Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta ee Somaliland, Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen.

Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro.
Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe.
Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga doorashada oo kaashanaya ciidanka ammaanka.

Waxaa la diyaariyay sanaadiiq fara badan oo loogu tala galay in ay ku fillaadaan tirada gobol walba laga diiwaan geliyay.
Dadka is diiwaan geliyay
Tirada dadka is diiwaan geliyay
| Maroodi-Jeex (Hargeysa) | 361,498 |
| Togdheer (Burco) | 243,221 |
| Awdal (Borame) | |
| Sanaag (Ceeri-Gaabo) | 146,371 |
| Sool (Laas-Caanood) | 98,314 |
| Saaxil (Berbera) | 43,097 |
Gobolka Maroodi-jeex, ee Hargeysa, waxaa iska diiwaan gelisay 361,498 qof.
Togdheer oo ah Burco, waxaa is qoray 243,221 ruux.
Awdal waxaa kaadhadha qaatay 176,912 ruux.
Sanaag waxaa diyaar ah 146,371 qof.
Sool ayaa laga sugayaa 98,314 codbixiye.
Saaxiil waxaa la dhigayaa sanaadiiq ku filan 43,097 is diiwaan gelisay.
Isu socod ma jiro
Waxaa amar lagu bixiyay in aanuu socon karin gaadiid aan la siin ruqsad khaas ah.
Waxaa looga jeedaa in sidaa ammaanka lagu sugo.
Isla markaana aanay u sahlanaan cid kasta oo laga yaabo in ay dooneyso in ay wax carqaladeyso.
Guddiga doorashada ayaa maamulka gacanta ku haya.
Ciidamada ammaanku nabadda iyo habsami u socodka ayay ilaalinayaan.
Waxaa goob kasta oo cod lagu bixinayo xubno ka wakiil ah murashixiinta Madaxa is daray.
Dusha ayaa waxaa ka eegaya korjoogto caalami ah.








