Agaasimaha Guud ee CIA da Dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo wareysi siinaayay Wargeyska Newyorka Times ayaa Shaaca ka qaaday in dalal ay Somalia ay ka mid tahay ay ku sii qul qulayaan Saraakiil sarsare oo Xariir la leh Shabakada Al-Qaacida ,waxana uu sheegay inay ugu wacan tahay Ammaan darida ka jirto dalka Somalia
Waxa uu hoosta ka xariiqay inay il-gaar ah ku haayan Wadanka Somalia waa sida u hadalka u dhigay Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo sheegay inay Taageersan yihiin Dowlada KMG ah ee Somaliya ee uu Madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed.
“Dowlada Mareykanka wey taageersan tahay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay Magaalada Jabouti ee Xaruunta Jamhuuriyada Jabouti horaantii January Sanadii hore 2009-ka” ayuu yiri Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka oo sheegay in dalalaka Pakistan iyo Afghanistan ay la mid yihiin Dalka Somalia.
Somaliya ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ajanabi ah oo ka barbar dagaalamaya kooxda mayalka adag ee Shabaab.






