Dadka ku dhaqan dagmada Doobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ka cabanaya xayiraad dhinaca safarka ah oo maleeshiyaadka Al-shabab ay ku soo rogeen dadka deegaanadaasi ku sugan.
Qaar kamid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in amarrada Al-shabab ay xannibeen ganacsiga dagmada dhoobleey, kadib markii ay diideen in dadku ay u safraan deegaano ku yaala xadka Soomaaliya uu la wadaago dalka Kenya oo ganacsi ahaan ku xiran degmada Dhoobleey.
Maleeshiyada Al-shabab ayaa dhawaan qabtay gaari badeeco ka keenay deegaankaasi, ayagoo dab qabadsiyay badeecadaasi gaarigii wadayna ku ganaaxay lacag baad ah oo uusan awoodin Milkiilaha gaariga.
Sidoo kale dadka ku dhaqan deegaanka dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ka cabanaya falal burburin dhismooyin ah oo maleeshiyaadka Al-shabab ay deegaanadaasi ka wadaan.
Dadka ku dhaqan dagmada Dhoobleey ayaa arrintaan ku macneeyay in Al-shabab ay shacabka kaga aar gudanayaan dhallinyaro deegaanka ka tirsan oo dhawaan ka baxsatay tacdiyada Al-shabab ay ka wadaan deeganadaasi oo ku biiray ciidamada Dowlada iyo dhinacyada kale ee dagaalka ugu jira sidii Al-shabab deeganadaasi looga xoreyn lahaa






