Ku dhawaad 21- ruux oo ay ku jiraan Soomali ayaa geeriyootay kadib markii ay la qalibmatay Dooni ay Saarnaayeen taasi oo mareysay wabi u dhexeeya Dalalka Giriiga iyo Turkiga.
Sida laga soo xigtay Saraakiisha Greeca , 21 ruux oo muhaajiriin Africaan ah ayaa ku geeriyootay webi ku yaala inta u dhaxaysa wadamada Turkiga iyo Giriiga kadib markii ay la rogmatay Dooni ay ku safrayeeen.
Dadkaas dhintay ayaa waxay doonayeen in ay u soo gudbaan dhinaca dalka Greeca, waxayna ka yimaadeen dhinaca dalka Turkiga.
11-ka mid ah dadkaasi ay ku geeriyooday dhinaca wadanka Giriiga halka 5 kalana ay nafwaayeen gudaha wadanka Turkiga, sida ciidamada boolisku laga soo xigtay.
Doonidan ay saarnaayeen muhaajiriinta ka socota qaaradda Africa ayaa lagu soo waramay in ay ciladd soo wajahaday xilli ay ku sii jeedeen wadanka Giriiga, taa oo ku qalibantay goobta lagu magacaabo Dela Foos oo u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriiga .
Mana ahan markii ugu horaysay oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku geeriyoodaan amma dhibaato ay ka soo gaarto safarada ay ugu tillaabayaan wadamada shisheeyee, maadaama wadankooda hooyo ay dagaalo ka ooganyihiin






