warfaafinta, balse haatan laga dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibada ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin dad mowqifkooda fog yahay, oo aad u qalafsan, waxaana uu rajo ka muujiyay inuu guul ku dhow yahay wada hadalka u socda Dowladda.

Shabaabka ayaa horay u galay Xisbiga sidii dabigii cadaa iyo kii gaduudnaa ee Libaaxa qayaanay, taasoo markii hore ka soo bilaabatay Jubooyinka, markii ay bur buriyeen Maamulkii Jubooyinka Xisbul Islaam uu hogaaminayay Axmed Madoobe.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Jaaliyadda Beesha Absame ee North America oo taageertay Magacabista Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya

Beesha Absame ee North America ( Canada and USA)and Europe oo soo dhaweysay Magacabista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya Wasiirka Maliyada Hussein Abdi Halane oo ah Sarkaal ku xeeldheer siyaasada Somalia in muddo ah ka soo Shaqeyey Ha,aydaha NGO,sida CARE USA,oo madaxna soo noqday CARE USA Khartoum,Addis Abeba,Ethiopia,

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Aqoon ahaan wuxuu sita Shahadada Masters,ahna nin kaso bixi kara hawlaha cakirin isla markaasna isku xira kara Dowlada iyo Hay’adaha Lacagaha Adduunka.

Waxgaradka Beesha Absame waxay yiraahdeen waa siyaasi ku xeeldheer arrimaha Somalia wax badana ka qaban kara arrimaha Jubooyinka ahna nin isu keena kara dadka kuwada nool meesha,Duqoowda waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha Absame ayaa waxa ay si isku mid ah u ayideen ama ay u taagereen Magacaabista Husein Abdi Halane iyagoona sheegay inuu Yahay shaqsi kasoo bixi kara Xilka loomagacabay.

Beesha Absame oo tageero weyn u haysa Dowlada,dibeda iyo gudahaba,Beesha Absame waxay ka codsaneysa xildhibanada beesha Absame in ay gacan ka siiyaan shaqada qaran ee ku soo fool leh wasiirka Maaliyada,iyo «nabadeynta «jubbooyinka iyo sidi ay gacanta Dowlada dib logu soo celin laha,Dowladu Xiligaan ay u bahantahay tageero ay ka hesho shacbiga Somaliyeed
ugu dambeyn waxaan leenahay Ilahay ha u fududeyo hawlahan ku soo fool leh

Nuuradiin Macalin

Posted in DhacdooyinComments (0)

10-ruux oo maanta Shabaab iyo Xisbul Islaam isaga kala dileen Muqdisho

Iska hor imaad hubeysan ayaa galabta casir liiqii ka dhacay Xaafada Laba Dhagax ee degmada Wardhiigley ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dablay ka tirsan Shabaab ay tacshiirad ku fureen Gaari ay la socdeen maleeshiyo ka tirsnam Xisbul Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ku dhinteen lix ruux oo uu ku jiray Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Cabdi Samad, kaasoo Xisbiga u qaabilsanaa dhinaca howl galada.

Daqiiqado kadib ayaa Maleeshiyo ka tirsan Xisbul Islaam oo ka careysan weerarka lagaga dilay sarkaalkooda ayaa waxay iyana weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax, halkaasoo ay ku dileen ilaa labo ruux.

Xiisad u dhaxeysa labada dhinac ayaa waxaa la soo sheegayaa in caawa ka taagan tahay Xaafad u dhow dhow Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay soo buuxiyeen maleeshiyaad ka kala tirsan labada dhinac.

Shabaab ayaa horay si gaadmo ah u qaarijiyay saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam, taasoo aanay Xisbiga wax ficil ah ka bixin, hase ahaatee tallaabada galabta ayaa noqoneysa tii u horeysay ee ay ka jawaabaan, waxayna sii horseedeysaa khilaafka u kala dhaxeeya labada dhinac

Posted in DhacdooyinComments (0)

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo xilkiisa waayay

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay  ilo ku dhow dhow dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka Banaadir sida laga soo xigtay Saraakiisha Dowladda dhawaan ayaa lagu wadaa in la magacabo Guddoomiye cusub oo yeelan doona Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa  sheegaya in dhawaan xilkii laga qaaday gudoomiyaha gobolka Banaadir Ing C/risaaq Maxamed Nuur (Ing. Nuune) islamarkaana maalmaha soo aadan la qorsheynayo in xilkaasi masuul kale oo magacaabo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabi doono xildhibaan Maxamed Maxamuud Tarzan oo ka mid ahaa xildhibaanadii dhinaca dowladda uga soo biiray isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya garabkii Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenada Dowladda ayaa laga soo xigtay marka uu soo laabto Madaxweyne Shariif oo hadda ka qeybgalaya shirka Madaxda IGAD ee Adis ababa ka socda in uu magacabi doono Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xaaladda caafimaad ee mid ka mid ah laba dhallinyaro oo xukun gacmo goyn ah ku fulisay Al-Shabaab oo laga deyrinayo

Maleeshiyada Al-Shabaab ee Degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay ayaa shalay fuliyay xukun gacmo goyn ah oo lagu fuliyay laba dhallinyarada degaanka ka mid ah, iyadoo fulinta xukunkaasina ay ka soo qeyb galeen dadweynaha magaalada Buurhakaba, kuwaasi oo daawanayay qaabka loo fulinayo xukunkaasi.

Sheekh Haajir oo Al-Shabaab u qaabilsan Buurhakaba ayaa ka hadlay fulinta xukunka gacmo goynta ah ee lagu fuliyay labada wiil, waxa uuna sheegay inay geysteen falal tuuganimo, hase yeeshee ma sheegin hantida ay dhaceen waxa ay tahay.

Labada wiil ee Al-Shabaab ay gacmaha ka gooyeen ayaa lagu kala magacaabaa Xuseen Aadan iyo Muqtaar da’dooduna ka hooseyso 30-sano jir, hase yeeshee labada wiil midkood ayaa loola cararay Isbitaal, kaddib markii uu dhiigiisa inta badan dhulka ku daatay xilligii gacanta laga goynayay, taasi oo la sheegay in muddo dheer lagu hayay bannaanka markii gacanta laga gooyay isla markaasina aan laga xirin dhiigga gacantii la gooyay.

Inta badan xukunada qisaasta iyo rajmiga ay fuliyaan Al-Shabaab ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, oo sheegay inay khilaafsan tahay diinta Islaamka, mar haddii aysan ahayn maamul si buuxda uga talin dalka iyo inaysan dadku dooran raallina ka ahayn

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo fariin fulinimo ah soo diray markii Labaad muddo bil ka yar

Hogaamiyaha maleeshiyada Alshabaab ayaa fariin maqal ah oo uu saacadihii la soo dhaafay soo diray ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladaha dagaalada ee ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo dagaaladaas ku tilmaamay kuwo heer gabo gabo maraya.

Fariinta Axmed Godane *Abuu Zubeyr*  oo aheyd cajalad maqal ah ayaa waxaa uu ku soo beegay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku sii xoojiyay in la sii wado dagaalka.

Fariinta oo aheyd mid dar daaran iyo guubaabo isugu jiray ayaa sida looga bartay Hogaamiyaha Shabaab waxaa uu inta badan ku cabiray suugaan gabayo ah, oo badankood ahaa guubaabo uu u jeedinayay dablaydiisa Shabaab.

“Mujaahidiinta waa inay sabraan, dagaalkana ay sii joogteeyaan”ayuu yiri Abuu Zubeyr oo shacabka Muqdisho ugu baaqay in dagaalka jihaadka ka qeyb qaataan, ayna garab siiyaan Mujaahidiinta sida uu yiri.

Abuu Zubeyr ayaa xusay in Dowladda KMG ay isugu darsantay khilaafaad iyo guluf maalmihii u dambeeyay ay ku qaadeen, kaasoo uu tilmaamay in jab xoogan ay ku gaarsiiyeen, isla markaana ay AMISOM ka gubeen Taangi.

Waxaa uu ugu baaqay Shucuubta dalalka Uganda iyo Brundi in aysan ka qoomameyn dhibaatada gaartay, oo uu tibaaxay in horay si la mid ah ay u gaarsiiyeen Mareykanka iyo Itoobiya.

Fariintan ayaa noqoneysa fariintii labaad oo muddo labo todobaad gudahood soo diro Hogaamiyaha Alshabaab, kaasoo farimihiisa yihiin kuwo maqal ah oo uu soo dhigo Warbaahinta Muqdisho

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada dowladda oo guulo ka gaaray dagaalada waqooyiga magaalada Muqdisho ka socda

Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta dowladda oo lagu magacaabo Sh. C/risaaq Qeylow oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Mqudisho ayaa saxaafadda uga warbixiyay dagaalada ku dhex maraya ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dagaalkii maanta ay ciidamada dowladdu horumar ka sameeyeen.

Afhayeen Qeylow ayaa sheegay in dagaal saakay ka dhacay halkaasi oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ciidamada dowladdu ku jabiyeen, iyagoona u geystay qasaarooyinka isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma uusan ka hadlin khasaaraha soo gaaray dhanka ciidamada dowladda, balse waxa uu sheegay in ciidamadu ay ku jireen oo kaliya difaac.

Shir jaraa`idka afhayeen Qeylow ayaa kusoo aadaya xilli sadex cisho ee lasoo dhaafay ay ka soconayeen waqooyiga magaalada Muqdisho dagaalo kulul oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Qeylow qeylo dhaan kasoo yeertay horjoogayaasha Shabaab taasoo ay warbaahinka kasoo daayeen isla markaana ugu baaqayeen shacabka in ay garab istaagaan maleeshiyada Shabaab.

Qeylow ayaa ugu baaqay in dhalinyarada ay ka feejignaadaan qeylo-dhaanta Shabaab, islamarkaana waxa ay hada adeegsadaana ay tahay oo kaliya caruurta yar-yar.

Si kastaba dagaalka maanta ka socda waqooyiga Muqdisho ayaa ka kulul kii shalay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

KOWDA LUULIYO IYO KARACHI Sawiro badan

Waxaa hamaynkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guurada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay Somaliya gaar ahaan gobalada koofureed ka xoroobeen gumaysihii talyaaniga.

 

Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira aqoonyahano, arday, dhalinyaro, hooyooyin iyo caruur, waxaana intii ay socotay madasha xaflada lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qudbado, majaajilo, heeso, gabayo iyo sidoo kale duco si wada jir ah loogu duceeyay Soomaliya.

 

Waxaa soo abuubulay kaalin wayna ka qaatay qabsoomida xafladaan ururo soomaaliyeed oo issu tagay kuwaas oo ka hawl gala Pakistan iyo meelo badan oo caalamka ah.  Ururadaan oo ah kuwo ka shaqeeya arimo kaladuwan sida caafimaadka, nabadaynta, midaynta iyo hormarinta ayaa waxaa ka mid ah:

 

  1. Xisbiga Waddaniyiiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato).
  2. Ururuka Waddaniga Soomaaliyeed.
  3. Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaakamacada Karachi University.
  4. Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hyderabad
  5. Dr. Osman foundation.

 

Ururadaan oo sal u ahaa qabsoomida xafladaan loogu dabaal dagayo kowda luuliyo ayaa intii lagu guda jiray waqtiga dabaal daga waxaa halkaas hadalo wax ku ool ah ka jeediyay madaxda ururada oo kala ah Abdirahman Hassan Shabuuti oo ah wakiilka xisbiga wadaniyiinta soomaaliyeed (Hanoolaato), Kamaal Xaaji Guuleed gudoomiyaha ururka wadaniga Soomaaliyeed, Shaafici Abdullahi Mo’alimgudoomiyaha ardayda jaamacadda Karachi Univesity, Ahmed Mohamed Hussien xoghayaha Jaaliyada Soomaalida Magaalada Hyderpad Dr. Mohamed Osman madaxa Dr. Osman Foundation iyo Farah Mohamed Sharawe gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Pakistan.

 

Dhammaan madaxdaas ururada oo halkaas hadalo qiimo leh ka jeediyay ayaa waxyaabihii ay ka hadleen ama diirada saareen waxaa ka mid ahaa ahmiyada ay kowda luuliyo u leedahay bulshada Soomaaliyeed, taariikhda soomaliya, taariikhda calanka buluga ah iyo taariikhda halgamayaashii soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ahmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwa kale oo badan, sidoo kale waxay bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba u direen salaam iyo farxad ku aadan kowda luuliyo iyagoo ilaahay uga baryayay in ilaahay quluubtooda isu dumo ayna noqdaan kuwa fahma dantooda guud iyo tan gaar ahaaneedba.

 

Waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigay ama looga hadlay ma,ahan  kuwa aan halkaan kusoo koobi karo, balse waxaa lama ilaawaan ah in halkaas aan lagu soo bandhigin oo kaliya qudbado, balse sidoo kale fanaaniin da yar ay ka qaadeen heeso wadani ah iyo sidoo kale gabayo kala duwan oo uu ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee lagu xasuusto maalintii la taagay calanka jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo ah

“SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” (Suldan Tima Cadde).

  

Xusitaanka kowda luuliyo maahan mid kucusub bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Pakistan, balse waxaa la is dhihi karaa xafladii xalay waxay ahayd mid ka xiiso iyo qiiro badan kuwii hore iyadoo kasoo qayb galayaasha wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo damaashaad. Mar aan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha sida ay u arkaan kowda luuliyo iyo sanad guurada 50 aad ayaa waxay ii sheegeen “in ay ku faraxsanyihiin u dabaal daga kowda luuliyo iyagoo sidoo kalana murugo ka muujiyay xaalada soomaaliya ay ku sugantahay waqti xaadirkaan”. 

 

 

Dabaal daga kowda luuliyo maahan mid ka dhacaya Pakistan oo kaliya sidoo kale kumanaan Soomaali ah ayaa aduunka daafihiisa uga dabaal dagaya kowda luuliyo, waxaase laga yaabaa dadka qaarkood inaysanba fahansanayn muhiimada ay leedahay kowda luuliyo.

v     1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada soomaaliya,

v     waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada   waqooyi, halkaasna ay ka curatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

v     Waa maalintii la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid somaali leedahay.

v     Waa maalin kumanaan soomaali ah ay la ilmeeyeen farax iyo damaashaad gumaystihiina uu la ilmeeyay murugu iyo naxdin.

 

v     Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.

 

Waxaa jira dad ka niyad jabsan dabaal daga kowda luuliyo oo ku andacoonaya maanta inay mudantahay in  la baroor diiqdo maadaama ay Soomaaliya meel adag xaaladeedu marayso, taas waxay ila tahay qaran iyo qaran la,aanba inay mar walba mudantahay in la xuso, loona dabaal dago kowda luuliyo maamadaama ay tahay maalin taariikhi ah oo aan mar naba la hilmaami karin. Waxaan ognahay in Soomaaliya muddo 20 sano ka badan nidaam la,aan iyo fawdo ka jirto, balse waxaan filayaa siday u indho la’dahay uma Alla-la’a, lagamana quusan in maalin maalmaha ka mid ah la arko soomaaliya oo mid ah. Waxaan rajaynayaa in ay soo bixi doonaan wadaniyiin soomaaliyeed oo dalka ka saara dhibaatada daashatay.

 

Somaliya ha noolaato Hana is raacdo

Hanbalyo kowda luuliyo

 

 

 

Qorre:

 

Durran Hassan Aden

Karachi, Pakistan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ahlu sunna oo diiday Wasiirada la magacabay

Afhayeenka Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo warbaahinta la hadllayay ayaa si kulul u weeraray Liiska Golaha Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay Xafiiska R/iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Al Qaadi waxaa uu sheegay in qaabka hadda wax loo dhigay ay ciriri galin doonto geedi socodkii nabada iyo howlihii dib u heshiisiinta ee la waday, waxaana uu intaa ku darray in Ahlu Sunna Waljameeca waxba ku laheyn Golaha Wasirrada cusub ee la magacaabay.

”Runtii waxaan u aragnaa in Ahlu Sunna Waljameeca loola dhaqmay qaab Jees Jees ah oo kale, waxaana muuqta in dhismahan cusub loogu talagalay in lagu bur buriyo heshiiiskii horay u dhaxmaray Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya’ ayuu yiri Al Qaadi oo dhinaca kale sheegay in Culima’udiinka Ahlu Sunna aheyn Jago doono laakiin Ujeedadoodu aheyn in ay isbadal cusub ku oo biiriyaan Dowladda hadda jirta.

Afhayeenku waxaa kaloo uu sheegay in xitaa aan wax wada tashi ah lagala sameyn dhinacooda magacaabista isaga oo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya in uu dhagaha ka fureystay baaqyo is daba jooga ah oo ka soo baxayay Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasoo looga digay R/iisal Wasaarruhu in uu magacaabo shaqsiyaad aan ka tirsaneyn Ahlu Sunna Waljameeca.

”Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca go’aan dhab ah ayeey ka qaadan doonaan dhismaha Xukuumada cusub mana u dul qaadan doonaan Culimadu in magacooda kuraas lagu siiyo shaqsiyaad aan wax raad ah ku laheyn Culimada, maadaama dadka wax hogaamiyaha yihiin kuwo Diinta iyo Shareecada Islaamka wax ka yaaqaana ayuu yiri Al Qaadi.

Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay ayaa waxaa ka dhax muuda Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ay horay uga qeyliyeen Saraakiisha Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo Dowladda ku wargaliyay in aysan matalin, waxaana ka mid ah Shaqsiyaadka ay tilmaameen Saraakiishu Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo hadda laga dhigay Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalo ka socda Magaalada Muqdisho

 Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ka jeeda iyo Maleeshiyada Shabaab oo ay ka barbar dagaalamaya dagaalyahano al qaacida ah ayaa saakay dib uga bilowday degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Shibis ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid toos u dhexmaraya labada dhinac, ayna dhacayaan madaafiic culus oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah sababay.

“Duqeymo culus ayaa ka socda waqooyiga Muqdisho, madfac ku dhacay Isgoyska Maanaboolyo aya sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca in ka badan shan qof oo kale, kuwaasoo ahaa rayid doonayay inay dagaalka ka cararaan” ayuu yiri goobjooge.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu yahay mid aad uga culus dagaallo shantii casho ee lasoo dhaafay ka socday degmooyinkaas, uuna dagaalku qarxay markii ciidamada Dowladda ay weerarka qaadeen, iyadoo dagaalladan ay kusoo beegmeen hal maalin oo laga nastay dagaallo degmooyinkaas ka socday.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mustaf Dhuxulow :Siyaasi degan Maskax aragti dheer leh

Waa nin degan, waxaa uu leeyahay muuqaal mas’uuliyadeed, waxaa la oran karaa waa siyaasi garan kara waxyaabaha ku soo wajahan micnaha waxaan ula jeeda Mustaf inuu ka duwan yahay Siyaasiyiinta Somalida la bartay wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay somaliya waayo waa nin aqoonyahan ah oo dhalinyaro ah isla markaana maskax aragti dheer leh, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay raga fara ku tiriska ah ee ku jira baarlamaanka KMG ah ee la saan qaadi kara adduunyadan horumartay waxna la qeybsan kara Siyaasiyiinta shisheeye.

Dabcan waxaa uu miisaan culus oo siyaasadeed ku lahaa dib u heshiisiintii ka dhacday Jabuuti ee lagu soo doortay Madaxweyne Shariif Sh Axmed, Mustaf Dhuxulow,waxaa uu ka mid ahaa 2 Wasiir oo si bareer ah u garab istaagtay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) markii uu isaga iyo madaxweynihii waqtigaas C/llaahi Yuusuf isku khilaafeen dib u heshiisiintii dhex martay Dowladda Federaalka iyo mucaaradkii Asmra ee Shariif Sh Axmed Madaxda ka ahaa.

Mustaf Dhuxulow haddii si kale loo dhigo sheekadu waxaa uu ahaa maskaxdii ka dambeysay in Nuur Cadde ku dhiirado wadahadaladaas ka socday Jabuuti.

Talaado, August 05, 2008 Mustaf Dhuxulow isagoo ahaa Wasiirka Beeraha iyo Biyaha ayaa isaga iyo xubno kale oo golaha Wasiirada ka tirsanaa waxay magaalada Baydhabo ka sheegeen in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka soo horjeedo isla markaana jallaafeynayo Dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda

WAXAA KA MID AHAA XUBNAHAAS Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxmed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Mustaf Dhuxulow ayaa waxay dhammaantood shirka jaraa’id ka sheegeen in madaxweynaha uusan raali ka ahayn dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wax ka waddo  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa isna wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu Maamulka Puntland u ogolaaday in uu shidaal soo saarto dhinaca kalena uu ka soo horjeedo nabadda iyo dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu nabadeynayo deegaannada colaadaha ka jiraan.

Hadalkaas uu jeediyay Dhuxulow waxaa uu ku helay taageero fara badan oo dhinaca Siyaasadda,haddii ay ahaan lahayd Somalida ama beesha Caalamka.

Labo Sano kadib Sheekh Shariif oo ku soo Laabtay Magaalada Muqdisho,maalintaas waxay ahayd December 10,  2008, Wafdigan ayaa ka kooban 30-xubnood oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxaana si diiran halkaas ugu soo dhoweeyay xubno sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa ama hoggaaminayay Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow iyo xubno kale.

Dhuxulow waxaa uu ka mid ahaa xubnihii maskax ahaan iyo aqoon ahaan ka dambeeyay in Sh Shariif ku soo laabto Magaalada Muqdisho kadib markii lagu soo wada hadlay dalka Jabuuti.

DHUXULOW iyo saaxiibadiisa sida Nuur Cadde, Axmed C/salaam waxay ay markii ay xukuumadda qabteen ku dhaqaaqeen in ay badbaadiyaan suuqa bakaraaha oo xad iyo jeer bartimaameed ka dhigan jireen Saraakiishii Dowladda sida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Taliyihii Nabad sugidda Darwiish.

Tallaabadaas waxay abuurtay in ay kalsooni badan ka helaan dadweynaha Magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha kale oo Mustaf Dhuxulow qeyb libaax ka qaatay waxaa ka mid ahaa dhismihii Maamulka Gobolka Banaadir ee loo doortay Dhagaxtuur iyo xubno kale taasina waxay ka mid ahayd is bedelkii siyaasadeed ee lagu amaanay Dowladdii Nuur Cadde ama Dhuxulow iyo Axmed C/salaam.

Doorashada Golaha degaanka Gobolka Banaadir ayaa dhacday 24 Novembar 2008.

Dad badan ayaa aaminsan in Xildhibaan Mustafe Sh. Cali Dhuxulow uu ahaa maskaxdii ka dambeysay ama tilmaamaysay xukuumadda Nuur Cadde uu ahaa maadama wax badan oo horumar leh ku tallaabsatay xukuumaddaas haddii ay ahaan lahayd Siyaasadda dibadda iyo gudaha.

Taageerayaashii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa marar badan farta ku taagayay Mustaf Dhuxulow ama Axmed C/salaam iyagoo ku doodi jiray in labadan nin sabab u yihiin in beesha Caalamka kalsoonadii kala laabato Madaxweyne Yuusuf.

Xataa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa kula dagaalamay Ra’iisal wasaarihiisa Nuur Cadde in uusan ku soo darin golaha Wasiirada Dhuxulow iyo Axmed C/salaam isagoo u arkayay in ay khatar ku yihiin siyaasadiisa.

Mustafe Sh. Cali Dhuxulow markii Jabuuti la isugu tagay ama la ballaariyay Baarlamaanka kadibna Madaxweyne la doortay kuma mashquulin in uu ka soo dhex muuqdo Golaha wasiirada cusub, taasina waxaa sabab u ah hadafkiisa ma ahayn kursi ee waxaa uu ahaa danta guud ee Soomaaliyed.

Isagoo Baarlamaanka la hadlayay markii Xukuumadda Kalsoonada loo qaadayay ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in codka kalsoonada la siiyo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid maadaama uu yiri waxaa lagu jiraa waqti adag oo dalka iyo dadka soomaaliyed la badbaadin lahaa.

Isagoo Xildhibaan ah ayuu la shaqeeyay Dowladda Madaxweyne Shariif Sh Axmed, marna kuma gorgortamin jago ama dhaqaale waxaa uu door biday in uu u adeego dadkiisa iyo dalkiisa.

Mustaf Dhuxulow waxaa xiriir wanaagsan la leeyahay wakiilada beesha Caalamka iyagoo ku tixgeliya furfurnaanta siyaasadiisa iyo inuu yahay siyaasi mar kasta fursad u banana tahay oo waqti badan haysta.

Dad badan ayaa ku doodi jiray in haddii Golaha wasiirada uu ka mid ahaan lahaa Mustaf Dhuxulow fikirkiisa wax badan ku soo kordhin lahaa xukuumadda Cumar C/rashiid, taasina waxay daliil uga dhigayaan wada shaqeynta uu la leeyahay madaxda Dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweyne Shariif iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

Dalalka deriska la ah Somaliya, diblomaasiyiin ka tirsan waxay sheegeen in Mustaf Dhuxulow furo u noqon kara Siyaasad dhexdhaxaad ah oo ay isku fahami karaan Dowladda Somalida iyo dalalkooda maadama bay yiraahdeen uu yahay nin aqoonyahan ah oo wax badan laga faa’ideysan kara isla markaana uu yahay nin nabadeed muhiimadiisana ay tahay horumarinta siyaasad wadahadal ku dhisan.

Ma aha nin in badan bannaanka is dhiga ama ku hadla hadalo is burinaya waa siyaasi u fiirsada hadaladiisa.

Ka sokow diblomaasiyintaas waxaa jira xubno Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo ku doodaya in Mustaf Dhuxulow micno badan ku soo kordhin lahaa Dowladda haddii uu ka mid ahaan lahaa Golaha wasiirada.

Dhuxulow waxaa uu qeyb libaax ah ka soo qaatay wadahadaladii Magaalada Adis ababa ku dhex maray Dowladda iyo Ahlu sunna, isagoo markaasi ahaa Lataliyaha Madaxweynaha.

Isku shaandheynta uu ku sameeyay Golihiisa Wasiirada R’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Cumar C/rashiid waxaa haatan ka dhex muuqda Mustaf Dhuxulow iyo Axmed C/salaan.

Dhuxulow waxaa loo magacabay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah, wuxuuna bedelayaa ninkii isaga jagadaas kaga horeeyay C/raxmaan Cabdishakuur oo aan lagu soo darin Golaha Wasiirada cusub.

In Xubnahan lagu soo daro Golaha Wasiirada waxay muhiim u tahay Dowladda maxaa yeelay waxaa la aaminsan yahay in is bedelo Siyaasadeed dalka ku soo kordhin doonaan.

Nuuradiin Macalin

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Amniga Qaranka

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Guddiga Amniga Qaranka

Shariif Madaxweynaha Dowladda KMG ah isagoo xiran dharka Ciidamada oo maalmahan ku gaaf wareegayay xarumaha Ciidamada iyo jiida hore ee dagaalka ayaa kala hadlay xubnaha Guddiga Amniga.

Xubnihii shirkan  ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa  Wasiiraka Arimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar , Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi maxamed cali , Taliyaha Ciidamada XDS jen:Maxamed Geelle kaahiye, Taliyaha Cidanka Boliska Somaliyeed Gen: Cali maxamed xasan Cali Madoobe. Taliye Kuxigeenka Nabad Sugidda Qaranka Gen Nuur shirbow.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay Xaaladaha Dagaal ee ka jira dalka, sida looga mira dhallin karo Amni ku soo celidda dalka Soomaliya iyo sidii Loo dar dar galin lahaa Howlaha Ciidamada Qaranka.

Ujeedada ugu weyn kulankan laga lahaa ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argigixisada oo Shabaab ka mid tahay.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Liiska Golaha Wasiirada cusub

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Walaayo ayaa warbaahinta u aqriyay liiska wasiirada oo u qornaa sidatan:-

  1. R/wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe).
  2. R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).
  3. R/wasaare ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka. C/waaxid Cilmi Goonjeex.
  4. Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda. C/kariim Axmed Cali.
  5. Wasaaradda arrimaha dibadda Yuusuf Xsan Ibraahin dheeg.
  6. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir cali Cumar.
  7. Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi.
  8. Wasaaradda Amniga Qaranka Axmed C/salaam xaaji Aadan.
  9. Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mustaf Sh Cali dhuxuloow.
  10. Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
  11. Wasaaradda Haweenka iyo aerr. Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh.
  12. Wasaaradda xanaanada Xoolaha C/casiis Lafta Gareen.
  13. Wasaaradda dastuurka iyo arr. Federaalka Madoobe Nuunoow.
  14. Wasaaradda beeraha beeraha. Maxamed Ibrqaahin xaabsade.
  15. Wasaaradda hantida qaranka iyo qalabeynta maxamed Mursal.
  16. Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cali Axmed (Jingili).
  17. Wasaaradda dhaqancelinta iyo arrimaha bulshada. Prof. maxamed cumar Dalxa.
  18. Wasaaradda gargaarka aadamiga. Maxamud Cabdi Ibraahin (Garweyne).
  19. Wasaaradda warfaafinta. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).
  20. Wasaaradda Cilmi barista iyo technology-yada Maxamed cali Xagaa.
  21. Wasaaradda macdanta iyo biyaha  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
  22. Wasaaradda dib-u-dhiska  Xuseen Ceelaabe faahiye.
  23. Wasaaradda dalxiiska iyo duur joogta C/laahi Yuusuf Cigaal.
  24. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maxamed cabdi Xayir Maareeye.
  25. Wasaaradda Caafimaadka. Maxamuud Jirde Xuseen.
  26. Wasaaradda tamarta iyo shidaalka C/raxmaan Jaamac.
  27. Wasaaradda Boostda iyo isgaarsiinta C/risaaq jurille.
  28. Wasaaradda jaaliydaha C/laahi Axmed c/lle Azhari.
  29. Wasaaradda ganacsiga C/rashiid Maxamed Cirro.
  30. Wasaaradda howlaha guud iyo griyeynta Yuusuf Geelle Ugaas.
  31. Wasaaradda warshadaha C/lla Boos Axmed.
  32. Wasaaradda Bay’ada iyo dhirta Burci maxamed xamza.
  33. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ispoortiga Qadiijo maxamed diiriye.
  34. Wasaaradda Hormarinta reer Miyiga. Maxamed Cabdi Yuusuf.
  35. Wasaaradda waxbarashda iyo barbaarinta  C/nuur Macalin Maxamuud.
  36. Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Sh Nuur Cali Aadan.
  37. Wasaaradda dib-u-heshiisiinta Xuseen Warsame samatar.
  38. Wasaaradda Lacagta C/laahi Maxamed cali (sanbaloolshe).
  39. Wasaaradda hub ka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar cali Rooble.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maalintii 3 aad ayaa dagaal culus ka socda Magaalada muqdisho

Dagaal culus, ayaa wali ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo lagu jiro sanad guuradii 50 aad markii Soomaaliya xoriyadda heshay

Ugu yaraan 25 qof, ayaa ku dhintay dagaal maalintii 3-aad ka socda Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya kooxaha mucaaradka ee Al-Shabaab ay ugu horayso iyo ciidamada dowladda oo ay la socdaan kuwa AMISOM.

Shalay madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, isagoo raacay mid ka mid ah taangiyada ciidamada AMISOM, waxaana u gashanaa qalabka xabadda laga xirto.

Dadka dhintay ayaa u badan dad rayid ah oo ay ku dhaceen madaafiic ku dhacay isbitaalka Kaysaneey, Suuq-Bacaad iyo deegaano kale oo dad rayid ah degan yihiin. 7 ka mid ah saakay ayay ku dhinteen dagaalada dhacay.

Dagaalka xoogiisa, ayaa ka socda degmada Cabdulcasiis, hase yeeshee, madaafiicdu waxay ku dhacayaan meelo ka fog fog goobaha lagu dagaalamayo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Siilaanyo iyo Nololshiisa

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936.

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare wuxuu ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan ee Shiikh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946 ilaa iyo 1960.

1960-kii ilaa iyo 1965-tii wuxuu Axmed-Siilaanyo ku jiray Jaamacad ku taal Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaas oo uu ku qaatay shahaaddada koowaad iyo tan labaad ee cilmiga Dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965 ilaa Oktoober 1969, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu talada afgambi kula wareegay 21kii Oktoober 1969, waxaa Axmed-Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.

Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ilaa 1982 oo uu ka baxsaday dowladdii kacaanka.

1982, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM.

18 May 1991 shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen gooni isutaagga Somaliland wuxuu Axmed-Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993 wuxuuna ka tirsanaa ilaa 1997.

1997 ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta, isaga oo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu guddoomiye ka noqday.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed-Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 cod oo keliya, waanay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isaga oo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Axmed-Siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirdde, oo ah qof aqoon yahan ah

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Dowladda oo guulo ka gaaray dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho

Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM oo is kaashanaya iyadoo Madaxda sare ee Dowladda ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka.

Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global halkaas oo maalmahan ay ku dagaalamayeen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradka.

Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.

Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.

Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka cul culus oo ay adeegsanayaan kooxaha dagaalamaya.

Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay mid sababi kara haddii uu sii socda in Dowladda gacanteedu ku hanato degaano badan oo Magaalada muqdisho ka mid ah.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shariif Sh Axmed oo Ciidamada la socda Sawirada

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sh Shariif Sh Axmed oo tagay jiida hore ee dagaalka ayaa deeq loogu talagalay ciidamada xoogga ka gudoomay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yuusuf Cali Ceynte,Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale,Xildhibaanad Aamino Saciid,Xildhibaanad Maryan Sh.Cusmaan iyo Xildhibaano kale ayaa jiida hore  ee dagaalka deeq ay ugu talagaleen ciidamada Xoogga ee howlgalada ka wada qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho,  ku gudoonsiyay Madaxweeyne Shariif oo tagay Jiida hore ee dagaalka isagoo xiran dharka Ciidamada iyo qalabka la isaga difaaco rasaasta.

Deeqda ay xildhibaanadu gudoonsiiyeen Madaxweeyne Shariif ayaa waxa ay ka koobneyd 100-kartoon oo biyo ah, 80-Kartoon oo Timir ah, 40-Kartoon oo Malaay ah, waxaana qaar ka mid ah  Xildhibaanada oo halkaasi ka hadlay ay sheegeen in ay garab taaganyihiin howlgalada Ciidamada Xoogga dalka ay ku xoreeynayaan guud ahaan wadanka,  Isla markaana ay sii wadi doonaan taakuleeynta ciidamada,  iyagoo intaa ku daray in xildhibaanadu ay naftooda u horayaan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ujeedada Madaxweynaha u xirtay dharka Ciidamada isla markaana uu tagay jiida hore ee Ciidamada fadhiyaan ayaa waxay qeyb ka tahay dhiirigelinta ciidamada.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)


advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==