Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta horumar ka sameeyay dagaalo ay la galeen Xoogaga Mucaaradka, iyagoo isku fidiyay goobaha ay ku sugnaayeen, kadib dagaal qaraar oo saaka ka dhacay qeybaha Waqooyi bari ee Muqdisho.
Dagaaladii saaka oo ahaa mid qorsheysan oo ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo ay wehlinayeen Ciidamada AMISOM ayaa waxay galeen dhinaca xeebta ee degmada C/casiis, halkaasoo dagaal faraha looga gubtay ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo ah kuwa tababarka ku soo qaatay dalka Uganda ay la wareegeen Xeebta Liido Mirinaayo iyo wadada kaluunka oo ahaa meelo ay ku sugnaayeen Mucaaradka.
Ciidamada Dowladda ayaa lagu arkay Xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo ay horay u joogeen Shabaab, waxaana Ciidamada ay joogaan Kawaan Bari, Isgoyskii Jiiro Wacbuudhan iyo qeybo kale.
Taliyaha Ciidamada Lugta Cali Cosoble Caraaye oo loo yaqaano Gacmaduule ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, isagoo sheegay in ay tiro ka dileen dhinacyadii la dagaalamayay, waxaana uu meesha ka saaray in ay Ciidamada Dowladda dib u soo laabtaan, sida horay looga bartay.
Ciidamada Dowladda ayaa wali si tartiib tartiib ugu sii siqaya goobaha ay ku sugnaayeen Xoogaga ka soo horjeeda oo ay ku qaadeen duulaan ballaaran, waxaana muuqday in dagaalka loo galay qaab istiraatiiji ah oo ka duwan qaababkii hore.
Dagaalada oo aan wali lagu kala bixin ayaa bilowgiisa u muuqda mid libinta dhinaca dowladda ay xigto, kadib markii weeraro qorsheysan oo ay in muddo ahba ka baaraan dageysay saaka ku qaaday waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday saaka, isla markaana dhinacooda iska caabiyeen.
Dagaalada ayaa waxay ahaayeen kuwo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa bar bar socday duqeymo xoogan oo ka dhacayay qoriga Taangiga iyo madaafiicda goobta, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20-ruux, halka ay ku dhaawacmeen afartameeyo






