Muqdisho, (TFG): Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ah Wasiirka Lacagta, ahna sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Africa oo ku beegan 16-ka June 2010 deeq bixiyeyaasha caalamka looga baahanyahay inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan dowladda Soomaaliya iyo UNICEF si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan daryeel mustaqbal leh.

Caruurta Soomaaliyeed waxaa heysta nasiib darro oo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda FKMG ah waxey ku tuntaan dhammaan xaquuqaha carruurta dhan walba, ha noqoto in loo diido waxbarasho, ama lagu qasbo inay dagaalada galaan. In kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay ku sii tuntaan xaquuqda carruurta Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka berri ma aha mid laga yeelayo.
Waa in carruurta Soomaaliyeed meel walba ay joogaan la siiyaa dhammaan xaquuqahooda oo ay ku jiraan waxbarasho, caafimaad iyo daryeel guud. Waxaan UNICEF ku ammaaneynaa dadaalada ay wadaan oo lagu xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed si joogta ah looga warqabo, ha yeeshee waxaan la soconaa in UNICEF iyo Dowladda FKMG ahba aysan heysan dhaqaale ku filan oo lagu daryeelo carruurta Soomaaliyeed.
Dowladda FKMG ah waxaa ka go’an in caruurta Soomaaliyeed ay helaan dhammaan xaquuqdooda oo weliba meel looga soo wada jeesto AL-Shabaab iyo sida ay carruurta ugu isticmaalaan dagaalo iyo colaado joogta ah, gaar ahaan midka diineed oo runtii mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed dhibaato weyn u keeni kara.
Dowladda FKMG ah ma heysato dhaqaale sidaas daraadeed waxaan caalamka gaar ahaan deeq bixiyeyaasha ka codsaneynaa inay caruurta Soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar deg-deg ah si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan dhammaan daryeelka ay sida aadka ah ugu baahan yihiin.
Carruurta Soomaaliyeed waa in si deg-deg ah loola soo gaaraa gar gaar waxbarasho oo tayeysan taasoo ka fogeyneysa collaadaha iyo dhibaatooyinka joogtada ah una fureysa maskaxdooda.
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada waxaan ugu baaqeynaa inay xil weyn iska saaraan sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen daryeel dhameystiran.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho






