Maleeshiyada Shabaab ayaa maanta ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha 2 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Xisbul-Islaam ayadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen xiisad u dhaxeysa labada koox.
Warar xog-ogaal oo laga helay deegaanka Ceelasha Biyaaha ee duleedka magaalada Muqdsiho ayaa sheegaya in halkaasi ay maleyshiyaadka Shbabaab ay ku dileen 2 ruux oo hubeysnaa, kuwaas oo wararku sheegayaan in maleyshiyada kooxda Xisbul Islaam ay ka tirsanaayeen.
Labada ruux ee lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin wiil iyo aabihiis oo labadu ka tirsanaa maleyshiyada kooxda Xisbul Islaam, iyadoo dilkoodu uu ku soo aadayo xilli maleeshiyada kooxda Shabaab ay wadday qorshe ay gebi ahaanba deeganada ay joogaan uga sifeynayaan kooxda uu hogaamiyo Xasan Daahir.
Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu dhex maro kooxaha Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo muddooyinkii dambe ku dagaallamay meelo kala duwan oo dalka ah, waxaana hadda ka taagan deegaanka dhaqdhaqaa ay sameynayaan maleeshiyaadka Xisbiga oo ka cabsi qaba in la soo weeraro.






