Wadamada warshadaha hore ugu maray ee loo yaqaano G.8-ka ayaa isku raacay in la taageero Dowladaha Soomaaliya.Pakistan iyo Yaman si loola dagaalamo Argagixisada.
Kulan madaxeedka hoggaamiyaasha wadamada G_8-ka ee ka soconaya magaalada Toronto ee xarunta dalka Canada ayaa waxa ay si wayn uga hadleen xaaladaha argagaxisada ee aduunka dhibaatada ka wada gaar ahaan wadamada Soomaaliya,Afgaanistaan.Pakistaan iyo Yamen ayagoo balanqaaday in ay iska kaashanayaan ladagaalanka kooxaha argagaxisada ah.
Hadal ay ka soo saaren kulankooda ayaa lagu sheegay in kooxaha argagaxisada ah iyo kuwa kale ee denbiilayaasha caalamaka ah in ay doonayaan in ay kobciyaan howlahooda argargaxisanimo taasna ay khatar ku tahay jiritaanka caalamka oo dhan.
Waxa ay wacad ku mareen in ay taageerayaan dowladaha dalalkaasi ka jira si ay u fududaato soo afjaridda kooxahaasi u jeedkoodu yahay in ay dagaalo ka huriyaan aduunka oo dhan.
Ururka ayaa adkeeyay baahida loo qabo in si wada jir ah looga soo horjeedo kooxaha Alqaacidda.
Hadalka Ururka wadamada G.8-ka ayaa imaanaya xilli wadanka Soomaaliya ay ka dagaalamaan kooxo Arga gaxiso ah oo ay gacan ka helaya maleeshiyaad Soomaali ah oo qandaraas kooxahaasi kula soo galay hurinta colaadaha dhiigu ku daadanayo ee saamaynta ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo kala danbeynta u ooman.






