Wasiirkii Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Wasiirada, isagoo sheegay in Xukuumada ay gabtay waxyaabihii loo igmaday.
C/raxmaan C/shakuur ayaa isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumada ay fulin weyday ammaanka, Dib u Heshiisiinta, Bani’aadanimada iyo in dadkii ka barakacay dagaalada ay dib u soo celiso, taasoo uu ku qeexay in ay qeyb ka aheyd shirkii Jabuuti.
“Afar qodob ayay Xukuumada wax ka qaban weysay, taas ayaa u sabab u aheyd waxqabad la’aanta”ayuu yiri C/shakuur oo sheegay in waraaqdiisa Istiqaalada ay gaartay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa Xerta Aala-Sheykh ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay uu ka mid ahaa shaqsiyaadka la hadal hayay inuu is casili doono, waxaana la ogeyn in wasiiro kale ku soo biiri doonaan iyo in kale.
Waxaa uu ka mid ahaa Wasiiradii gacanta midig ee Madaxweyne Shariif, wuxuu ahaa Hogaamiyihii Shirkii Jabuuti, isagoo hogaaminayay Kooxdii ARS-ta, waxaana uu noqonayaa wasiirkii afaraad ee ka tagay Xukuumada Cumar C/rashiid






