Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo looga hadlayay xaaladda Gaza iyo weerarkii dhawaan ciidamada Israel ay ku qaadeen markabkii sida gargaarka ee ka yimid waddanka Turkey.
Shirka oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee waddanka Masar ayaa waxa Soomaaliya uga qeybgalay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee dowladda KMG ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu shir guddoominayay kullankaasi wadamada Carabta.
Wasiirka oo kullanka kadib hadlay ayaa sheegay in go’aamo 13 qoddob ah ay ka soo saareen shirkaasi aan caadiga ahayn oo uu sheegay inay ugu horeysay uguna muhiimsaneyd in la jabiyo cunaqabateyntii saarneyd Gaza.
Waxaa kale oo ay ka dalbadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah in Israel la soo taago oo lagula xisaabtamo dambiyada ay geysatay






