Archive | June, 2010

Robow dhaawac gaaray ayuu la liita maalmahan

 Dagaal ka dhacay degamada Shibis ayaa waxaa ku dhaawacmay Mukhtaar Robow Cali oo kooxda shabaab u taqaan abumaansuur sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Afgooye ku daweeysay.

Dhaawacu waxa u ka gaaray barrida iyo iyo lug, sida ay sheegeen saraakiisa caafimaadku.  Mukhtar oo lugta ka duuban ayaa lagu arkay agagaarka nabasugidii hore isagoo an fariisn karin.

Lama ogaa in dhaawacani salfan doono noloshiisa iyo in kaleh balse waxaa u yareeyn kara dhibti ummada u ku hayaay. Dhaawacan ka hor Robow waxaa u qabay cabsi ah in dilo iyadoo waliba tartan awoodeed u kula jiro hogaamiyaha maleeshiyada shabaab Axmed Cabdi Godane.

Marki u dhaawacmay Robow waxaa goobta u joogo ku dhintay mid ka mid ah dhalinta la soo majaro habaabiyay ee loogu wacay waxaa logu yeero jihad ee shabaab ku adeegsadaan.

Waxaa Robow u rabay inuu soo qaado meeydka ninkaasi, xubnoo shabaab ah ayya sheegay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Odayaasha Hawiye oo ku edeeyay in Shabaab dumarka iyo carrurta gabaad ka dhigtaan

Lix oday oo ka tirsan beelaha dega Muqdisho ayaa sheegay in shabaab dumarka iyo carrurta ay ka dhigtaan qalab looga dhuunto rassasta iyagoo sababa dhimashoo iyo dhaawac markatsa gaara. Maxmuud Macliin Hassan oo ku hadlayay magaca odayaasha ayaa sheegay in Shababaabku rabaan in ay dagaalamaan isla markaana aanay ka dhex bixin goobaha shacabka.

“Boqolkiiba 70 ayaa la badbaadin laha dhibaatada ku timaada shacabka haddi ay shabab ka dhex bixi lahaayeen dumarka iyo carrurta waxaan heli laheeyn badbaado,” ayuu sheegay Duq Maxamuud oo horey u ahaan jiray macallin quraan balse haatan Howlgab ah.

Waxaa u intaa raaciyay “shabaab inta ay dal qabsadaan ma xukumi karaan waa ineey dowlad ay wadaag ku yihiin la dhiso.”

Waxaa isna halka ka hadlay Axmed Baaruud oo sheegay in shabaab aanay awwodin in xeryo coodan ay dhistaan oo shacabka ka dhex baxaan.

“Markii shabaab ka dagaalamayo dhuusamareeb waxaa ka dhinta dad badan balse muqdisho ciidan kama dhinto sababtoo ah dhimashadu waxaa u leexata dhinaca dadweeynaha,”  sida waxa yiri Axmed.

“Shabaab iyo kuwa madaafiicda soo tuura waa isku mid, askarta Ugaandha  qori weeyn ayuu dadweeyne ku soo tuuraan iyagoo ka fikirin shacabka, shabaabna dad meel ay tagaan waayay ayeey dhufeeys ka dhigtaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Waxeeyna duqeeyda soo jeediyeen in shabaab ka baxaan meelaha dadku ku badan yihiin haddi ay garan waayeen in ay ka qeeyb qaataan wada xaajood nabad.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabab iyo Lahaystaha Faransiiska

Denis Allex oo ah Sarkaalka u dhashay Faransiiska ee ay haysteen kooxda al-Shabaab ayaa Faransiiska ugu baaqay inay ka shaqeeyaan siideyntiisa.

Sarkaalkan ayaa hadalkaasi ka jeediyey cajalad Video ah oo uu ka soo dhex muuqday maanta, taasoo  lagu faafiyey bogga Internet-ka,

Cajaladan ayaa lagu baahiyey bogga YouTube-ka iyo kuwa kale, wuxuuna Denis Allex ugu baaqay shacabka Faransiiska inay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn
lahaa.

Allex ayaa cajaladaasi ka akhriyay dhowr shardi oo ay kooxda Al-Shabaab ku xirtay sii
deyntiisa.

Wuxuu sheegay inay in Al-Shabaab ay dooneyso in Fransiisku uu Somalia kala noqdo taageerrada siyaasadeed iyo midda millitari oo uu siiyo Dowladda KMG ah ee Somalia, iyo inuu dhammaan la taliyayaashiisa kala boxo Somalia, isla markaana sidoo kale la baxo ciidankiisa ilaallada xeebaha ee jooga Geeska Africa.

Alex ayaa intii uu hadalka jeedinayey, waxaa ag-taagnaa afar nin oo wajigooda daboolan yahay oo wata qoryo iyo rasaas.

 Allex wuxuu
kamid yahay laba nin oo la taliye millatari ahaa oo iyagu doonayay inay tababar u fidiyaan ciidanka Dowladda KMG ah. Labadaasi nin ayaa Muqdisho lagu afduubtay sanadkii hore.

Ninkii kale ee la socday sarkaalkan ayaa ka baxsaday kooxihii heystay, bishii August 2009

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo sheegtay qarax lagu laayay askar ka tirsan Dowladda KMG ah Somaliya

8-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ayaa ku geeriyootay qarax barqanimadii maanta ka dhacay Xaafada Afisyooni ee degmada Xamar Jajab, iyadoo qaraxaas lala eegtay Ciidamada iyagoo gaari saarnaa.

Qaraxan oo ahaa miino nuuca meelaha fog fog laga hago ayaa lala eegtay Ciidamada, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen arday dhigata Iskuulaadka, oo meesha qaraxa lagula beegsaday marayay.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab C/baasid ayaa ka hadlay qaraxa, isagoo ku eedeeyay in qaraxaas ka dambeeyeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG.

Askarta ku geeriyootay qaraxa ayaa duhurnimadii maanta waxaa aas wadareed loogu sameeyay Deegaanka Jaziira, iyadoo aaskaas ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Xuseen Caraale oo ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb galay aaska ayaa sheegay in Ciidamada ay ahaayeen kuwo u dhintay qaranka, waxaana uu ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Cadawga.

maleeshiyada shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyan qaraxan iyagoo qaaday mas’uuliyadda qaraxan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wasiir kale oo shaqadii ka tagay

Wasiirkii Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Wasiirada, isagoo sheegay in Xukuumada ay gabtay waxyaabihii loo igmaday.

C/raxmaan C/shakuur ayaa isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumada ay fulin weyday ammaanka, Dib u Heshiisiinta, Bani’aadanimada iyo in dadkii ka barakacay dagaalada ay dib u soo celiso, taasoo uu ku qeexay in ay qeyb ka aheyd shirkii Jabuuti.

“Afar qodob ayay Xukuumada wax ka qaban weysay, taas ayaa u sabab u aheyd waxqabad la’aanta”ayuu yiri C/shakuur oo sheegay in waraaqdiisa Istiqaalada ay gaartay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa Xerta Aala-Sheykh ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay uu ka mid ahaa shaqsiyaadka la hadal hayay inuu is casili doono, waxaana la ogeyn in wasiiro kale ku soo biiri doonaan iyo in kale.

Waxaa uu ka mid ahaa Wasiiradii gacanta midig ee Madaxweyne Shariif, wuxuu ahaa Hogaamiyihii Shirkii Jabuuti, isagoo hogaaminayay Kooxdii ARS-ta, waxaana uu noqonayaa wasiirkii afaraad ee ka tagay Xukuumada Cumar C/rashiid

Posted in DhacdooyinComments (0)

SECURITY THREAT AGINST SOMALILAND

UNDSS-SOMALIA SIOC UNDSS-SOMALIA SIOCUNITED NATIONS NATIONS UNIES To: Somalia SMT, Somalia Security Cell, FSCO Hargeysa, DSS East African Desk, DSS TRUThreat Information Received: Several reports from local contacts, open source media and member states indicate a possible planned operation in Somaliland before/during/after the Presidential elections. SIOC Comments: The below is a commentary of the Information reports received; UNDSS-SOMALIA SIOC UNDSS-SOMALIA SIOCcredence to previous reporting of a recent graduation in May where it was reported that suicide bombers had completed training and were being dispatched.Potential Vulnerabilities: The DSS Team in Somaliland have raised the following issues that present potential vulnerabilities:

SECURITY THREAT INFORMATION REPORT

Date: 7 June 2010

STI Report: SOM106072010: Possible Al-Shabaab (AS) plans against Somaliland 26 June, 2010 Presidential elections.

1.

a) Arrests of AS financier in Garowe and 3 cell members procuring equipment and supplies on 2 June 2010

b) AS makes media announcements to step up attacks in Somaliland and Puntland: 22 Jan 2010

c) Reportedly, nine young men from Somaliland arrived in Somaliland with the task to conduct suicide missions during the upcoming Presidential elections.

d) Meeting between Somaliland Dhulbahante religious order/clan elders and Al-Shabaab

2.

a) The suspected AS financier ((Siyad Abdirahman Jama’a)), arrested in Garowe had worked for WFP in the mid-nineties and various INGOs operating there. His knowledge of the UN system and INGO community is of great value to a planning process for terrorist operations. Three other AS members were also arrested recently in Garowe while procuring weapons and equipment. The significance of AS presence in Garowe is alarming since it was discovered that after the 29 October 2008 coordinated suicide bombing campaign in Somaliland where three suicide car bombers struck the presidential palace, the UN Development Program compound, and the Ethiopian Consulate in the city of Hargeysa in Somaliland, the equipment and financing originated from AS support cells in Garowe.

b) In late January 2010, speaking to a crowd in Ufurow district in the Bakool region, ((Mahad Omar Abdikarin)), Shabaab’s governor for the Bay and Bakool regions in southwestern Somalia, recently announced that AS will attack Somaliland. Abdikarin is a prominent leader who has publicly flaunted Shabaab’s link with al Qaeda and has urged foreign fighters to flock to Somalia. While this is common rhetoric AS leadership does have clan ties to Somaliland (see comment c) below.

c) According to local contacts and open source reporting, nine young men from Somaliland, who were trained by AS in a training camp in Bay region, arrived in Somaliland with the task to conduct suicide missions during the upcoming Presidential elections. Allegedly, three of the trained men already arrived in Hargeysa while the remaining six went to different towns including Berbera, Burao and Borama. They are expected to target International observers during the Election Day. Meanwhile, the Supreme leader of AS, ((Ahmed Abdi Godane)), who is from Hargeisa, as well as his deputy ((Ibrahim “Afghani”)), the mastermind of the attacks in Hargeisa 2008), gave his blessing to the nine “martyrs”. Additionally, most AS suicide bombers receive training in Bay/Bakool regions due to the influence of AS spokesman ((Muktar Robow)). This would lead

d) Members of Dhulbahante’s religious order and elders held a meeting with AS in Mogadishu. The meeting brought together members of Dhulbahante clan and senior members of AS. The Dhulbahante clans mainly inhabit parts of Sanag and Sool in Somaliland’s eastern regions. It is possible that AS and some members of the Dhulbahante clan who operate under the Northern Somalia Unionist Movement (NSUM) are in the planning stages to disrupt the Somaliland elections.

3.

a) SPU support to UN: SPU assets are likely to be re-deployed in support of the wider elections therefore reducing support to the UN in terms of static guard forces and in the event that critical road movement is needed, in terms of protected mobility. This may leave key locations more vulnerable to possible attack such as UN compounds and Hotels. Access controls and security guard forces have been the two biggest vulnerabilities in recent attacks against UN facilities.

b) Concentration of international presence. International (Non-UN) election observers are planned to be in Somaliland most of whom more than likely will be accommodated between the two main Hotels. This may present a desirable target of opportunity especially if perimeter security is depleted through the re-deployment of SPU at those key locations.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dhibaatooyin soo wajahay Xukuumadda Cumar C/rashiid

Wasiirka Tacliinta Sare Maxamed Cabdullaahi Omaar oo hadda London jooga ayaa is casilay.

Xasan Macallin, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa isna casilay.

Wasiirka uu ilaa bishii April ku sugnaa magaaladan London, ayaa xaqiijiyay in uu is casilay, hase yeeshee, kama uusan waramin sababta ku abuurtay inuu is casilo.

Wararka Muqdisho naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Wasiiru Dowlaha Difaaca, Yusuf Siyaad Indhacadde uu isaguna is casilay.

Saddexda Wasiir oo is casilay laba waa niman ku dhow dhow Madaxweynaha oo dowladda dhinaciisa ka soo galay.

Xasan Macllin wuxuu ahaa gacan yarihiisa maalmihii uu Sheekh Shariif ku jiray Olalaha doorashada iyo markii uu Madaxweyne noday labadaba.

Ka dib wuxuu u dallacay Wasiiru Dowlaha, waxaana lagu tirayaa intii Sheekh Shariif xilka hayay in uu Xasan macallin ka mid yahay ragga xogta ugu badan u xafiday

Yusuf Siyaad Indhacadde waxay Shiikh Shariif wada shaqeynayeen ilaa iyo berigii Maxkamadaha oo Indhacadde uu madax u ahaa ciidanka.

Markii uu Madaxweynuhu hadda ka hor sheegay in uu shaqada ka fariisiyay Ra’iisal Wasaaraha, wuxuu Indhacadde ahaa Wasiirka keliya ee si aan qarsoodi lahayn u eedeeyay raiisal Wasaaraha.

Ugu yaraan hal Wasiir oo kale ayaa la sheegay in uu isaguna is casilay.

Lama yaqaan sababta ay Wasiirradu isu casileen.

Laba ayay mid noqon kartaa.

In ay ka saluugeen waxqabad la’aanta dowladda iyo in tani ay tahay shirqool loogu dan leeyahay in looga takhaluso Ra’iisal Wasaaraha.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Indha Cadde oo iska casilay Jagadii uu ka haayay Xukuumadda Cumar C/rashiid

Wasiiru Dowlihii Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Wasiirada.

Indha Cadde ayaa sheegay in waraaqdiisa istiqaalada uu Maalinimadii Sabti u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagoo sheegay in mas’uuliyad ahaan uu go’aansaday in xilkaas uu ka tanaasulo.

“Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkaas aan hayay, waxaan gudbiyay waraaqdeyda is casilaada maalintii sabtida”ayuu yiri Indha Cadde oo warar soo baxaya sheegayaan in is casilaadiisa ku timid kadib markii maalmo ka hor loo diiday inuu galo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Yuusuf Indha Cadde ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in aysan waxba ka qaban xaalada ammaanka ee dalka, isagoo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ugu eedeeyay inuu taageero Al-Shabaab.

Sidoo kale Indha Cadde ayaa sheegay in qarax todobaadkii la soo dhaafay xilli habeen lala beegsaday inuu ahaa mid laga soo abaabulay Madaxtooyada, inkastoo aanu mas’uul gaar uu farta ku fiiqin.

Jaalle Indha Cadde oo lagu tilmaamo, inuu yahay wasiirka kaliya ee si hagar la’aan ugu dagaalama Dowladda ayaa waxaa xiriir dhow leeyihiin Madaxweyne Shariif, waxaana is casilaadiisa noqoneysaa mid caqabad ku ah sii jiritaanka Xukuumada Cumar C/rashiid oo mustaqbalkeeda sii dhacayo.

Ma cada in is casilaada Indha Cadde in ay la xiriirto khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo Madaxweynaha maalmo ka hor ku wargeliyay inuu soo gudbiyo istiqaaladiisa

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mareykanka iyo kenya oo ka wada hadlay arrimaha soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo booqasho ah uga bilaabatay Kenya isagoo madaxda dalkaas kala hadlay arrimaha dalka soomaaliya.

Joe Biden la kulmay  Madaxweynaha Waddanka Kenya Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaaraha Raila Odinga, iyadoo kulanka Madaxweynaha kenya iyo madaxweyne kuxigeenka Mareykanka uu ahaa mid albaabada u xirna.

Markii kulankaas dhamaaday ayaa madaxweyne kuxigeenka Mareykanka iyo madaxda kenya waxay la hadleen Saxaafada waxayna sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto xaaladda dalka soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxaa la filayaa inuu cadaadis ku saaro dowladda Kenya inay dhaqan geliso isbeddel siyaasadeed, kadib rabshadihii ka dhacay doorashooyinkii la isku khilaafay ee Kenya laba sano ka hor.

Mr Biden ayaa socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Afrika waxa toddobaadka dabayaaqadiisa uu ku soo gabagabeyn doonaa Koonfura Afrika, halkaasi oo uu ka qeybgali doono cayaarta Mareykanka ugu horeysa ay koobka adduunka la leeyihiin England

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shariif oo dalacsiiyay 87 sarkaal

Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyey 87 sarkaal oo ka mid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha maanta la dalacsiiyay waxaa waxa u dhamaaday tabar sare oo ku saabsan hoggaaminta ciidanka.

Munaasabadda saraakiishaas lagu dalacsiiyey waxaa ka hadlay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Geelle Kaahiye isaga oo Madaxweynaha uga mahadnaqay ahmiyadda uu siinayo dhisidda Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynuhu waxa uu ciidankaas ku adkeeyey in waajibkooda ugu horreeya uu yahay in ay dalka ka saaraan amni darada isaga oo kula dardaarmay inay tusaale ku dayasho mudan u noqdaan cutubyada ay hoggaaminayaan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shirka deg dega ah ee Wadamada Jaamacadda Carabta

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo looga hadlayay xaaladda Gaza iyo weerarkii dhawaan ciidamada Israel ay ku qaadeen markabkii sida gargaarka ee ka yimid waddanka Turkey.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee waddanka Masar ayaa waxa Soomaaliya uga qeybgalay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee dowladda KMG ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu shir guddoominayay kullankaasi wadamada Carabta.

Wasiirka oo kullanka kadib hadlay ayaa sheegay in go’aamo 13 qoddob ah ay ka soo saareen shirkaasi aan caadiga ahayn oo uu sheegay inay ugu horeysay uguna muhiimsaneyd in la jabiyo cunaqabateyntii saarneyd Gaza.

Waxaa kale oo ay ka dalbadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah in Israel la soo taago oo lagula xisaabtamo dambiyada ay geysatay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Dowladda oo jab gaarsiiyay Maleeshiyada shabaab

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta horumar ka sameeyay dagaalo ay la galeen Xoogaga Mucaaradka, iyagoo isku fidiyay goobaha ay ku sugnaayeen, kadib dagaal qaraar oo saaka ka dhacay qeybaha Waqooyi bari ee Muqdisho.

Dagaaladii saaka oo ahaa mid qorsheysan oo ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo ay wehlinayeen Ciidamada AMISOM ayaa waxay galeen dhinaca xeebta ee degmada C/casiis, halkaasoo dagaal faraha looga gubtay ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo ah kuwa tababarka ku soo qaatay dalka Uganda ay la wareegeen Xeebta Liido Mirinaayo iyo wadada kaluunka oo ahaa meelo ay ku sugnaayeen Mucaaradka.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu arkay Xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo ay horay u joogeen Shabaab, waxaana Ciidamada ay joogaan Kawaan Bari, Isgoyskii Jiiro Wacbuudhan iyo qeybo kale.

Taliyaha Ciidamada Lugta Cali Cosoble Caraaye oo loo yaqaano Gacmaduule ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, isagoo sheegay in ay tiro ka dileen dhinacyadii la dagaalamayay, waxaana uu meesha ka saaray in ay Ciidamada Dowladda dib u soo laabtaan, sida horay looga bartay.

Ciidamada Dowladda ayaa wali si tartiib tartiib ugu sii siqaya goobaha ay ku sugnaayeen Xoogaga ka soo horjeeda oo ay ku qaadeen duulaan ballaaran, waxaana muuqday in dagaalka loo galay qaab istiraatiiji ah oo ka duwan qaababkii hore.

Dagaalada oo aan wali lagu kala bixin ayaa bilowgiisa u muuqda mid libinta dhinaca dowladda ay xigto, kadib markii weeraro qorsheysan oo ay in muddo ahba ka baaraan dageysay saaka ku qaaday waqooyiga Muqdisho.

Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday saaka, isla markaana dhinacooda iska caabiyeen.

Dagaalada ayaa waxay ahaayeen kuwo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa bar bar socday duqeymo xoogan oo ka dhacayay qoriga Taangiga iyo madaafiicda goobta, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20-ruux, halka ay ku dhaawacmeen afartameeyo

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shariif Xasan oo wareysi bixiyay

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa been abuur ku tilmaamay eedeymaha ay u soo jeediyeen guddiga Maaliyadda barlamaanka ka hor inta uusan qaban xilka ee ahaa in uu lunsaday hanti qaranku leeyahay.

Shariif Xasan Sh Aadan ayaa hadal xaqiiqada ka fog ku tilmaamay eedeymahaasi, isagoo sheegay in dhaqaalaha wasaaraddu ay ahaayeen kuwa muuqda oo la marsiiyay meelo ay dowladdu ogtahay,  isagoo qiray in maamulka wasaaraddu uu ahaa mid ballaaran oo uusan isaga ku koobneyn, wuxuuna beeniyay in haba yareetee uu qaatay hanta qaranku leeyahay.

“wasaaradda maaliyadda kaligeey ma maamuleynin waxaa jiray agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo howsha waday, kaligey maanan wadin howsha, haddalada qaar waa borobagaando la fidinayo” ayuu yiri Sh Shariif Xasan.

Gudoomiyaha barlamaanka oo horay u ahaa Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda ayaa sheegay in dhamaan hantidii qaranka uu ku wareejiyay ciddii xaqqa u lahayd ka hor inta uusan is sharixin, wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo.

“wax kasta oo dalka soo gelayo iyo meesha ay ka imaanayaanba waa kuwo xisaabsan oo muuqda, marka shaqsiyaadka wararkooda waa kuwo u gaar ah” ayuu yiri Xasan oo hadalkiisa sii raaciyay “ wax alaale wixii aan hayay waan wareejiyay waxaana ku wareejiyay ciddii  ay ahayd in aan ku wareejiyo”.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha ah in doorashada gudoomiyenimada Barlamaanka uu u adeegsaday Dhaqaalaha Dowladda, wuxuuna dadka fekerkaasi qaba ku tilmaamay kuwa ka gabanaya guul darrada, isagoo sheegay in uu horay xilkaan ugu guuleystay.

“Hadalkaasi waa been, waxaana ku hadlay kuwo guul darrada diidaya, iiguma horeyso in aan ku guuleysto gudoomiye Barlamaan hadda, horayna waa la ii dhahay lacag ayaad bixisay markaan guuleystay marka iguma cusba hadalkaan”.

Shariif Xasan Sh Aadan ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta uu muranku ka taagan yahay ee ah gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlaamanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sharci yaqaano ka tirsan Barlamaanka loo xilsaaray arrintaasi go’aanka ay leeyihiin mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh Aadan oo wax laga weydiiyay waxa uu ka bedeli doono xaaladda dalka maadaama loo doortay gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, ayuu sheegay in uu qaban doono howsha u taalo oo ah arrinta barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa ku daray “waxaan ahay afhayeenka barlamaanka, waxaana ilaalin doonaa axdiga iyo xeer hoosaadka dalka, shaqadeysu waa taas iyo go’aamada barlamaanka”.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaal culus ayaa ka socda duleedka Magaalada Dhuusmareeb

Toddobo qof ayaa ku dhintay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal saaka dib uga bilowday degaanno u dhow dhow magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Dagaalka maanta wuxuu daba socday mid culus oo shalay isla dhulkaas ku dhexmaray Ciidamada Ahlu sunna iyo maleeshiyada shabaab  kaas oo looga dilay shabaabka 11 dablay.

Sida wararku sheegayaan dadka ku nool xarunta gobolka galgaduud ee Dhuusa-mareeb,ayaa saaka bilaabay inay ka qaxaan magaalada iyagoo ka baqaya in dagaaladu soo gaaran magaalada.

Dadkii ku dhaawacmay dagaaladii shalay oo muddo dheer socday ayaa wararku sheegayan in la kala geeyey magalooyinka Guri-ceel iyo ceel-buur oo isla gobolka galgaduud ka wada tirsan.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa dagaal adag kula jira maleeshiyada shabaab iyo dagaalyahano al qaacida ee gabaadka ka dhigtay dalka soomaaliya.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Danjire America oo beeniyay war lagu daabacay qaar ka mid ah Warbaahinta soomaaliya

Danjiraha Dowladda Somaliya u fadhiya Kenya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay war maanta ku soo baxay qaar ka mid ah Warfaafinta soomalida kuwaas oo daabacay in Danjire America uu sheegay in ganacsatada soomaalida ay xiriir la leeyihiin Al shabaab oo ah urur ku xiran Al qaacida oo Mareykanka ku tilmaamay Argigixisada Caalamka khatarta ku ah, wuxuuna safiirka beeniyay warkaas isagoo cadeeyay in warkaas uu yahay been abuur cad.

Safiir Maxamed Cali America ayaa warkaas ku tilmaamay mid laga been abuuray isla markaana uusan jirin meel uu saxaafadda kula hadlay, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay in laga been abuurta shaqsiyadiisa.

Danjire Maxamed Cali America ayaa ku tilmaamay ganacsatada soomaaliyed kuwa horumar ah ka sameeyay ganacsiga, isagoo xusay in ganacsiga soomaaliya uu yahay midka maanta badbaadinaya dadka soomaaliyed ee dhibaatooyinka ragaadiyay 20 kii sano ugu dambeeyay ee dalka dagaalada sokeeyay ka socdeen.

Wuxuu sheegay Safiirka in Ganacsatada soomaaliyed ee Magaalada Nairobi ku amaanayo sida wanaagsan ee ganacsiga soomaalida ugu soo bandhigeen Afrikada iyo qaaradaha kale ee adduunka.

“Ganacsatada soomaaliyed wax xiriir ah lama laha Shabaab, warkaas ma garanayo meesha uu ka yimid, :ayuu warkiisa raaciyay Safiirka soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America.

Ma jirto meel aan shir jaraa’iid ku qabtay oo aan kula hadlay Saxaafadda ayuu mar kale yiri Safiirka.

 

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Idaacadda Shabelle oo isaga guurtay Suuqa Bakaaraha

Idaacada Shabelle oo ka mid ah Idaacadaha afka dheer ee Magaalada Muqdisho ka howl gala ayaa saaka isaga soo guurtay xaruntii ay ku laheyd Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii muddo 8-sano ay ku howl galeysay Daarta Global ee wadada labaad Suuqa Bakaaraha.

Idaacada oo soo martay marxalado kala duwan ayaa saaka u soo guurtay Xeyndaabka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo soo guuritaankeeda ahaa mid qarsoodi ah.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Maamulka Idaacada oo maalmahan waday qorshe ay uga guurayeen Suuqa Bakaaraha oo ay maamulaan Xoogaga Mucaaradka ee Dowladda ka soo horjeeda.

Idaacada oo saaka hawada ka maqneyd ayaa dad badan is weydiinayeen sababaha hawada uga baxday, hase ahaatee waxaa markii dambe la ogaaday in goor hore oo aroortii ah ay isaga soo guureen, qalabkoodiina ka soo rarteen.

Guuritaanka Idaacada ayaa sidoo kale ahaa mid aanay ka warqabin Wariyeyaasha, waxaana saaka qaar ka mid ah wariyeyaasha Idaacada ay tageen iyadoo albaabada u xiran yihiin, taasoo layaab ku noqotay.

Warar qaar ayaa sheegaya in markii Idaacada saacado hawada laga waayay ay xarunta Idaacada tageen qaar ka tirsan Xoogaga Hubeysan, kuwaasoo markii horeba Idaacada si hoose dhaq dhaqaaqa ula socday.

Shabelle ayaa ka mid ah Idaacadaha u dhega nuglaada amarada Xoogaga Hubeysan, waxaana ay dhaqan gelisay tallaabadii Ururka Xisbul Islaam uu kaga mamnuucay idaacadaha sii deynta Heesaha iyo Muusiga.

Hase ahaatee lama oga sida ay ku shaqeyn doonto xilligan oo xeyndaabkii Dowladda kaga sugneyd Caasimada ay saldhigatay, iyadoo ay muuqatay caburin gaar ah oo ay kala kulmeyso Xoogaga Hubeysan.

Idaacada Shabelle ayaa waxaa Bishii June ee sanadkii hore maalin cad Suuqa Bakaaraha looga dilay Agaasimaheeda Allaha u naxariistee Mukhtaar Maxamed Hiraabe, sidoo kale sanadkaas ayaa waxaa ka dhintay ilaa saddex wariye oo Idaacada ka howl galayay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Hogaamiye Alqacida oo la dilay

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in nin ka mid ka madaxda sare ee Al Qaacida ay diyaaradaha Maraykanka ku dileen Pakistaan.

Mustafa Abu al -Yazid oo loo yaqaano Sheikh al Masri ayaa lagu dilay bishii May gobolka u dhow Afganistaan.

Warbixin ay Alqacida ku soo saartay boginternetka ee ay leeyihiin ayay ku xaqiijiyeen dhimashadiisa.

Mustafa Al-Yazid ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa ninka ugu sareeya Alqacida ee u qaabilsan dhinaca lacagta, uuna ahaa ninka loo soo maro hogaamiyaha Alqacida Osama bin Ladin.

Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay, inuu dhiibay lacagtii lagu qaaday weerarkii 9/11 eelagu qaaday New York iyo Washington.

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==