Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay war ay qortay New York Times ee sheegay in Dowladda KMG ah ay ciidanka qaranka u qoratay carruur yaryar oo qaan gaar ahayn.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka warqabin meel carruur yaryar loogu qoray ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu waxa uu yiri “waddanka waxa uu la ciirciirayaa kumanaan rag xoog leh ah oo ay dawladdu mashquul ku tahay hub ka dhigistooda”.
Dowladda KMGa h iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa lagu arkay caruur aad u yar yar oo loo dhiibay hubka lagu dagaalamo.
Madaxaweynuhu waxa uu amar ku bixiyay in haddii ay jiraan carruur ka mid ah ciidanka degdeg looga saaro.






