8-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ayaa ku geeriyootay qarax barqanimadii maanta ka dhacay Xaafada Afisyooni ee degmada Xamar Jajab, iyadoo qaraxaas lala eegtay Ciidamada iyagoo gaari saarnaa.
Qaraxan oo ahaa miino nuuca meelaha fog fog laga hago ayaa lala eegtay Ciidamada, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen arday dhigata Iskuulaadka, oo meesha qaraxa lagula beegsaday marayay.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab C/baasid ayaa ka hadlay qaraxa, isagoo ku eedeeyay in qaraxaas ka dambeeyeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG.
Askarta ku geeriyootay qaraxa ayaa duhurnimadii maanta waxaa aas wadareed loogu sameeyay Deegaanka Jaziira, iyadoo aaskaas ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Xuseen Caraale oo ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb galay aaska ayaa sheegay in Ciidamada ay ahaayeen kuwo u dhintay qaranka, waxaana uu ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Cadawga.
maleeshiyada shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyan qaraxan iyagoo qaaday mas’uuliyadda qaraxan






