Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa faah faahin ka bixiyay ka bixitaankooda magaalada Beledweyn iyo qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo uu maalmo ka hor ka soo baxay Maamulkiisa, isagoo ku tilmaamay mid ay ku bad baadinayaan dagaal ka dhex qarxa iyaga iyo Shabaab.
Xasan Dahir ayaa si cod hoose ku jirta u sheegay in ay dulqaad sameynayaan, bedelkii ay Shabaab xumaatay, isagoo tallaabada ku tilmaamay mid damac ku jira sida uu yiri.
“Runtii waxaan anagu bad baadineynay dhiiga shacabka reer Hiiraan iyo midka Mujaahidiinta, mida kale waxaan diidaneyn inaan dagaalano cadawgana nagu farxo”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.
Isagoo ka hadlayay dood ka baxeysay Idaacada Horn Afrika ayaa waxaa uu sheegay inuu isaga uu ogol yahay midnimo, hase ahaatee waxaa hadalkiisa laga dhadhansan karay inuu diidanaa ku biirida Shabaab.
“Horta ku biirid waa shey, labo urur waa midoobi karaan ,siyaasad ahaan iyo mabda’ ahaan, taas anaga ayaa diyaar u ahay, laakiin in marka hore la fahmo labadaas qodob ayaa muhiim ah”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ka leex leexanayay su’aalo badan oo dhageystayaasha soo weydiiyeen.
Sheekh Xasan Dahir ayaa isniintii sheegay in waxa ka dhacay Hiiraan ay dhaawacayaan Midnimada labada dhinac ee Shabaab iyo Xisbiga, isagoo cambaareeyay tallaabada qaar ka tirsan Saraakiishii Hiiraan ay ugu biireen Shabaab.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Shabaab ay dhameystirtay qorshaha ay xididaha ugu siibeyso Xisbul Islaam, iyadoo adeegsanayo xeelad iyo xoog, waxaana Xisbiga haatan uu ku soo uruuray Afgooye min Ceelasha Biyaha






