Maleeshiyada kooxda Xisbul-Islaam la baxday ayaa maanta warbaahinta Muqdisho ku ammartay in aysan tebin Karin munaasabadda maalinta xornimada Soomaaliya.
Xaashi Maxamed Faarax oo kamid ah kooxda Xisbul Islaam ayaa maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ugu hanjabay wariyeyaasha iyo milkiilayaasha idaacadaha in aysan tebin Karin wararka iyo barnaamijyada la xiriira xuska Munaasabadda 1da Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed, isagoona sheegay in maalintaasi ay tahay xuskeeda mid aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida uu horjooge Xaashi hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale tibaaxay horjooge Xaashi Maxamed Faarax in aanay idaacaduhu gebi ahaanba ka hadli Karin oo aanay warar ka samayn Karin munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada Nabi Muxamad NNKH, isagoo sidoo kalena si gaar ah ugu hanjabay wariyihii ka qayb gala Munaasabadahaasi ay ciqaab uusan sheegin marsiin doonaan.
Hadalka Xaashi Maxamed Faarax ayaa ah mid daba socda hadal uu dhowaan jeediyey afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere kaasi oo isna uu ugu gefay Sharafta Calanka islamarkaana meel ka dhac uu ugu sameeyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee dhiigooda u huray xurnimada ay umadda Soomaaliyeed maanta ku naaloonayaan.






