Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo booqasho ah uga bilaabatay Kenya isagoo madaxda dalkaas kala hadlay arrimaha dalka soomaaliya.
Joe Biden la kulmay Madaxweynaha Waddanka Kenya Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaaraha Raila Odinga, iyadoo kulanka Madaxweynaha kenya iyo madaxweyne kuxigeenka Mareykanka uu ahaa mid albaabada u xirna.
Markii kulankaas dhamaaday ayaa madaxweyne kuxigeenka Mareykanka iyo madaxda kenya waxay la hadleen Saxaafada waxayna sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto xaaladda dalka soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxaa la filayaa inuu cadaadis ku saaro dowladda Kenya inay dhaqan geliso isbeddel siyaasadeed, kadib rabshadihii ka dhacay doorashooyinkii la isku khilaafay ee Kenya laba sano ka hor.
Mr Biden ayaa socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Afrika waxa toddobaadka dabayaaqadiisa uu ku soo gabagabeyn doonaa Koonfura Afrika, halkaasi oo uu ka qeybgali doono cayaarta Mareykanka ugu horeysa ay koobka adduunka la leeyihiin England






