War ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Barisalis ee wadanka Beljamka ayaa lagu sheegay in gargaar lacageed oo gaaraya 20milyan Eur ah loogu deeqayo wadamada ku yaala bariga Africa oo ay ka mid tahay wadanka Soomaaliya taa oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka abaartu saameysay.
Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah, gargaarka Bini’aadanimo iyo ka hortagga xasaradaha Karistalina ayaa sheegay in abaartu ay tahay mid ku dheeratay wadamada Soomaaliya, Ethiopia.Kenya.Jabuuti iyo Uganda, waxa uuna sheegay in abaartaas ay sababtay musiibo rabaani ah.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale ku wararmay in ay dedejinayaan barnaamijyada lagu taageerayo dadka dhibaataysan ee gargaarka Bini’aadanimo u baahan.
hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay Midowga Africa ka dhawaajiyay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan bariga wadanka Ethiopia uu ugu deeqayo deeq lacageed oo loogu gargaarayo dadkaasi taa oo loo soo marsiinayo hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR islamarkaana gaaraysa 50,000 oo lacagta Maraykanka ah






