Wasiiru Dowlihii Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Wasiirada.
Indha Cadde ayaa sheegay in waraaqdiisa istiqaalada uu Maalinimadii Sabti u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagoo sheegay in mas’uuliyad ahaan uu go’aansaday in xilkaas uu ka tanaasulo.
“Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkaas aan hayay, waxaan gudbiyay waraaqdeyda is casilaada maalintii sabtida”ayuu yiri Indha Cadde oo warar soo baxaya sheegayaan in is casilaadiisa ku timid kadib markii maalmo ka hor loo diiday inuu galo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Yuusuf Indha Cadde ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in aysan waxba ka qaban xaalada ammaanka ee dalka, isagoo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ugu eedeeyay inuu taageero Al-Shabaab.
Sidoo kale Indha Cadde ayaa sheegay in qarax todobaadkii la soo dhaafay xilli habeen lala beegsaday inuu ahaa mid laga soo abaabulay Madaxtooyada, inkastoo aanu mas’uul gaar uu farta ku fiiqin.
Jaalle Indha Cadde oo lagu tilmaamo, inuu yahay wasiirka kaliya ee si hagar la’aan ugu dagaalama Dowladda ayaa waxaa xiriir dhow leeyihiin Madaxweyne Shariif, waxaana is casilaadiisa noqoneysaa mid caqabad ku ah sii jiritaanka Xukuumada Cumar C/rashiid oo mustaqbalkeeda sii dhacayo.
Ma cada in is casilaada Indha Cadde in ay la xiriirto khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo Madaxweynaha maalmo ka hor ku wargeliyay inuu soo gudbiyo istiqaaladiisa






