Toddobo qof ayaa ku dhintay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal saaka dib uga bilowday degaanno u dhow dhow magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.
Dagaalka maanta wuxuu daba socday mid culus oo shalay isla dhulkaas ku dhexmaray Ciidamada Ahlu sunna iyo maleeshiyada shabaab kaas oo looga dilay shabaabka 11 dablay.
Sida wararku sheegayaan dadka ku nool xarunta gobolka galgaduud ee Dhuusa-mareeb,ayaa saaka bilaabay inay ka qaxaan magaalada iyagoo ka baqaya in dagaaladu soo gaaran magaalada.
Dadkii ku dhaawacmay dagaaladii shalay oo muddo dheer socday ayaa wararku sheegayan in la kala geeyey magalooyinka Guri-ceel iyo ceel-buur oo isla gobolka galgaduud ka wada tirsan.
Ciidamada Ahlu sunna ayaa dagaal adag kula jira maleeshiyada shabaab iyo dagaalyahano al qaacida ee gabaadka ka dhigtay dalka soomaaliya.






