Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa been abuur ku tilmaamay eedeymaha ay u soo jeediyeen guddiga Maaliyadda barlamaanka ka hor inta uusan qaban xilka ee ahaa in uu lunsaday hanti qaranku leeyahay.
Shariif Xasan Sh Aadan ayaa hadal xaqiiqada ka fog ku tilmaamay eedeymahaasi, isagoo sheegay in dhaqaalaha wasaaraddu ay ahaayeen kuwa muuqda oo la marsiiyay meelo ay dowladdu ogtahay, isagoo qiray in maamulka wasaaraddu uu ahaa mid ballaaran oo uusan isaga ku koobneyn, wuxuuna beeniyay in haba yareetee uu qaatay hanta qaranku leeyahay.
“wasaaradda maaliyadda kaligeey ma maamuleynin waxaa jiray agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo howsha waday, kaligey maanan wadin howsha, haddalada qaar waa borobagaando la fidinayo” ayuu yiri Sh Shariif Xasan.
Gudoomiyaha barlamaanka oo horay u ahaa Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda ayaa sheegay in dhamaan hantidii qaranka uu ku wareejiyay ciddii xaqqa u lahayd ka hor inta uusan is sharixin, wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo.
“wax kasta oo dalka soo gelayo iyo meesha ay ka imaanayaanba waa kuwo xisaabsan oo muuqda, marka shaqsiyaadka wararkooda waa kuwo u gaar ah” ayuu yiri Xasan oo hadalkiisa sii raaciyay “ wax alaale wixii aan hayay waan wareejiyay waxaana ku wareejiyay ciddii ay ahayd in aan ku wareejiyo”.
Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha ah in doorashada gudoomiyenimada Barlamaanka uu u adeegsaday Dhaqaalaha Dowladda, wuxuuna dadka fekerkaasi qaba ku tilmaamay kuwa ka gabanaya guul darrada, isagoo sheegay in uu horay xilkaan ugu guuleystay.
“Hadalkaasi waa been, waxaana ku hadlay kuwo guul darrada diidaya, iiguma horeyso in aan ku guuleysto gudoomiye Barlamaan hadda, horayna waa la ii dhahay lacag ayaad bixisay markaan guuleystay marka iguma cusba hadalkaan”.
Shariif Xasan Sh Aadan ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta uu muranku ka taagan yahay ee ah gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlaamanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sharci yaqaano ka tirsan Barlamaanka loo xilsaaray arrintaasi go’aanka ay leeyihiin mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sh Aadan oo wax laga weydiiyay waxa uu ka bedeli doono xaaladda dalka maadaama loo doortay gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, ayuu sheegay in uu qaban doono howsha u taalo oo ah arrinta barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa ku daray “waxaan ahay afhayeenka barlamaanka, waxaana ilaalin doonaa axdiga iyo xeer hoosaadka dalka, shaqadeysu waa taas iyo go’aamada barlamaanka”.






